Caleema-saarkii Yuweri Musaveni ee k a dhacay Yugaandha 12 bisha aan ku jirno oo loo dhaariyay inuu markii afaraad hogaamiye ka noqdo Yugaandha waxay cadayn marag-madoonto ah u tahay sida Shacabka Yugaandha ay Raali uga yihiin aragtida guracan ee uu ku dhaqmo hogaamiyahoodu.
Doorashada ay shacabka Yugaandha dib u doorteen Musaveni inuu sii ahaado mar kale hogaamiyahooda isla markaana uu gacanta kusii hayo go’aamadooda ma aha oo kaliya mid calaamad u ah sida ay isugu wada raacsanyihiin gumaadka ay Ciidamadoodu ka geysanayaan Soomaaliya, balse waxay kaloo cadayn u tahay sida ay hal saf oo kaliya uga wada yihiin duullaanka Saliibiga ah iyo dulmiga qaawan ee ay Ciidamadoodu kusoo qaadeen Shacabka Soomaaliyeed.
Iyadoo kudbadii Caleema Saarka ahayd ee Musaveni u jeediyay shacabka uu hogaamiyo uu diirada ku saaray arimaha dhaqaalaha iyo waxbarashada, ayuu hadana wuxuu ka qariyay xaalada liidata ee Ciidamadiisa ku haysata Muqdisho, waxaana la wada xusuustaa xilligii uu Khudbada ka jeedinayay goobta lagu magacaabo KOLOLO ee Kampala in Maydadka Saraakiisha iyo Askarta Yugaandha ee loo yaqaano ” UPDF” lagu jiid-jiidayay Laamiyada Muqdisho.
Magaalada Muqdisho oo wadana-qabad ku noqotay Ciidamada Yugaandha ayaa waxaa joogta ka noqday baqtiga Askarta Yugaandha ee lasoo dhigo wadooyinka waawayn, iyadoo uu ugu dambeeyay Sarkaal sare oo lagu magacaabi jiray RICH ALFARED, oo hogaamiye u ahaa Pataaliyomka labaad ee loo yaqaano “SEE KOOY” kaas oo kadib markii ay Mujaahidiintu dileen bakhtigiisa lasoo dhigay wadooyinka Muqdisho .
MAGACA : DRICH ALFRED
Lambarka Shaqada : : RA/138236
Darajada : Taliye-Horin.
ALFRED oo uu Madax u ahaa Taliye lagu magacaabo ” Lutenant OGOLO” ayaa wuxuu kamid ahaa Saraakiisha sar-sare ee Gaalada Yugaandha kuwaas oo masuul ka ah , Xasuuqa iyo Barakicinta Kumanaan caruur iyo haween Muslimaat ah oo ku noolaa Magaalada Muqdisho, iyadoo ay usii dheertahay duqaymaha joogtada ah ee lasoo beegsadaan goobaha ay dadka Rayidka ah ku badanyihiin.
KU SOCOTA SHACABKA YUGAANDAH:
Ciidamadiina Calooshood- u-shaqaystayaasha ah waxay faraha kula jiraan gumaad ba’an oo ay u geysanayaan Shacabkeena Muqdisho ku dhaqan, iyagoo cel-celis ahaan maalin walba kusoo tuura 300 oo madfac oo ay kusoo ridayaan xaafadaha dadku ku badanyihiin, goobaha ganacsiga iyo xitaa Cisbitaalada,Balse dhigaas ay sida xaqdarada ah u daadinayaan ma aha mid meel cidla ah ku bixi doona oo waxaa jiri doona xisaab adag oo laga geli doono, xilligaas oo aad xaqiiqsan doontaan in Nabadgelyada aad ku faantaan ee ka jirta dalkiina ay isku badali doonto dhalanteed.
Waana adinka oo kaliya dadka dhusha u ridan doona jawaabta ka timaada dulmiga ay Ciidamadiinu ka geysanayaan Muqdisho.
Xafiiska Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab
Wararka Soomaaliya (Warsom.com)
Mogadishu Somalia
Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)
Mogadishu Office
+25-26-15514953/+25-2699-995641
*
(