Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).. Maxkamadaha Waa Kuwii Dhibaatada U Horseeday Shacabka Dadkana Qarxin Jiray Misaajidadana Ku Dili Jiray Xisbina Ma Furan Karaan

0
1008

Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo ka tirsan hogaamiyo kooxeedyadii soomaaliya ayaa sheegay in wax xisbi ah ayna furan karin ragii ka tirsanaa Maxkamadaha oo dhawaan sheeay in ay xisbi ku dhawaaqeen.

Maxamed Dheere wuxuu ku eedeeyay ragaasi in dhibaato ay u horseedeen shacabka isla markaana ay xasuuqeen haween badan dhaqan cusubna Soomaaliya ku soo kordhiyeen sida Misaajidyo in dadka lagu dilo, Qaraxyo dadka la geysto ayuu ku eedeeyay Maxamed Dheeree Raggii dhawaan ku dhawaaqay inay fureen xisbi Maxkamadaha loogu magacdaray

Dhanka kale Hoogaamiye Kooxeed Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay Augost in la qabto Doorashada Madaxweynenimada Soomaaliya Madaxweynahana arintaasi uu diidi karin isagoona sidoo kale Baarlamaanka ku eedeeyay qaarkood inayna ka shaqeyneynin danta umadda Soomaaliyeed

Hadalkaani ayaa wuxuu imaanayaa xilli dhawaan ay shaaciyeen rag ka tirsanaa maxkamadihii oo ay ka mid yihiin Cumar Daahir iyo agaasimaha Radio Muqdisho C/raxiin Ciise Caddow ay sheegeen inay ku dhawaaqeen xisbi raggii maxkamadaha ka tirsanaa

 

Wararka Soomaaliya (Warsom.com)

Mogadishu Somalia

Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)

Mogadishu Office

+25-26-15514953/+25-2699-995641

*(info@warsom.com & webmaster@warsom.com)