Mr Cabdi Xasan oo ka mid ah Oday Dhaqameedyada Beesha Xawaadle Ayaa Waxaa uu Ra’iisul Wazaarihii Hore C.wali Gaas ku Eedeyay in uu beesha Xawaadle ku sameeyay is daba marin ku aadan xilshibaanada cusub isla markaana Gabi ahaanba Gaas uu Liiska Xildhibaanada cusub uu ka tirtiray Xubnihii Ay Soo Xulatay Beesha Xawaadle.
Mr Cabdi xasan ayaa Waxaa uu inta Ku Daray In Ra’iisul Wazaarihii hore C/weli Max’ed Cali Gaas Kasaaritaan xubnihii ay soo xushteen beesha xawaadle uu gacan ka siiyay C/llaahi Goodax Barre oo ahaa Waziirkii hore ee Qorsheenta iyo Iskaashiga Isla Markaana Gaas uu Ku badashtay Rag uu ku sheegay Mr Cabdi inaynan Soo xulin Beesha Xawaadle isla Markaana Gaas uu doonayo iney Gacan ka siiyaan sidii uu ku noqon lahaa Madaxweynaha Dalka Soomaaliya.
Eedeentaan ka soo yeertay Beesha xawaadle ayaa waxa ay ku soo beegantay Xili Maanta La dhaariyay Xildhibaanada cusub ee Barlamanka Soomaaliya.




