WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA OO LA KULMAY MADAXWEYNAHA HEY’ADDA TIKA,KANA QEYBGALAYA SHIR CAALAMI AH

0
330

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa xalay kulan gaar ah kula qaatay Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga Madaxweynaha hey’adda TIKA Dr. Serdar ÇAM oo ay ka wada hadleen howlaha horumarinta hey’adaasi ay ka fuliso dalka iyo qaabkii lagu dardar gelin lahaa .

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay dowladda Turkiga taageerada kala duwan ee ay u fidisay Soomaaliya , isagoo xusay in Shacabka Soomaaliyeed aaney marnaba iloobi doonin taageerada walaalnimo ee ay ka helaan walaalahooda Turkiga .

Madaxweynaha hey’adda TIKA Dr. Serdar ÇAM ayaa xusay in hey’adda TIKA oo kaashaneysa barnaamijyada horumarineed ee dowladda Turkiga ay ka hirgelin doonto Soomaaliya mashaariic wax ku ool u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed, ayna sii wadayaan wax u qabashada bulshada Soomaaliyeed.

Dhinaca kale , Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa uu maanta kaga qeybgalayaa Magaalada Istanbul Shir caalami ah oo looga hadlayo horumarinta iyo caqabadaha ku horgudban , kaasoo qeyb ka mid ah Wasiirka uu shirgudoomin doono , waxaana lagu casuumay Wasiira arrimo dibadeedyo , madax ka tirsan hey’adaha Qaramada Midoobey, diblomaasiyiin iyo wakiillo .

Dr. Cabdiraxmaan Duceele Bayle waxa uu shirkaasi ku bandhigi doonaa fursadaha maalgashiga ee ka banaan dalka Soomaaliya iyo baahida dowladdu u qabto mashaariic horumarin oo dhinacyo badan leh .

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga oo shalay gelinkii dambe gaaray Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, ayaa waxa uu socdaal kaga yimid Magaalada Oslo ee Caasimadda dalka Norway, halkaasi oo uu kulamo kula yeeshay Wasiiro ka tirsan dowladda Norway iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi ku nool oo uu ku booriyay inay midoobaan oo ay u howlgalaan dib u dhiska, horumarinta iyo maalgashiga dalka .

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayaa xoojisay siyaasadeeda dibadda , si indhaha caalamka ay ugu soo jiheyso isbadalada ammaan iyo hiigsiga barwaaqo ee shacabka Soomaaliyeed ay naawilayaan,taasoo kordhisay in dowladaha caalamka ay dib u howlgeliyaan Safaaradihii ay ku lahaayeen Caasimadda Muqdisho .
4