M/weyne Xasan Sheekh oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada marka xarunta gobolka sh/hoose.

0
360

Socdaalka madaxweyne xasan sheekh maxamu’d oo aan aheyn mid hore loo sii shaaciyey ayaa waxa uu ku tagey caasimadda gobolka sh/hoose ee marka,waxeyna booqashadani noqoneysaa mid dhawr maalmood qaadaneysa sida ay sheegayaan ilo m/weyne xasan sheekh ku dhaw dhaw.

Waa markii ugu horeysey oo m/weyne booqdo marka cadeey minan aw cismaan,waxaana m/weyne xasan sheekh uu ku dabaashey xeebta marka isagoo markii uu badda kasoo baxeyna lug ku tagey halkii uu magaalada ka degey.

Safarkan iyo booqashadan oo u muuqda kuwo m/weynaha uu ku ogaanayo xaalada magaalada marka iyo guud ahaan gobolka ayaa kusoo beegmeysa iyadoo indhawaalaba gobolka ay ka jireen dagaalo sokeeye,isbaarooyin iyo maamul xumo hore loo xalin waayey,waxaana bilawdey qaabilaada iyo kulamada uu dadweynaha la yeelanayey.