{"id":92092,"date":"2023-07-24T00:01:47","date_gmt":"2023-07-23T21:01:47","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=92092"},"modified":"2023-07-24T00:12:15","modified_gmt":"2023-07-23T21:12:15","slug":"wadahadal-dhanka-badda-oo-dawladda-somaaliya-beenisay-in-ay-la-fureyso-dalka-kenya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2023\/07\/wadahadal-dhanka-badda-oo-dawladda-somaaliya-beenisay-in-ay-la-fureyso-dalka-kenya\/","title":{"rendered":"Wadahadal Dhanka Badda oo Dawladda Somaaliya Beenisay in ay La Fureyso Dalka Kenya."},"content":{"rendered":"<p>Dowladda Soomaaliya ayaa si cad u diiday hadal dhawaan ka soo yeeray Madaxweynaha dowladda Kenya, Willian Ruto, hadalkaas oo ku saabsanaa jiritaanka wadahadal u dhaxeeya labada dowladood oo ku saabsan muranka badda.<\/p>\n<p>Bishii Oktoobar 2021, Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ), oo ah tan ugu sarreysa ee U.N, ayaa soo saartay go\u2019aan lagusoo afjaray muranka badda, iyadoo Soomaaliya u xukuntay dhul badeedka lagu muransanaa. Muranka ayaa salka ku hayay samaynta xuduud badeed qayb ka mid ah badweynta Hindiya oo la og yahay in ay haysato kayd badan oo saliid iyo gaas ah.<\/p>\n<p>\u201cMa jiro wax wada xaajood ah oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya. Arrintii muranka badda waxay ku dhammaatay maxkamadda, wax ka soo noqoshana ma leh. Kiiskaas waa la xidhay oo si wanaagsan ayuu u dhamaaday.&#8221; Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliya.\u201d Cali Cumar Balcad, ayaa sidaas ku sheegay mar uu ka hadlaayay kulanka Baarlamaanka.<\/p>\n<p>Dowladda Soomaaliya ayaa go\u2019aanka maxkamadda ICJ ku tilmaantay guul ka dhalatay dadaalkeeda aan kala go\u2019a lahayn ee ay ka qaadatay muranka Kenya ay galisay badda Soomaaliya.<\/p>\n<p>Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa dhawaan sheegay inay socdaan wada-hadallo, iyadoo uu dhexdhexaadinayo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.<\/p>\n<p>Dowladda Soomaaliya oo ka jawaabeysay hadalka Madaxweyne Ruto, ayaa beenisay in uu jiro wadahadallo ay Kenya kala yeelaneyso xuduudka badda ee maxkamadda ICJ go\u2019aanka ka gaartay.<\/p>\n<p>Inkastoo Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ay go\u2019aan rasmi ah ka soo saartay dacwadda badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, ayaa haddana waxaa Soomaaliya ka dhashay walaac ku saabsan ujeedka dhabta ah ee Madaxweyne Geelle. Waxaa jira warar tilmaamaya in madaxweyne Geelle uu si firfircoon ugu ololeynayo in dib loosoo celiyo wadahadallada iyo wada xaajoodyada labada dal ee kiiska badda.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dowladda Soomaaliya ayaa si cad u diiday hadal dhawaan ka soo yeeray Madaxweynaha dowladda Kenya, Willian Ruto, hadalkaas oo ku saabsanaa jiritaanka wadahadal u dhaxeeya labada dowladood oo ku saabsan muranka badda. Bishii Oktoobar 2021, Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ), oo ah tan ugu sarreysa ee U.N, ayaa soo saartay go\u2019aan lagusoo afjaray muranka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":92093,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-92092","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/92092","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=92092"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/92092\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":92094,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/92092\/revisions\/92094"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/92093"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=92092"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=92092"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=92092"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}