Meyddka Askar Uganda u dhashey oo la gaarsiyey Magaalada Kampala.

0
480

Meydadka Askar Uganda u dhashay oo dhawaan lagu dilay weerar ka dhacay gobolka Shabeellaha hoose ayaa la geeyay magalada Kampala.

Diyaarad siday meydadkan oo shalay ka duushay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa ka dejiyay garoonka diyaaradaha Entebbe ee magaalada Kampala.

Wasaaradda difaaca Uganda ayaa sheegtay in ilaa 12 askar ay uga geeriyoodeen dagaal ay ciidamadooda ka tirsan howl galka AMISOM la galeen Al-Shabaab.

Meydadkan ayaa loo sameeyay munaasabad baroor diiq ah, iyadoo askar iyo saraakiil ku sugnaa xilliga laga dejinayay Entebbe ay salaan sharaf u taageen.

Al-Shabaab ayaa sheegatay in illaa 39 askari ka tirsan Al-Shabaab ay ku dishay weerar ay ku qaaday kolonyo ciidan oo mareysay deegaanka Golweyn, kuna sii jeeday degmada Buulo Mareer.

warsom2011@gmail.com