Puntland oo Mareykanku ugu Baaqeen in ay Qabtaan Doorasho Leysla Wada Ogolyahey.

0
296

Dowladda Maraykanka ayaa soo dhoweysay doorashooyinka qof iyo cod ee Puntland qorsheynayso inay ka dhacdo 37 degmo, Doorashadaas oo ah mid heer deegaan ah.

Qoraal kasoo baxay safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa waxay u boorisay maamulka Puntland hannaan doorasho oo loo dhan yahay islamarkaana la isku raacsan yahay.

Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya ayaa kamid ahaa safiirrada beesha caalamka ee shalay booqday magaalada Garowe, halkaas oo ay kula shireen madaxda Puntland, iyagoo kala hadlay arrimaha doorashada iyo ka go’naanshahooda.

Beesha caalamku waxay sheegtay inay taageerayso  dimuqraadiyada Puntland, inkastoo maamulada Puntland ay ku fashilmeen labo jeer oo hore, haddana uu walaac xooggan ka taagan yahay marka loo eego muddada u hartay maamulka Siciid Deni.

Siyaasiyiin caan ah oo ay kamid yihiin madaxweynayaashii hore ee Puntland iyo raysal wasarayaal hore ayaa sheegay in madaxweyne Deni oo ku howlan yahay qorshe muddo kororsi ah.