{"id":89324,"date":"2023-04-29T20:41:54","date_gmt":"2023-04-29T17:41:54","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=89324"},"modified":"2023-04-29T21:47:40","modified_gmt":"2023-04-29T18:47:40","slug":"mid-kamid-ah-xildhibaanada-barlanaanka-federalka-soomaaliya-oo-quus-iyo-rajo-xumo-ka-muujiyey-mustaqbalka-dalka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2023\/04\/mid-kamid-ah-xildhibaanada-barlanaanka-federalka-soomaaliya-oo-quus-iyo-rajo-xumo-ka-muujiyey-mustaqbalka-dalka\/","title":{"rendered":"Mid kamid ah Xildhibaanada Barlanaanka Federalka Soomaaliya oo Quus iyo Rajo Xumo ka Muujiyey Mustaqbalka Dalka."},"content":{"rendered":"<p>Waa Warbixin Dheer oo Dhinacyo Badan Taabaneysa uuna Qorey Xildh C\/raxmaan C\/shakuur,isagoo Qoraalkiisa Ku billaabey:-<\/p>\n<p>Waxaan ahay xildhibaan ku jira 6 Whatsapp group ka billawda kan beesha hoose ee Cayr, ku xiji kan Habargidir, Hawiye, xildhibaannada Galmudug, mid loo bixiyey aayaha Baarlamaanka iyo kan guud ee Golaha shacabka. Midkoodna hawlihii Golohu lahaa ee sharci dejin, jihayn siyaasad qaran, korjoogtaynta laanta fulinta, metelaad deegaan, masiirka dawlad dhiska iyo la dagaalanka Alshabaab midna loogama hadlo.<\/p>\n<p>Golaha Shacabku xubnihiisu waa 275 mudane, lagu so xulay 4.5, laakiin jufo, beel ama qabiil isku ajande ah, ama isku meel wax u wadaahi ma jiro. Xisbiyo ama kutlooyin laga tirsan yahayna ma laha.<\/p>\n<p>Xildhibaan kasta madaxiisaa mayrax ugu xiran tahay, waa nin walbow naftaa nabiyow umaddaa. Qaar waxay ka joogtaa maxaaan shaqadaydii uga soo tegey.<\/p>\n<p>Markii Golihii la xiray Cumro, Istanbuul iyo Nairobi ayaa loo kala yaacay. Nairobi waxaa maalmo dhow ku sugnaa ku dhowaad 10 wasiir iyo 100 xildhibaan oo danahooda shakhsiga ama qoysaskooda la jooga, kuwaa ayaan ka mid ahay.<\/p>\n<p>Maqaayadaha iyo hoteellada Kenya ayaa la isaga soo hor baxaa. Ra\u2019iisul Wasaarihii isna ku dhowaad labo toddobaad ayuu Cumro iyo Ciid ku maqnaa. Allaha ka aqbalo.<\/p>\n<p>Madaxweynaha kaligiis ayaa harjad iyo halgan dagaal Al-Shabaab kula jira. Wuxuu u egyahay nin sidii Nabbi Muuse (CS), lagu yiri<\/p>\n<p>\u201cTag oo adiga iyo Ilaahaaga dagaallama halkaan ayaan kugu sugaynaa\u201d. Qof walba in Alshabaab laga soo adkaado ayey sugaysaa. Waa dagaalkii Putin iyo Ukraine oo kale.<\/p>\n<p>Maayarkii Muqdisho isagoo dhallinyaro budayn ku jira, ayaa magaaladii mar qura biyo ku soo burqadeen, bullaacadihiina wada butaaceen, Bajaajtiina weli ma bejin.<\/p>\n<p>Waxaan arkay ruux masuul ah oo Facebook-giisa ku aammanay bakooradda Maayarka, labo maalin ka dibna isla qofkii ayaa la ii sheegay in uu qolo ajnabi ah kula sheekaysanayey in Maayarku yahay xagjir loona baahan yahay in dalka laga qabto.<\/p>\n<p>La yaabbi mayo, sababtoo ah labo wajileynta waxay noqotay meherada keli ah ee maanta siyaasadda ka furan.<\/p>\n<p>Ma sahlana in aad siyaasadda ka libin keento haddii aad waydo saaxib runta kuu sheega, dhufaysna kuugu jiraan mucaarad iyo maamul gobolleedyo doonaya in ay ku wiiqaaan, dagaalna kula jirto cadow doonaya in uu ku dilo.<\/p>\n<p>Dunida ma jiro dal 30 sano gobannimo la\u2019aan ah, dadkiisuna la noolyihiin argagexiso, colaad, faqri, cudur, waxbarasho la\u2019aan, abaaro, fatahaad, sharci iyo kala danbayn la\u2019aan, dhallintiisiina rajo beel iyo quus darteed, ay qax iyo tahriib hor leh billaabeen.<\/p>\n<p>Dagaalka Laascano weli ka socda ee dhimashada, dhaawaca, barakaca iyo hanti burburka baaxadda leh sababay wuxuu tilmaan ka bixinaya halka ay Soomaali 30 sano ka dib taagan tahay.<\/p>\n<p>Somaliland waxaa ku dhacay gaboodfal magac dawladeed loogu geestay, ka dibna gooni isku taag ayey xal u arkeen. Sidoo kale ayaa reer Laascaano gaboodfal u geystay maamulka Somaliland, waxayna doonayaan midnimo Soomaaliyeed. Haddii aan midnimo Soomaaliya lagu qasbi karin Somaliland, sidee Laascaano midnimo Somaliland loogu qasbayaa?<\/p>\n<p>Laancaano kuma eka ee beelihii kale way cabanayaan, muddo xileedka Biixina waa dhamaaday, isfaham la\u2019aan ayaa isaga iyo mucaaradka ka dhex taagan, ismadii xalka keeni jirayna waa kuwa leh;<\/p>\n<p>\u201cAbidkeeyba meel lagu xintamo waa anigaa xigaye<br \/>\nmaxaa iga xumaan jiray, haddii rag is xiniin taabto\u201d.<\/p>\n<p>Halkaa sawir aan wanaagsanayn iyo saadaal aan wacnayn ayaa ka soo socota.<\/p>\n<p>Taa waxaa la mid ah muddo xileedka gabaabsiga ah ee madaxda dawlad Gobolleedyada Federaalka iyo damaca muddo kororsiga ee ay wada qabaan, goodiska, hanjabaadda iyo is abbaabulka ay wadaan siyaasiyiinta diiddan xil kororsiga ee iyaga xukunka kula loollamaya iyo ka dan la\u2019aanta qaybaha kale ee bulshada iyo daalka ka muuqda beeshii caalamka ee booliska ahayd, waxaasoo idil waa daruur mugdi ah oo Soomaaliya dul hoganaysa.<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a>\u00a0<a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-86614\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg\" alt=\"\" width=\"279\" height=\"300\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg 279w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-954x1024.jpg 954w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-768x824.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-696x747.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-391x420.jpg 391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-782x840.jpg 782w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg 1006w\" sizes=\"auto, (max-width: 279px) 100vw, 279px\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-77094\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-300x256.jpeg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-300x256.jpeg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-768x654.jpeg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-696x593.jpeg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-493x420.jpeg 493w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug.jpeg 925w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"256\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Waa Warbixin Dheer oo Dhinacyo Badan Taabaneysa uuna Qorey Xildh C\/raxmaan C\/shakuur,isagoo Qoraalkiisa Ku billaabey:- Waxaan ahay xildhibaan ku jira 6 Whatsapp group ka billawda kan beesha hoose ee Cayr, ku xiji kan Habargidir, Hawiye, xildhibaannada Galmudug, mid loo bixiyey aayaha Baarlamaanka iyo kan guud ee Golaha shacabka. Midkoodna hawlihii Golohu lahaa ee sharci dejin, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":89325,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-89324","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/89324","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=89324"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/89324\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":89332,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/89324\/revisions\/89332"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/89325"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=89324"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=89324"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=89324"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}