DAAWO” Gudoomiyaha Degmada Hodan oo u Digay Dhalinyarada Hotelada u soo Caweys Taga.

0
301
Guddoomiyaha degmada Hodan ee magaalada Muqdisho Cali Fahle ayaa soo saaray amaro ku socda hoteelada iyo maqaayadaha ku yaala degmadaas ee lagu caweeyo habeenkii.

Guddoomiye Cali Fahle ayaa sheegay inuusan marna aqbali doonin in dhaqan xumo lagu sameeyo hoteelo iyo maqaayado ku yaala degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.”‘Annaga ma ogolin wiilasha iyo gabdhaha isku niikinaya ee habeenkii ee usoo caweys taga hoteelo iyo maqaayado ku yaala degmada oo hadana sheegaya in Canjeero iyo Malawax u soo doontaan Degmada Hodan, kuwaas oo isaga kala yimaada degmooyinka kale ee Muqdisho, ma arki karno maqaayad ama huteel furan lix saac habeenimo wixii ka dambeeya” ayuu yiri guddoomiye Cali Fahle.

Wuxuu sidoo kale faray guddoomiyaha degmada Hodan ganacsatada ku nool degmadaasi in qof walba uu goobtiiisa ganacsi ku hor talaalo dhirta.

“Bilicda degmada aan ka shaqeynay oo  wadooyinka an u sameynay Inter lock in hadana bilaa dhir ahaadaan wadooyinka oo kuleel daran la dareemo mahan wax wanaagsan ee waa in qof walba oo ganacsade ah uu goobtiisa ku hor talaalo dhirta” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Hodan Cali Fahle.

Hadalkaan kasoo yeeray guddoomiyaha degmada Hodan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo horay guddoomiyaha gobolka Banaadir uu Muqdisho uga mamnuucay iney furnaadaan ama lagu caweeyo hoteelada iyo maqaayadaha ku yaala Muqdisho wixii ka dambeeya lix saac oo habeenimo.