{"id":91992,"date":"2023-07-20T21:57:27","date_gmt":"2023-07-20T18:57:27","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=91992"},"modified":"2023-07-20T23:24:10","modified_gmt":"2023-07-20T20:24:10","slug":"qabsashada-deegaanka-geriley-ee-al-shabaab-oo-xildhibaano-federalka-ah-ka-hadleen","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2023\/07\/qabsashada-deegaanka-geriley-ee-al-shabaab-oo-xildhibaano-federalka-ah-ka-hadleen\/","title":{"rendered":"Qabsashada Deegaanka Geriley ee Al-shabaab oo Xildhibaano Federalka ah Ka Hadleen."},"content":{"rendered":"<p>Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa walaac xoogan ka muujiyay joogitaanka magaalada Geriley ee Ururka Al Shabaab. Sidoo kale Xildhibaanada ayaa rajo xumo ka muujiyay in aysan jirin wax gurmad ah oo loo fidiyo Ciidamada Dowladda.<\/p>\n<p>Xildhibaan Mursal M Khaliif oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kana mid ah Guddiga Difaaca ayaa tilmaamay in aysan jirin wax gurmad ah oo loo fidiyo ciidamada dowladda.<\/p>\n<p>\u201c5 maalmood ka dib markii Al-Shabaab ay soo galeen magaalada Geriley, ma jirto wax gurmad ah oo soo gaaray ciidamada Soomaaliya ee markii hore ku sugnaa,\u201d ayuu yiri Xildhibaan Mursal M Khaliif<\/p>\n<p>Waxa uu carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay kaalmo deg deg ah oo ka timaada beesha caalamka si loo xoojiyo ciidamada amaanka, waxa uuna ka digay qatarta ka dhalan karta hadii aan la xoojin ciidamada.<\/p>\n<p>\u201cHaddii ciidamadan dowladda Soomaaliya aysan si deg deg ah u xoojin beesha caalamka, waxaa hubaal ah in Al-shabaab ay kordhin doonaan saldhigyada ay ku leeyihiin xuduudka Kenya iyo Soomaaliya, waxaana dhici doonta in magaalooyin badan ay hoos yimaadaan gacantooda, taas oo khatar gelineysa amniga iyo wanaagga bulshooyinka labada dhinac. ee xuduudda,\u201d ayuu yidhi.<\/p>\n<p>Si kastaba ha ahaatee, Xildhibaanka ayaa sheegay in guulo laga gaaro dagaalka lagula jiro Al-shabaab ay ku xiran tahay sidii loo garab istaagi lahaa ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.<\/p>\n<p>Hadalkaan ayaa kusoo aadaya xili Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamed Sayid Aadan uu booqasho ku tagay gobolka Gedo. Madaxweyne ku xigeenka ayaa horay walaac uga muujiyay bixitaanka ATMIS.<\/p>\n<p>Isagoo sheegay in go\u2019aankaasi uu ahaa mid aan si sax ah looga baaraandegin, isla markaana aan si fiican looga fiirsan cawaaqibka ka dhalan kara amniga qaranka.<\/p>\n<p>Todobaad ka hor ayay ahayd markii xoogag ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen deegaanka Geriley, iyagoo ku guuleystay inay la wareegaan saldhiggii Geriley ee ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland.<\/p>\n<p>Intaa waxaa dheer, waxay sidoo kale qabsadeen saldhigyadii ay faarujiyeen Ciidanka Difaaca Kenya laba toddobaad ka hor, taas oo qayb ka ahayd Wajiga Koowaad ee dhimista ciidanka ATMIS.<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-89424\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\" alt=\"\" width=\"225\" height=\"225\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg 225w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor-150x150.jpg 150w\" sizes=\"auto, (max-width: 225px) 100vw, 225px\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-86614\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg\" alt=\"\" width=\"279\" height=\"300\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg 279w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-954x1024.jpg 954w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-768x824.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-696x747.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-391x420.jpg 391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-782x840.jpg 782w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg 1006w\" sizes=\"auto, (max-width: 279px) 100vw, 279px\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa walaac xoogan ka muujiyay joogitaanka magaalada Geriley ee Ururka Al Shabaab. Sidoo kale Xildhibaanada ayaa rajo xumo ka muujiyay in aysan jirin wax gurmad ah oo loo fidiyo Ciidamada Dowladda. Xildhibaan Mursal M Khaliif oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kana mid ah Guddiga Difaaca ayaa tilmaamay in aysan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":91993,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-91992","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/91992","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=91992"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/91992\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":92024,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/91992\/revisions\/92024"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/91993"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=91992"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=91992"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=91992"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}