Munaasabadahaan oo ahaa kuwo is qilaafsan ayaa waxaa gabi ahaanba soo qabanqaabiyay Hogaanka TFG-da waxaana munaasabadahaasi qaarkood ay ka dhaceen Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir, Hotelka Saxafi, Hotelka Shaamow, Hotelka Paradise, Xarunta Haweenka Qamar iyo Meelo kalee oo ka mid Goobaha TFG-da ay ka taliso
Munaasabadii ka dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka qeybgalay xubno ka tirsan xukuumada qurbo joogo ah, Maamulka Gobolka Banaadir Iyo Horjoogo Yaal Ka Tirsan Ciidamada Shisheeye
Munaasabadaani oo lagu weyneenayay Maalintii la dhisay Ururka Xurnimo Doonka SYL ayaa dadkii ka qeybgalay waxaa la yaab la noqotay ciidamo shisheeye oo ka qeyb galaya Munaasaba Maalinta Dhalanyarada Soomaaliyeed ee SYL
Waxaana sidoo kale Arimahaani oo Dhan ay muujineysaa Kala Dambeyn La’aanta ka Jirto Goobaha ay Dowlada Gacanta Ku hayso
Wararka Soomaaliya (Warsom.com)
Mogadishu Somalia
Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)
Mogadishu Office
+25-26-15514953/+25-2699-995641