War-Saxaafadeed ka Soo Baxay Madaxtooyada oo Loogu Baaqay Maamul Goboleedyada Illaalinta Midnimada Qaranka Soomaaliya.

0
25
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday dowlad goboleedyada in aysan siyaasadeynin arrimaha midnimada, wadajirka, madax-bannaanida iyo gobnimada siyaasadeed ee dalka.

Warsaxafaadeed caawa kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in  Dawladdu ay dadaal badan ku bixisay hagaajinta xiriirka wadashaqeyn ee kala dhaxeeya dhammaan Dowlad Goboleedyada si gaar ahna Puntland, si uu noqdo xiriir sharci ah oo ku salaysan danta dadka iyo dalka.Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in ay ka go’an tahay in ay sii waddo dadaal kasta oo ay ku hagaajineyso Xiriirka kala dhaxeeya Puntaland si dadka Soomaaliyeed u hantaan dawlad Soomaaliyeed oo xaqiijin karta himilooyinkooda Dawladnimo.

Dowladdu waxay iska fagaysay inay  siyaasadeyso arrimaha ku saabsan dhaqaalaha, horumarinta iyo la tacaalidda arrimaha bini’aadannimada iyadoo sheegtay in ay adkeynayso waajibka iyo xuquuqaha dastuuriga oo ay leeyihiin Dowlad goboleedyadu.

Warkaan ayaa kusoo beegmay, maalmo ka dib markii uu qabsoomi waayay shirkii golaha wadatashiga qaran ee madaxweyne Xasan sheikh uu ku dhawaaqay, iyadoo Puntland ay diidday shirkaas.

Puntland waxa ay sheegtay in aysan jirin dowlad Soomaaliyeed oo ay aqoonsan yihiin xilligan, iyadoo sheegtay in loo baahan yahay in laga laabto tallaabooyinka ay kamid yihiin wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka dalka, si ay miiska u yimaadaan.