Baarlamaankii Ukraine Oo La Kala Diray Iyo Madaxweyne Petro Oo Ku Dhawaaqay Doorasho Aan Waqtigeedii La Gaarin

0
367

ukrien
Petro Poroshenko, Oo Ah Madaxwaynaha Ukraine ayaa kala diray baarlamaankii wuxuu na ku baaqay doorasho wakhtigeedii laga soo hormariyay iyada oo ciidammadiisu ay sii wadaan dagaalka ay kula jiraan dagaalyahanada gooni u goosadka ah.

Sidoo Kale Poroshenko wuxuu sheegay in baarlamaan cusub uu muhiim u yahay si meesha loo ga saro xubnaha hortaagan isbadalada Tanina Uu Ku Tilmaamay Talaabo Wax ku Ool Ah Oo Ay Kaga Adkaan Karaan Dagaalyahanada KA Soo Horjeeda Dowladadiisa.

Saraakiisha ammaanka ee Ukraine waxa ay sheegeen in ciidammadoodu ay qabteen toban qof oo ka mid ah ciidammada Ruushka ayna ku qabteen bariga Ukraine Waxay Sheegtay
Xukuumadda Ruushka in aysan ku luglahayn dagaalka ka socda Ukraine.