Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Cusub Ee Dowlada Ingiriiska

0
384

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha cusub ee dowladda Ingiriiska u soo magacowday Soomaaliya Ben Fender.

Ra’iisul Wasaaraha iyo safiirka cusub ee dalka Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Ben Fender ayaa ka wada hadlay xiriiirka qotada dheer ee labada dal iyo habka ugu wanaagsan ee ay u wada shaqayn karaan labada dawladood.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo safiirka ee Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa iska xaal waraystay xaaladaha labada wadan iyo xiriirka wadashaqeneed ee ka dhaxeeya, waxayna isla garteen in la sii xoojiyo xiriirka wanaagsan ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Ingiriiska, si shacabka labada dal ay u kala faa’iidaystaan.

Ra’iisul wasaare kheyre ayaa bogaadiyay sida wanaagsan ee ay dowlada Ingiriiska u taageerto Soomaaliya ulana shaqeysoisagoona dhankiisa safiir Bender uu bogaadiyay horumarada ay wado dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya.