Laba diyaaradood oo hub sida, ayaa waxaa mid bixiyey dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, halka midda kalena ay ka timid Imaaraadka.
Dawladda Soomaaliya ayaa laba diyaaradood oo sida hub iyo saanad kale oo milatari u dirtay maamulka Puntland.
Arrintan ayay dowladda ku macneysay mid gacan looga gaysanayo dagaalka Puntland ay kula jirto maleeshiyada kooxda Al-Shabaab ee dhowaan ka degay xeebaha Bari ee Puntland.
Labada diyaaradood ee hubka sida, ayaa waxaa mid bixiyey dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, halka midda kalena ay ka timid dowladda Imaaraadka Carabta.
Shir jaraa’id oo ka dhacay Muqdishu ayaa mas’uuliyiinta dawladda ay kaga hadleen muhiimadda ay saanaddan milari ka gaysan karto la dagaalnaka Al-Shabaab.





