{"id":94987,"date":"2023-10-09T02:47:26","date_gmt":"2023-10-08T23:47:26","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=94987"},"modified":"2023-10-09T03:19:39","modified_gmt":"2023-10-09T00:19:39","slug":"israaiil-oo-laga-qabsadey-magaalooyin-xad-la-wadaaga-marinka-qasa-iyo-jab-ku-dhacey-yuhuudda","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2023\/10\/israaiil-oo-laga-qabsadey-magaalooyin-xad-la-wadaaga-marinka-qasa-iyo-jab-ku-dhacey-yuhuudda\/","title":{"rendered":"Xamaas oo  Qabsatey Magaalooyin Xad La Wadaaga Marinka Qasa iyo Dad Yuhuud La Diley."},"content":{"rendered":"<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\"><b>Ciidamada Israa\u2019iil ayaa ku dhawaaqay in 24-ka saac ee soo socda ay dhammaan dadkooda ka daad gureeyeen magaalooyinka u dhow xadka Gaza, iyadoo uu sii xoogeysanayo dagaalka u dhaxeeya Israa\u2019iil iyo Xamaas.<\/b><\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Afhayeen u hadlay ciidamada Israa\u2019iil, Daniel Hagari ayaa yiri, \u201cHowsha u taalla ciidamada 24-ka sax ee soo socda waa inay ka saran dhammaanba dadka deggan agagaarka Gaza,\u201disagoo carrabka ku adkeeyay in dagaalka uu sii soconayo si \u201cloo badbaadiyo dadka la heysto\u201d ee ay qabsadeen kooxda Falastiiniyiinta.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Ciidamada Israa\u2019iil ayaa dagaal kula jira dagaal-yahannada Falastiiniyiinta ee dhulkooda galay waxayna bambaanooyin ku garaacayaan Marinka Gaza.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Ciidamada garabka milatariga ee Xamaas, ee Al-Qassam Brigades ayaa sheegay inay muddo saacado gudahood ah ku dhawaaqi doonaan &#8220;tirada dadka laga heysto Israa\u2019iil,&#8221;.<\/p>\n<\/div>\n<section class=\"bbc-geybui\" role=\"region\" aria-label=\"Xayeysiin 2\" aria-hidden=\"true\" data-e2e=\"advertisement\"><\/section>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Israa\u2019iil, ayaa dhankeeda in ka badan 3,000 oo gantaal ah ku gantay Marinka Gaza, waxaana ka dhashay dhimashada ilaa 200 oo qof iyo dhaawaca in ka badan kun qof dhanka Israa\u2019iil.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Dhanka kale, wasaaradda caafimaadka Israa\u2019iil ayaa sheegtay in tirade dadka ay waxyelladu gaartay ilaa iyo shalay ay tahay 2,048, oo ay ku jiraan 330 qof oo dhaawacoodu daran yahay, halka warbaahinta Israa\u2019iil ay tebinayaan in tirada dhimashada ay gaartay 500 oo qof.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Ciidamada Israa\u2019iil ayaa ku dhawaaqay inay madaafiic ku garaaceen deegaannada koofurta Lubnaan iyagoo ka jawaabaya rasaas dhankaas uga timid, sida laga soo xigtay war rasmi ah oo saakay kasoo baxay ciidamada Israa\u2019iil.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Warka ayaa intaas ku daray in&#8221;Madfac Israa\u2019iil ka yimid u uku dhacay deegaanka ay rasaastu ka timid ee ku yaalla Lubnaan,&#8221; iyadoo aan la faahfaahin waxa uu weerarku yahay.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Raadiyaha ciidamada Israa\u2019iil ayaa isna hore u xaqiijiyay in madaafiic laga soo ganay dhanka Lubnaan laguna beegsaday waqooyiga Israa\u2019iil.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<h2 id=\"Dagaalka-haatan-waa-mid-qaraar\" class=\"bbc-1aaitma eglt09e0\" tabindex=\"-1\">Dagaalka haatan waa mid Socda kana Sii Daraya.<\/h2>\n<\/div>\n<figure class=\"bbc-1qn0xuy\">\n<div class=\"bbc-18qcclp\">\n<picture><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"bbc-1uwua2r\" src=\"https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/news\/640\/cpsprodpb\/299c\/live\/f0b9c880-65d9-11ee-a0c8-ab8a89e71afa.jpg\" sizes=\"auto, (min-width: 1008px) 760px, 100vw\" srcset=\"https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/news\/240\/cpsprodpb\/299c\/live\/f0b9c880-65d9-11ee-a0c8-ab8a89e71afa.jpg 240w, https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/news\/320\/cpsprodpb\/299c\/live\/f0b9c880-65d9-11ee-a0c8-ab8a89e71afa.jpg 320w, https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/news\/480\/cpsprodpb\/299c\/live\/f0b9c880-65d9-11ee-a0c8-ab8a89e71afa.jpg 480w, https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/news\/624\/cpsprodpb\/299c\/live\/f0b9c880-65d9-11ee-a0c8-ab8a89e71afa.jpg 624w\" alt=\"Israa'iil \" width=\"624\" height=\"416\" \/><\/picture>\n<p class=\"bbc-1nd3fn4\" role=\"text\"><span class=\"bbc-m04vo2\">XIGASHADA SAWIRKA,<\/span><span lang=\"en-GB\">GETTY IMAGES<\/span><\/p>\n<\/div>\n<\/figure>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Tobnaankii sano ee lasoo dhaafay, waxaa jiray xiisado, weerarro iyo dagaal u dhaxeeyay Israa&#8217;iil iyo Xamaas, balse markan iska hor imaadyadu waa ka duwna yihiin kana khatar badan yihiin sidii hore.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Tiro badan oo dad ah ayaa laga qabsaday Israa&#8217;iil, sidoo kalena khasaare ba&#8217;an ayaa gaaray, iyadoo dhanka kalena ay Israa&#8217;iil weerarro kale kaga jawaabtay.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Raysal wasaaraha Israa&#8217;iil Benjamin Netanyahu ayaa waxaa cadaadis uu uga imaanayaa garabkiisa midig ee dowladda isbahaysiga ah si uu u sameeyo wixii ninkii kaga horreeyay uu ka fogaaday, taasoo ah inuu weerar dhulka ah ku qaado Marinka Gaza, waxaa intaa dheer, in dib loo qabsado gacan ku heynta dhulalka ay ciidamada Israa&#8217;iil wareejiyeen bishii August 2005.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Xamaas ayaa sidoo kale u muuqata mid dagaal diyaar u ah, weerarradeeda aan gabbashada lahayn ayaana waxaa taageersan Falastiiniyiinta ka daalay xayiraadaha Israa&#8217;iil isla markaana diiddan Maamulka Falastiiniyiinta.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Xiisaddan ayaa sidoo kale kusoo aadeysan xilli Israa&#8217;iil iyo Mareykanku ay Sacuudi Carabiya kala xaajoonayaan hagaajinta xiriirkooda.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Dhanka Xamaas iyadu, waxay cid walba xusuusineysaa inay weli yihiin ciidamo jira oo awood leh, isla markaana ay jiraan arrimo badan oo u baahan in la xalliyo.<\/p>\n<\/div>\n<figure class=\"bbc-1qn0xuy\">\n<div class=\"bbc-18qcclp\">\n<picture><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"bbc-1uwua2r\" src=\"https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/news\/640\/cpsprodpb\/a05f\/live\/42585d60-65d9-11ee-b34c-6dbde9fedf9a.jpg\" sizes=\"auto, (min-width: 1008px) 760px, 100vw\" srcset=\"https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/news\/240\/cpsprodpb\/a05f\/live\/42585d60-65d9-11ee-b34c-6dbde9fedf9a.jpg 240w, https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/news\/320\/cpsprodpb\/a05f\/live\/42585d60-65d9-11ee-b34c-6dbde9fedf9a.jpg 320w, https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/news\/480\/cpsprodpb\/a05f\/live\/42585d60-65d9-11ee-b34c-6dbde9fedf9a.jpg 480w, https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/news\/624\/cpsprodpb\/a05f\/live\/42585d60-65d9-11ee-b34c-6dbde9fedf9a.jpg 624w, https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/news\/800\/cpsprodpb\/a05f\/live\/42585d60-65d9-11ee-b34c-6dbde9fedf9a.jpg 800w\" alt=\"Israa'iil \" width=\"800\" height=\"450\" \/><\/picture>\n<p class=\"bbc-1nd3fn4\" role=\"text\"><span class=\"bbc-m04vo2\">XIGASHADA SAWIRKA,<\/span><span lang=\"en-GB\">REUTERS<\/span><\/p>\n<\/div>\n<\/figure>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Tani waxay u muuqataa inuu yahay guuldarradii sirdoon ee ugu weyneyd tan iyo dagaalkii 1973. Xilliga uu kusoo beegmay, waa qiyaastii 50 sano kaddib, Israa\u2019iil ayaana lumineysa gacan ku heynta magaalooyinka.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Muuqaallada kasoo baxaya Sderot iyo deegaanno kale oo ku hareereysan Marinka Gaza, halkaasoo kooxaha Falastiiniyiintu ay gaaf wareegayaan waddooyinka, iyagoo afduubanaya oo dilayana rayidka, ayaa amakaag ku noqday Israa\u2019iil.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Tan, dabcan, waa wax ay ugu talogaleen, gaar ahaan kaddib markii Xamaas ay taatikooyin badan hore u tijaabiyeen, sida is qarxin iyo inay godad dhaadheer oo tagaya Israa\u2019iil dhulka hoostiisa ka qodaan.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Balse kooxahan fadhigoodu yahay Gaza weli wax sidna u dhow iskuma dayin, marka la eego awooddoodana, tan waa wax yaab leh isla markaana argagax leh sidoo kale, ficil dagaal oo ku lug leh adeegsiga boqollaal gantaal.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Rayidka ku sugan Gaza ayay tahay inay u diyaar garoobaan jawaab celinta ka imaaneysa Israa\u2019iil iyo duqeymahooda cirka.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Dadka Gaza way ogyihiin waxa soo socda, sababtoo ah dhowr jeer ayay hore u arkeen. Balse qaar ku sugan Israa\u2019iil ayaa sheegaya inay tahay xilligii la cirribtiri lahaa Xamaas gebi ahaanba, qof walbana waa ogyahay in maalmaha soo socda iyo toddobaadyada soo socda ay xaaladdu aad u adkaan doonto.<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-89424\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 225px) 100vw, 225px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg 225w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor-150x150.jpg 150w\" alt=\"\" width=\"225\" height=\"225\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-86614\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 279px) 100vw, 279px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg 279w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-954x1024.jpg 954w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-768x824.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-696x747.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-391x420.jpg 391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-782x840.jpg 782w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg 1006w\" alt=\"\" width=\"279\" height=\"300\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n<div id=\"rc-widget-66e9d9\" data-rc-widget=\"\" data-widget-host=\"habitat\" data-endpoint=\"\/\/trends.revcontent.com\" data-widget-id=\"225504\">\n<div class=\"sc-bdnxRM jvCTkj\"><\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ciidamada Israa\u2019iil ayaa ku dhawaaqay in 24-ka saac ee soo socda ay dhammaan dadkooda ka daad gureeyeen magaalooyinka u dhow xadka Gaza, iyadoo uu sii xoogeysanayo dagaalka u dhaxeeya Israa\u2019iil iyo Xamaas. Afhayeen u hadlay ciidamada Israa\u2019iil, Daniel Hagari ayaa yiri, \u201cHowsha u taalla ciidamada 24-ka sax ee soo socda waa inay ka saran dhammaanba [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":94988,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-94987","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/94987","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=94987"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/94987\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":94997,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/94987\/revisions\/94997"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/94988"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=94987"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=94987"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=94987"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}