Guddomka Baarlamaanka FKMG ayaa maata waxba kama jiraan ku tilmaamay war shalay ka soo baxay xukuumadda oo ahaa in ay baarlamaanka u gudbiyeen Ajandeyaal badan oo ay ka mid yihiin heshiisyo lala galay dalal caalamka ah.
War-saxaafadeed maanta ka soo baxay xafiiska guddoonka ayaa lagu sheegay in warka ay xukuumaddu baahisay ee ah in heshiisyo lala galay dalalka Tukiga, Iran, Sudan, Indonesia iyo kuwa kale ay yihiin kuwo xaqiiqada ka fog oo aan raad qaanuuni ah lahayn haba yaraatee, taas oo la sheegay in la doonayo in lagu marin habaabiyo umadda Soomaaliyeed iyo beesha Caalamka.
Warka ayaa lagu sheegay in sidoo kale warkaan ay xukuumaddu ka damacsan tahay in ay ku qariso wax qabad la’aanta xukuumadda iyo kartida xumida sida lagu sheegay war-saxaafadeedka oo intaa ku daray in ay xukuumaddu ku koobantay is xayeysiis aan nuxur lahayn iyo go’aanno is burrinaya.
War-saxaafadeedkaan oo uu saxaafadda u aqriyay Xildhibaan Cumar Isloow oo ka mid ah xog-haynta Baarlamaanka, waxaa looga jawaabay qorshe howleedka ay xukuumaddu sheegtay in ay baarlamaanka u gudbisay iyo ajandeyaasha ku saabsan marxaladda kala guurka ah ee dalka, waxaana la soo qaatay qodobbadii xukuumaddu sheegtay in ay guddoonka u gudbisay sida muddo kordhin wada jir ah, soo jeedin muddo kordhin hal sano ah dhammaan Hay’adaha Dastuuriga ah iyo dib-u-dhigista Doorashada iyo Codsi kulan wada tashi ah, ayadoo looga jawaabay.
“Arrinkaan isaga ahna waa mid aan waafaqsaneyn xeer hoosaadka Baarlamaanka qodobkiisa 30-aad farqaddiisa 4aad oo tilmaamaya.
(Guddoomiyahu wuxuu soo bandhigayaa, soo jeedinta golaha haddii aysan ka hor imaaneyn Axdiga, Shuruucda dalka ama xeer-hoosaadka Golaha), wixii intaa ka duwan guddoonka xaq looguma laha inuu u soo gudbiyo Baarlamaanka.
War-saxaafadeedkaan ka soo baxay guddoonka Baarlamaanka ayaa ugu dambeyn lagu sheegay in xukuumadda FKMG ah ay ka marin habowday ku dhaqanka Axdiga FKMG, waxaa sidoo kale lagu sheegay in ay garan weyday waajibaadka ka saran dalka iyo dadka si waafaqsan shuruucda dalka, waxaa sidoo kale lagu eedeeyay xukuumadda wax qabad la’aan iyo in aysan fulin qorshihii kalsoonida lagu siiyay sadexdii bilood ee ugu horreysay, ayadoo lagu sheegay war-saxaadeedka in musuqmaasuq caddeyn loo haayo la sameeyay, isla markaana la bixiyay xilala aan dastuuri ahayn.
Gabagabadii warsaxaafadeedkaan guddoonku wuxuu ku taliyay in loo hoggaansamo Go’aannada Baarlamaanka, la ilaaliyo ku dhaqanka Axdiga FKMG iyo shuruucda kale ee dalka u degsan, ayadoo laga waantoobayo ficillada lagu marin-habaabinayo Nidaamka Dowlliga ah
Wararka Soomaaliya (Warsom.com)
Mogadishu Somalia
Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)
Mogadishu Office
+25-26-15514953/+25-2699-995641
(
info@warsom.com & webmaster@warsom.com)