{"id":92522,"date":"2023-08-04T21:39:14","date_gmt":"2023-08-04T18:39:14","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=92522"},"modified":"2023-08-04T22:51:30","modified_gmt":"2023-08-04T19:51:30","slug":"ismaamulka-amxaarada-ee-dalka-ethiopia-oo-dagaalo-baan-ka-dhaceen-iyo-qeylo-dhaan-ay-soo-direen-maamulku","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2023\/08\/ismaamulka-amxaarada-ee-dalka-ethiopia-oo-dagaalo-baan-ka-dhaceen-iyo-qeylo-dhaan-ay-soo-direen-maamulku\/","title":{"rendered":"Ismaamulka Amxaarada ee Dalka Ethiopia oo Dagaalo Ba&#8217;an ka Dhaceen iyo Qeylo dhaan ay soo direen Maamulku."},"content":{"rendered":"<p>Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaallo xooggan oo u dhaxeeya Jabhadda FANO ee Axmaarada iyo Ciidamada Militariga Itoobiya uu ka socdo gobolka Axmaarada ee dalka Itoobiya.<\/p>\n<p>Dagaalladan oo billowday maalmihii aynu soo dhaafnay ayaa waxaa la warinayaa in Jabhadda FANO ay 24kii saac ee lasoo dhaafay ay la wareegtay degaanno dhaca bariga iyo galbeedka gobolka Axmaarada, isla markaana ay kusii siqayaan inay qabsadaan degaanno hor leh, sida ay sheegayaan dadka degaankaas oo lasoo xidhiidhay Warbaahinta madaxa banaan.<\/p>\n<p>Dhinaca kale Madaxweynaha gobolka Axmaarada Yilka Kifle oo la hadlayay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in xaaladda degaankiisu ay faraha kasii baxayso oo xaaladdi ay ku ciirtay, isagoo ka codsaday dhanka dowladda dhexe ee Itoobiya in lasoo faragaliyo degaankan ay dagaalladu ka billowdeen.<\/p>\n<p>Saraakiisha sare ee Millitariga Itoobiya ayaa dhankooda waxay sheegeen in tallaabo degdeg ah oo ku haboon laga qaadayo Jabhadda FANO iyo cid kasta oo ku lug leh rabshadaha iyo dagaallada kasoo cusboonaaday gobolka Axmaarada.<\/p>\n<p>Dhanka kale waxaa lasoo sheegayaa in hoggaaminta degmooyinka gobolka Axmaarada iyo masuuliyiin kala duwan ay kusoo qulqulayaan caasimadda gobolka Axmaarada ee Bahirdar, kuwaas oo kasoo cararay degmooyinkii ay ku sugnaayeen ee ay maamulayeen waxayna hoggaaamintan baxsadka ah sheegeen inaysan sii joogi karin goobihii ay ku sugnaayeen oo ay lafahooda lasoo baxsadeen, maadaama Jabhadda FANO ay la wareegeen goobahaas.<\/p>\n<p>Jabhadda FANO ayaa horey u ahayd koox ay hubaysay dowladda Itoobiya xilligii lagu jiray dagaalkii ka socday gobolka Tigray, dowladdu waxay kooxdan FANO u hubaysay si ay uga barbar dagaallamaan Ciidamada Militariga Itoobiya ee wakhtigaa dagaalka kula jiray kooxdii TPLF ee loo awood sheegtay, iyagoo FANO oo hadda Jabhad noqotay ay markan ka biyo diiday baabi&#8217;intii la baabi&#8217;iyay Ciidamadii gaarka ahaa ee degaannada dalka Itoobiya.<\/p>\n<p>Lama oga waxay ku dambaynayso xaaladda gobolkan ee ay dagaalladu ka billowdeen, iyadoo dhawaan uu dalka Itoobiya kasoo kabanayay dagaalladii lagu hoobtay ee ka socobayay gobolka Tigray, oo ilaa wakhti xaadirkan ay wali gobolkaas kasii muuqato saamayntii uu kaga tagay dagaalkaasi.<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-89424\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 225px) 100vw, 225px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg 225w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor-150x150.jpg 150w\" alt=\"\" width=\"225\" height=\"225\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-86614\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 279px) 100vw, 279px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg 279w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-954x1024.jpg 954w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-768x824.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-696x747.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-391x420.jpg 391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-782x840.jpg 782w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg 1006w\" alt=\"\" width=\"279\" height=\"300\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaallo xooggan oo u dhaxeeya Jabhadda FANO ee Axmaarada iyo Ciidamada Militariga Itoobiya uu ka socdo gobolka Axmaarada ee dalka Itoobiya. Dagaalladan oo billowday maalmihii aynu soo dhaafnay ayaa waxaa la warinayaa in Jabhadda FANO ay 24kii saac ee lasoo dhaafay ay la wareegtay degaanno dhaca bariga [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":92523,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-92522","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/92522","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=92522"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/92522\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":92550,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/92522\/revisions\/92550"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/92523"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=92522"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=92522"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=92522"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}