Seddex Xildhibaan Oo Taageersan Madaxweyne Shariifka Soomaaliya Oo Maanta Kulan Muqdisho Ku Yeeshay

0
590

Kulankaani Ayaa Maanta Waxaa Ka Qeyb Galay Seddex Xildhibaan oo Taageersan Madaxweynaha TFG-da Iyagoona Ka Soo Horjeestay Doorashada Leys Ku Raacay In Augost Muqdisho Ay Ka Dhacdo

Xildhibaanadaan oo Kala Ah Xildhibaan Sh, Nuur Cali Aadan, Xildhibaan Bood C/lle Magan iyo Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin Waxayna Kulankooda Ay Ka Sheegeen In Ay Ka Soo Horjeedaan Doorashada Madaxweynenimo oo Lagu Wado In Ay Ka Dhacdo Magaalada Muqdisho Iyagoona Sheegay Inay Raali Galinayaan Axmed Diiriye Cali Iyo Maxamed Xasan Xaad oo La Dhacsan Siyaasada Madaxweyne Shariifka Soomaaliya iyo R/Wasaaah Soomaali Ameerikaanka Soomaaliya

Seddexdaani Xildhibaan Ayaa Waxay Ka Tirsanaayeen Tiro Xildhibaano ah Oo Taageersanaa Madaxweyne Shariifka Soomaaliya Kuwaas oo Intooda Badan Aqbalay In Ay U Hogaansamaan Axdiga U yaal TFG-da Oo Qaba In Augost Ay Dhacdo Doorashada Madaxtinimo ee Soomaaliya

Arintaani Ayaa Muujineysaa in Xubnaha Baarlamaanka Isku Aragti Ay Ka Noqdeen Arinta Doorashada Madaxtinimo Ee Augost Lagu Wado In ay Ka Dhacdo Magaalada Muqdisho

  

  

 

Wararka Soomaaliya (Warsom.com)( 

info@warsom.com & webmaster@warsom.com)

Mogadishu Somalia

Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)

Mogadishu Office

+25-26-15514953/+25-2699-995641 

*