Kooxda Ahlu Sunna Iyo Ciidamada Ethiopia oo Qafaashay Gawaari ay Dad Rayid ah Lahaayeen
Posted On:
Monday 25 April 2011 (Warsom.com) Mogadishu
Wararka Naga Soo Gaaraya Degmada BeledXaawo ee Gobolka Gedo oo ay Gacanta Ku Hayaan Ciidamada Ethiopia Kuwa TFG-da Iyo Kooxda Ahlu Sunna ayaa Waxa ay Sheegayaan In Ku Dhawaad 15 Gaari oo ay Lahaayeen Dad Rayid ah ay Qafaasheen Kooxaasi
Gawaariada ay Qafaasheen Ciidamadaasi ayaa Waxa ay isugu Jireen Gawaarida Xamuulka Iyo Kuwa Raaxada Loo Qaato Waxa ayna Ku Rarteen Saanado Milatari Iyo Ciidamo ay Lee Yihiin
Sidoo Kale Milkiilayaasha Lahaa Gawaarida La Qafaashay ayaa Walaac Xoogan ka Muujiyey Falka ay Ciidamada Is Kaashanayaa ee Ethiopia Iyo Kuwa Ahlu Suna ay KUla Kaceen Gawaariada ay Lahaayen Dad Muslimiinta Rayid ah ee Halkaasi Ku Sugan
Wararka Soomaaliya (Warsom.com)
Mogadishu Somalia
Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)
Mogadishu Office
+25-26-15514953/+25-2699-995641
(
info@warsom.com & webmaster@warsom.com)