{"id":92511,"date":"2023-08-03T21:49:19","date_gmt":"2023-08-03T18:49:19","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=92511"},"modified":"2023-08-03T21:56:43","modified_gmt":"2023-08-03T18:56:43","slug":"dowlada-kenya-oo-sheegtay-in-ay-deegaanada-dalkaasi-ka-sameyneysa-macawisley-la-dagaalanta-al-shabaab","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2023\/08\/dowlada-kenya-oo-sheegtay-in-ay-deegaanada-dalkaasi-ka-sameyneysa-macawisley-la-dagaalanta-al-shabaab\/","title":{"rendered":"Kenya Oo Deegaanada Dalkaasi Ka Sameyneysa Macawisley La Dagaalanta Al Shabaab."},"content":{"rendered":"<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Kenya ayaa sheegtay in ay waddo qorshe ay dadka deegaannada Waqooyi Bari uga qeybgalinayso dagaalka ay kula jirto ururka al-Shabaab ee weerarrada ka geysta gudaha waddankeeda.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Wasaiirka amniga gudaha Kenya, Kithure Kindiki, ayaa sheegay in qaabka dowladda Soomaaliya ay bilihii dambe ula dagaallamaysay al-Shabaab oo ay u adeegsatay dadka deegaanka ay iyaguna sameyn doonaan.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">\u201cXalka ku haboon dhibaatada ka taagan waqooyiga dalka ayaa ah in la wajaho qaabka sida ay Soomaaliya samaysay oo ah in dadka deegaanka ay go&#8217;aansadeen in ay iska dulqaadaan Al-Shabaab. Dadyowgaas ayaa ka codsaday dowladda in ay gacan ka siiso la dagaallanka Al-Shabaab, iyaga ayaana hormuud u noqday dagaalka. Waxay ila tahay in jihadaas aan u soconno,\u201d ayuu yiri wasiirka amniga gudaha Kenya, Kithure Kindiki.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Wasiirk Kindiki oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay dowladda dhexe in ay taageero buuxdo ka haystaan dadka deegaanka iyo maamulkooduba.<\/p>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">\u201cTaageero buuxda ayaan ka haysannaa madaxda deegaanka iyo bulshada ba oo waxa ay diyaar u yihiin in aan si buuxda u soo afjarno dhibaatada Al-Shabaab. Suuragal ma ah in boolisku ay ilaaliyaan guri kasta.\u201d<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inay kooxda al-shabaab ka adkaan doonaan bilaha soo socda iyagoo ka faa\u2019iideysanaya dadka deegeenka oo uu sheegay inay isku luuqad iyo diin ay yihiin dadyowga deggan dhanka Soomaaliya.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">\u201cWaxaan mar kasta sheegaa in aan ka faa&#8217;iideysan karno xiriirka dhaqan, diin iyo luuqad ee ka dhexeeya shacabkeenna waqooyi bari iyo dadka ku nool gediga kale oo aan siino taageerada dowladda. Bilaha soo socda waxaan si buuxda uga adkaan doonnaa Al-Shabaab oo waxaan dib u soo ceshan doonnaa dalkeenna.\u201d<img decoding=\"async\" src=\"https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/news\/640\/cpsprodpb\/e6e3\/live\/5b54f850-3203-11ee-8f52-fbf70e4bf742.jpg\" alt=\"\u201cWaxaan mar kasta sheegaa in aan ka faa'iideysan karno xiriirka dhaqan, diin iyo luuqad ee ka dhexeeya shacabkeenna waqooyi bari iyo dadka ku nool gediga kale oo aan siino taageerada dowladda.\" \/><\/p>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Soomaaliya ayaa waxaa hadda ka socda diyaargrowga wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah ururka Al-Shabaab kaas oo la doonayo in looga saaro deegaannada ay maamulaan ee ku yaala Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay guulo waaweyn ka soo hoysay wajigii koobaad dagaalka ka dhanka ah al-shaab kaas oo qeyb libaax leh ka qaateen dadka deegaanka ee loo yaqaano Macwiisleey. Hadda waxay u muuqataa in kenya ay qaadeyso waddadaas maaddaamaa Dowladda Soomaaliya ay dhadhamisay miraha Macawiisleey.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Dhanka kale BBC-da ayaa waxay la xiriirtay si aan faahfaahin dheeraad ah uga helno qorshaha ay damacsan tahay Kenya xildhibaan Xuseen Cabdi Barre oo laga soo doorto deegaanka Tarbaj ee ku yaalla Bariga magaalada Wajeer oo marar badan ay ka dhaceen falal amni darro ah oo ay geysteen kooxda al-Shabaab.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">\u201cQorshaha uu ku dhawaaqay wasiirka arrimaha gudaha Kenya ee ah in dadka deegaanka ee Waqooyi bari Kenya ay ka qeyb qaataan la dagaalanka Al-shabaab waa qorshe muddo soo socday kaas ay soo jeediyeen dadka deenka, hadalka wasirkana kaas ayuu daba socdaa,\u201d ayuu yiri xildhibaan Xuseen Cabdi Barre<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Laakiin xildhibaanka oo faahaafinaya qorshahaas ayaa sheegay in dadka caadiga aysan qoryo qaadan doonin oo aysan la dagaalami doonin al-Shabaab taas badalkeedana uu sheegay in la isticmaali doono ciidamo keyd ah oo ka mid ah dadka deegaanka oo dowladda u diiwaan gashan.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">\u201cDadka deegaan waxa laga rabo ayaa ah inay la shaqeeyaan dowladda oo ay u soo gudbiyaan macluumaadka la xiriira Al-shabaab laakiin waxaa la isticmaali doonaa rag ka tirsan dadka deegaanka oo ay dowladda tababartay oo loo yaqaano ciidamada keydka sidaas ayuu ka wadaa wasiirka,\u201d ayuu yiri xildhibaan Xuseen.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-1ka88fa ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<figure class=\"bbc-1qdcvv9 e1aczekt0\">\n<div class=\"bbc-172p16q ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<div class=\"bbc-189y18v ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<div class=\"bbc-997y1y eihqrxw0\" data-e2e=\"image-placeholder\">\n<div class=\"lazyload-wrapper \"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"e3vrtyk0 bbc-rb7xa0 e1mo64ex0\" src=\"https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/news\/640\/cpsprodpb\/e43c\/live\/1bcc0430-3203-11ee-8f52-fbf70e4bf742.jpg\" sizes=\"auto, (min-width: 1008px) 760px, 100vw\" srcset=\"https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/news\/240\/cpsprodpb\/e43c\/live\/1bcc0430-3203-11ee-8f52-fbf70e4bf742.jpg 240w, https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/news\/320\/cpsprodpb\/e43c\/live\/1bcc0430-3203-11ee-8f52-fbf70e4bf742.jpg 320w, https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/news\/480\/cpsprodpb\/e43c\/live\/1bcc0430-3203-11ee-8f52-fbf70e4bf742.jpg 480w, https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/news\/624\/cpsprodpb\/e43c\/live\/1bcc0430-3203-11ee-8f52-fbf70e4bf742.jpg 624w, https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/news\/800\/cpsprodpb\/e43c\/live\/1bcc0430-3203-11ee-8f52-fbf70e4bf742.jpg 800w\" alt=\"Weerarkii Westgate\" width=\"976\" height=\"549\" \/><\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/figure>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Dabayaaqadii sannadkii 2011-kii ayey al Shabaab sare u qaadday dhaqdhaqaaqyada ay ka sameyso Kenya, ka dib markii Milatariga Kenya ay bishii Oktoobar ee isla sannadkaas gudaha u galeen Soomaaliya, xilligaasoo xukuumadda Nairobi ay sheegtay iney ugu tallowday Soomaaliya, si ay ula dagaallanto al-Shabaab.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Dhibaatooyinka ka dhashay amni darrada weerarada kooxda al-shabaab ayaa waxay saameyn ku reebeen nolosha dadka ku nool gobolka waqooyi bari.<\/p>\n<p dir=\"ltr\"><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-89424\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 225px) 100vw, 225px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg 225w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor-150x150.jpg 150w\" alt=\"\" width=\"225\" height=\"225\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-86614\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 279px) 100vw, 279px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg 279w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-954x1024.jpg 954w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-768x824.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-696x747.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-391x420.jpg 391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-782x840.jpg 782w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg 1006w\" alt=\"\" width=\"279\" height=\"300\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Kenya ayaa sheegtay in ay waddo qorshe ay dadka deegaannada Waqooyi Bari uga qeybgalinayso dagaalka ay kula jirto ururka al-Shabaab ee weerarrada ka geysta gudaha waddankeeda. Wasaiirka amniga gudaha Kenya, Kithure Kindiki, ayaa sheegay in qaabka dowladda Soomaaliya ay bilihii dambe ula dagaallamaysay al-Shabaab oo ay u adeegsatay dadka deegaanka ay iyaguna sameyn doonaan. \u201cXalka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":92514,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-92511","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/92511","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=92511"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/92511\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":92521,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/92511\/revisions\/92521"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/92514"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=92511"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=92511"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=92511"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}