Ciidamo Lagu Soo Xulay Shuruudo Gaar ah oo Tababar Loogu Direy Dalka Turkiga.

0
235

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer ku tagay dugsiyada tababarka ciidanka xoogga dalka ee kala ah Jeneraal Dhagabadan, TurkSom iyo Jeneraal Daa’uud ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysay u jeediyay cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo ku wajahan furimaha dagaalka iyo ciidamo tababar heerkiisu sarreeyo u aadaya dalka Turkiga.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn u sheegay ciidamada ku wajahan furimaha dagaalka iyo kuwa u ambabaxaya tababarka in shacabka Soomaaliyeed ay ka sugayaan dhameystirka howlgalada dalka looga ciribtiraayo kooxda Al-shabaab ee wali ku harsan qeyb ka mid ah gobolada dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale uga digay ciidamada qalabka sida isticmaalka Balwada, isagoona xusay in askarta tababarka ugu ambabaxeysa dalka Turkiga sharuudaha lagu soo xulay iney ka mid aheyd ineysan laheyn wax balwad ah.

“Shuruuddii la idinku soo xusay waxa koow ka aha in aadan balwad lahayn, ninkii lehna wuu iska tagayaa oo meeshaan si qalad ah ayuu kusoo galay, balwadu waxay cudur ku tahay naftaada, nadaafadaada iyo qoyskaaga, Balwadu waa waxa ciidanka dila, Askarta tababarka u socda qofkii balwad lagu arko wuu iska tagayaa” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale kula dardaarmay ciidamada iney yeeshaan kala dambeyn si ay u noqdaan awood jirta oo wax waliba iska difaaci karta.

“Ciidan aanan laheyn kala dambeyn maaha ciidan wax tar leh xata hadii ay haystaan hubka noocyadiisa ugu waa weyn iyo Taangiyo, marka waxaan idin kula dardaarmaya inaad yeelataan kala dambeyn oo ah waxa ugu fiican ee ciidan awood siiya” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku howlan sanadahii ugu dambeeyay dhismaha ciidan tayo leh iyo sidii ay guud ahaan dalka uga ciribtiri laheyd kooxda Al-shabaab.