{"id":94893,"date":"2023-10-06T21:49:22","date_gmt":"2023-10-06T18:49:22","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=94893"},"modified":"2023-10-06T22:02:44","modified_gmt":"2023-10-06T19:02:44","slug":"fatahaadda-webiga-shabeelle-oo-bilaabatey-iyo-cabsi-laga-qabo-roobab-mahiigaan-ah","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2023\/10\/fatahaadda-webiga-shabeelle-oo-bilaabatey-iyo-cabsi-laga-qabo-roobab-mahiigaan-ah\/","title":{"rendered":"Fatahaadda Webiga Shabeelle oo Bilaabatey iyo Cabsi Laga Qabo roobab Mahiigaan ah."},"content":{"rendered":"<p>Wabiga Shabeelle ayaa bilaabay inuu ku fataho deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii uu sara kac ku yimid heerka biyaha wabiga Shabeelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe.<\/p>\n<p>Fatahaada ayaa lasoo warinaya in xoogeeda uu wabiga Shabeelle ka sameeyay deegaano dhowr ah oo hoostaga degmooyinka Jowhar iyo Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe<\/p>\n<p>Fatahaada uu wabiga ka sameeyay deegaanada ka tirsan Shabeellaha Dhexe ayaa la sheegay iney baabi&#8217;isay dalagyo kala duwan oo ku beerna dhul beereed baaxad leh oo ay soo dhaweyd xiligii la goosan lahaa.<\/p>\n<p>Waa markii labaad ee sanadkaan gudahiisa ay fatahaad ku dhufato qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Dhexe, taasoo bishii April ee sanadkaan horay u baabi&#8217;isay dalagyo kala duwana kadib markii uu ku fatahay wabiga.<\/p>\n<p>Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Hirshabeelle Cumar Maxamed Cumar Gaabow ayaa sheegay in degmada Mahadaay haatan ay qarka u saaran tahay inuu ku fataho wabiga.<\/p>\n<p>\u201cDegmada Mahadaay oo kale shalay iyo maanta waxaa biyaha laga celcelinaya xaafadda Kacaanka xaafad la yiraahdo oo ka tirsan Degmada Mahadaay, oo ayadana ay biyaha ku fatahaan, balse dadka deegaanka ayaa ku dadaalaya iney ka hortagaan.\u201d Ayuu yiri Wasiir Cumar Maxamed Cumar.<\/p>\n<p>Wasiir ku xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in fatahaadaan ay ka soo hormartay xiliyadii lagu yaqiinay fatahaadaha kale, isagoona xusay in fatahaadan ay sii dheer tahay cabsida laga qabo roobabka mahiigaanka ee laga digayo in dalka ka da\u2019i doonaan iyo weliba duufaanta El Nino ee la sheegay iney ku soo wajahan tahay dalalka dhaca Geeska Afrika.<\/p>\n<p>\u201cWasaaradda waxay diyaargarow ugu jirtaa in laga hortago fatahaadaha kale ee ka dhalan doona duufaanta El Nino iyo roobabka daadadka wato ee la filayo inay dalka ka da\u2019aan, taas qorshaheeda iyadoo aan la gaarin ayay biyahan ka hordhaceen. Hirshabelle ahaan sida hadda aan saadaasha ku ognahay ama na loogu sheegay roobabka lixaadka leh ee dabeylaha wato waxay ka da\u2019i doonaan soonaha Hiiraan, Shabellaha Dhexe asna waxaa looga cabsi qabaa inay ka dhacaan fatahaado hor leh, oo ay sababaan duufaantaas iyo roobabka ka da\u2019i doona Gobolada Dhexe&#8221; Ayuu yiri Wasiir Cumar Gaabow<\/p>\n<p>Dhawaan ayay aheyd markii Hay\u2019adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ee SODMA ay sheegtay iney jirto cabsi xoogan oo laga qabo in guud ahaan dalka uu wajaho dabeylo iyo roobab mahiigaan ah oo sababi kara fatahaado iyo daadad, waxaana xusid mudan in roobabkaasi ay haatan ka bilaawdeen meelo ka mid gobolada dalka oo ay ugu horeeyaan gobolada Baay iyo Hiiraan.<\/p>\n<p>Digniinaha la jeediyay waxaa si gaar ah loogu muujiyay in khatarta ugu badan ay wajihi karaan dadka ku nool xeebaha Soomaaliya iyo dhulka ay webiyadu maraan.<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-89424\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 225px) 100vw, 225px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg 225w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor-150x150.jpg 150w\" alt=\"\" width=\"225\" height=\"225\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-86614\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 279px) 100vw, 279px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg 279w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-954x1024.jpg 954w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-768x824.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-696x747.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-391x420.jpg 391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-782x840.jpg 782w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg 1006w\" alt=\"\" width=\"279\" height=\"300\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n<div id=\"rc-widget-66e9d9\" data-rc-widget=\"\" data-widget-host=\"habitat\" data-endpoint=\"\/\/trends.revcontent.com\" data-widget-id=\"225504\">\n<div class=\"sc-bdnxRM jvCTkj\"><\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wabiga Shabeelle ayaa bilaabay inuu ku fataho deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii uu sara kac ku yimid heerka biyaha wabiga Shabeelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Fatahaada ayaa lasoo warinaya in xoogeeda uu wabiga Shabeelle ka sameeyay deegaano dhowr ah oo hoostaga degmooyinka Jowhar iyo Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe Fatahaada uu wabiga [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":94894,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-94893","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/94893","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=94893"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/94893\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":94902,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/94893\/revisions\/94902"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/94894"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=94893"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=94893"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=94893"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}