shir si wadajir ah ay u qabteen Odayaasha Dhaqanka Islaamiga ee Beelaha Muqdisho ayaa waxay ku eedeeyeen ciidamada Shisheeye in ay doonayaan in ay boobaan hantida shacabka Muslimiinta ee taala Suuqa Bakaaraha shirkaasi ka dib ayaa warfidiyeenada waxaa la hadlay Gudoomiyaha Golaha Dhaqanka Islaamiga Ee Beelaha Muqdisho Macalin Muxidiin iyo afahayeenka Golahaasi Sh. Maxamed Axmed Guuleed waxayna si wadajir ah u sheegeen in duulaan qaawan lagu soo qaaday suuq bakaarah ayna soo qaadeen ciidamada shisheeye oo ay ku sheegeen in ay yihiin kuwa duulaan ku joogo Muqdisho ayna yihiin Cadowga Allah iyo Cadowga Muslimiinta Sidaa Awgeed U jeedadooda ay tahay in ay baneystaan hantida shacabka muslimiinta ee taala Suuqa Bakaaraha iyagoo la sheegay in ay doonayaan in suuqaasi ay ka geystaan bililiqo waxayna ugu baaqeen Mujaahidiinta iyo shacabka oo iskaashanayo in ay ka hortagaan cadowgaasi ee duulaanka ku soo qaaday suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho
Wararka Soomaaliya (Warsom.com)
Mogadishu Somalia
Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)
Mogadishu Office
+25-26-15514953/+25-2699-995641
*(info@warsom.com & webmaster@warsom.com)