Afhayeenka Mujaahidiinta Al Shabaab Shiikh Cali Dheere Oo Shaaciyey In Dowladda TFG-da Ay Mareykanka Wakiil Uga Tahay Duulaanka Soomaaliya Iyo Digniin Culus Uu U Jeediyey Dowladda IYo Shacabka Jabuuti ( Dhageyso )

0
643

Shiikh Cali Maxamuud Raage Shiikh Cali Dheere oo Maanta Gudaha Magaalada Muqdisho Ku Qabtay Shir Jaraa’id Ayaa waxa Uu Kaga hadlaya Qodobo Dhowr ah Ka Turjumaya Waaqiciga haatan Taagan Sida Hadal ka Soo Yeeray R/wasaare Somali Americanka Farmaajo iyo Wararka Sheegaya In Dowladda Jabuuti ay Ciidamo U Soo Direyso Soomaaliya

Shiikh Cali Dheere ayaa Waxa Uu Hoosta Ka Xariiqay In R/wasaare Somali Americanka Farmaajo uu Afkiisa Ku cadeeyey In Uu U Adeegaya Danaha Shacabka Iyo Dowladda Mareykanka

Sidoo kale Afhayeenka ayaa waxa uu Soo Hadal qaaday Wararkii Ka Soo Yeeray Dowladda Jabuti ee Ku Aadanaa In Dalka Soomaaliya ay U Soo Direyso Ciidamo Ka qayb Noqdo Ku Shisheeye Ee Ku Sugan Ciida Soomaaliya

Shiikh Cali ayaa Digniin Buuxdo U Diray Dowladda Iyo Shacabka Reer Jabuuti Isagoo Uga Digay In Ciidamo Ka Socda Jabuuti Loo Soo Diro Soomaaliya

Shirka Jaraa’id Ee Afhayeenika Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa Imaanaya Xili Farmaajo Uu Si cad U Sheegay In dagaalka ay Kula Jiraan Mujaahidiinta ay Ku Difaacayaan Danaha Shacabka Mareykanka

(Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Shirkii Jaraa’id Ee Shiikh Cali Dheere) 

 

Wararka Soomaaliya (Warsom.com)

Mogadishu Somalia

Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)

Mogadishu Office

+25-26-15514953/+25-2699-995641

 *