Xarakada Al-Shabaab Oo Laga Saaray Magaalada Tiyeglow Ee Gobolka Bakool

0
376

tiyeglow
Ciidamada dawladda Federaalka Ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ka socda dalka Itoobiya ayaa la wareegay gacan ku haynta magaalada Tiyeglow ee Gobolka Bakool Oo Horey U Kaga Arimin Jirta Dagaalyahano KA Tirsan Dhaq Dhaqaaqa Al-shabaab.

Ciidmadan ayaa la sheegya in ay magaalada qabsadeen Islamarkaana Ay Ka Ceeriyeen Dagaalyahanadii UHorey U Heysatay Waxaana Ay Sheegeen Shacabkii KU Dhaqnaa Halkaasi In Ay Dhibaatooyin Ku Hayeen Dagaalyahanada Shabaabka.

Maxamed Cabdi Tool Oo Ah Guddoomiyaha Gobolka ayaa sheegay in qorshaynta iyo diyaarinta weerarkani ay socotay shanti maalmood ee la soo dhaafay Wuxuuna Carabka Ku Dhuftay In Ay Weerarkaasi Ciidamadooda Wax Qasaaro Ah Uusan Ka Soo Gaarin Dadka ku nool deegaanka ayaa Dhankooda Waxa Ay sheegay in kooxda al shabaab Ay dhinaca duurka u baxsatay.

Magaalada Tiyeglow Ee Gobolka Bakool waa degmadii ugu dambaysay degmooyinka Rasmiga ah Gobolka Bakool ee Laga qabsado Dagaal Yahanada al-Shabab Mana Jirto Ialaa Iyo HaatanWax Hadal Ah Oo KA Soo Baxay Al-shabaab Kaasi oo Ku Aadan Ka Fara Maroojinta Tiyeglow Oo Ay Dowlada Fara Hooda Kala Baxday .