{"id":92386,"date":"2023-07-31T20:36:55","date_gmt":"2023-07-31T17:36:55","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=92386"},"modified":"2023-07-31T21:19:58","modified_gmt":"2023-07-31T18:19:58","slug":"iska-hor-imaadyo-maalintii-saddexaad-ka-socda-xero-qaxooti-oo-ku-yaalo-dalka-falastiiniyiinta","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2023\/07\/iska-hor-imaadyo-maalintii-saddexaad-ka-socda-xero-qaxooti-oo-ku-yaalo-dalka-falastiiniyiinta\/","title":{"rendered":"Iska Hor-Imaadyo Maalintii Saddexaad Ka Socda Xero Qaxooti Oo Ku Yaalo Dalka Falastiiniyiinta"},"content":{"rendered":"<p>Iska hor-imaadyo ayaa maalintii saddexaad maanta ka socda xero qaxooti oo Falastiiniyiinta ay degan yahay oo ku taalla dalka Lubnaan, kuwaas oo u dhaxeeya kooxda Fatax ee madaxweyne Maxamuud Cabaas iyo kooxaha kale ee Falastiiniyiinta oo isku dhaanc ah.<\/p>\n<p>Khasaaraha dhimashada ee dagaalka ayaa maanta gaaray sagaal, sida ay sheegeen saraakiisha Lubnaan.<\/p>\n<p>Afhayeen u hadlay ciidamada Lubnaan ayaa xaqiijiyey tirada khasaarihii ugu dambeeyey ee xerada Cayn Al-Xilwah. Laba askari oo oo ku sugan banaanka xerada ayaa sidoo kale dhaawacmay, sida uu sheegay Col. Fadi Abu Ciid.<\/p>\n<p>Inkasta oo Lubnaan iyo kooxaha Falastiiniyiinta qaarkood ay isku dayeen in la gaaro xabad-joojin, \u201crasaasta iyo hoobiyeyaasha ayaan illaa hadda istaagin,\u201d ayuu yiri Cadnaan Rifaci, oo xubin ka ah guddi maamula xerada.<\/p>\n<p>Ciidamada Lubanaan, oo maamula baro kontorool oo banaanka ah, ayaan gelin xerada, oo ay maamulaan kooxaha Falastiiniyiinta.<\/p>\n<p>Isku dhacyada ayaa billowday Axaddii kadib markii kooxaha Islaamiyiinta ay toogasho ku dileen jeneraal militari, Abu Ashraf al Armoushi, oo ka tirsan kooxda Fatax, iyo saddex ilaaladiisa ah.<\/p>\n<p>Sabtidii, qof hubeysan ayaa isku dayey inuu dilo Maxamuud Khaliil oo ka tirsan kooxaha Islaamiyiinta, hase yeeshee wuxuu taas beddelkeeda rasaasta ku dilay qof la socday.<\/p>\n<p>Goor dambe oo Axaddii ah, kooxaha Falastiiniyiinta ayaa soo saaray bayaan wadajir ah oo ay ku sheegeen inay gaareen heshiis xabad-joojin oo ay magaalada Sidon ku mart-geliyeen kooxaha Shiicada Lubanaan ee Amal iyo Xizbullah. Hase yeeshee xabad-joojinta ayaan dhaqan-gelin.<\/p>\n<p>Qara ka mid ah dadka degan xaafadaha Sidon ee u dhow xerada ayaa ka cararay guryahooda ayada oo xabado wiifto ah ay soo dhacayeen. Sidoo kale isbitaalka Sidon ayaa shaqaalaha iyo bukaanada daadgureeyey.<\/p>\n<p>Bayaan kasoo baxay ayey Fatax ku cambaareysay dilka sarkaalka amni, waxayna sheegtay in weerarka uu qeyb ka yahay \u201cshirqool dhiig ku daadanayo oo lagu beegsanayo ammaanka iyo xasilloonida xerada.\u201d<\/p>\n<p>Fatax ayaa wacad ku martay \u201cinay la xisaabtami doonto kuwa ka dambeeyey.\u201d<\/p>\n<p>Iska hor-imaadyada dhexmara kooxaha iska soo horjeeda ee Falastiiniyiinta ayaa caadi ka ah xerada Cayn Al-Xilwah oo marta-gelisay 54,000 oo qaxooti Falastiiniyiin ah.<\/p>\n<div class=\"td-post-content tagdiv-type td-modal-image\">\n<p class=\"td-modal-image\"><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-89424\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 225px) 100vw, 225px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg 225w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor-150x150.jpg 150w\" alt=\"\" width=\"225\" height=\"225\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-86614\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 279px) 100vw, 279px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg 279w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-954x1024.jpg 954w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-768x824.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-696x747.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-391x420.jpg 391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-782x840.jpg 782w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg 1006w\" alt=\"\" width=\"279\" height=\"300\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n<\/div>\n<footer>\n<div class=\"td-post-source-tags\"><\/div>\n<\/footer>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Iska hor-imaadyo ayaa maalintii saddexaad maanta ka socda xero qaxooti oo Falastiiniyiinta ay degan yahay oo ku taalla dalka Lubnaan, kuwaas oo u dhaxeeya kooxda Fatax ee madaxweyne Maxamuud Cabaas iyo kooxaha kale ee Falastiiniyiinta oo isku dhaanc ah. Khasaaraha dhimashada ee dagaalka ayaa maanta gaaray sagaal, sida ay sheegeen saraakiisha Lubnaan. Afhayeen u hadlay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":92387,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-92386","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/92386","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=92386"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/92386\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":92395,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/92386\/revisions\/92395"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/92387"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=92386"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=92386"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=92386"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}