{"id":87744,"date":"2023-03-12T19:52:10","date_gmt":"2023-03-12T16:52:10","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=87744"},"modified":"2023-03-12T19:52:10","modified_gmt":"2023-03-12T16:52:10","slug":"maxey-kale-yihiin-afarta-arrin-oo-fashil-ku-ah-doorashada-saciid-deni-ee-puntland","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2023\/03\/maxey-kale-yihiin-afarta-arrin-oo-fashil-ku-ah-doorashada-saciid-deni-ee-puntland\/","title":{"rendered":"Maxey Kale Yihiin Afarta arrin oo fashil ku ah doorashada Saciid Deni ee Puntland ?"},"content":{"rendered":"<p>Guddoomiyihii hore ee Doorashooyinka Puntland, Guuleed Saalax oo ka sharci-darro ku tilmaamay asteynta maalinta doorashada qof iyo cod eemadaxweyne Deni:<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Deni markii uu boobayay kuraastii Baarlamaanka Federaalka waxaan sheegay inuu kasoo qaadidoono hungo iyo qoomamo, maanta oo uu markale u soo tafaxaytay boob kale wuxuu ku dambayndoonaa markale hungo iyo qoomamo kale oo ay usii dheertahay fursad uu wax ku saxo oo aan u harsanayn.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Muddaynta maalinta doorashada golayaasha deegaanka ee Madaxweynuhu maanta soosaaray waxay baalmarsantahay sharciga waxayna markale daaha ka rogaysaa damaca xukun boobka ee uu muddadaan naqshadaysanayay. Waxaan ku sababaynayaa arrimaha soo socda:<\/p>\n<div class=\"code-block code-block-2\">\n<div class=\"gptslot\" data-adunitid=\"3\"><\/div>\n<\/div>\n<p>1. Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha qodobka 16aad farqadda 3aad waxay oranaysaa \u201cLiiska codbixiyayaasha ee hordhaca ah wuxuu Guddigu soo dhejinayaa kadib marka uu dhamaystiro diiwaangelinta dhammaan gobolada\u201d. Waxaynu wada ognahay in goobihii (2 gobol) Guddiga Doorashadu baahiyay inay diiwaangelin ka samaynayaan aan laga samayn, haddii duruuf aysoo korortay diidaysana waa in Golayaasha dawladdu wax ka badal ku sameeyaan Xeerka.<\/p>\n<p>2. Sida ku cad Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha qodobada 15 illaa 24, marka ay dhammaato diiwaangelintu, Guddigu (1) Wuxuu soo bandhigayaa liiska hordhaca ah ee codbixiyayaasha; (2) Wuxuu dhisayaa Guddiga xallinta cabashooyinka liiska hordhaca ah; (3) Wuxuu xallinayaa cabashooyinka liiska hordhaca ah; (4) Marka cabashada la xalliyo wuxuu soo saarayaa liiska kama dambaysta ah; (5) Markaas ka dib wuxuu bilaabayaa daabacaadda kaararka codbixiyayaasha; (6) Wuxuu u qaybinayaa kaararka dadkii isdiiwaangeliyay. 6 daas shaqo oo ku saabsan kaliya liiska iyo kaararka muddo intee le\u2019eg loogu talogalay in lagu qabto? Sina suurtagal uma aha in waqtiga Madaxwynuhu soosaaray shaqadaas la qabto.<\/p>\n<p>3. Sida ku cad Xeera Doorashada Golayaasha Deegaanka qodobkiisa 20aad farqadda 1aad, Ururada Siyaasaddu waa inay usoo gudbiyaan TPEC liiska musharaxiinta golayaasha deegaanka 50 maalmood ka hor maalinta doorashada. Maaliinta Madaxweynuhu qabtay waxaa maanta inaka xiga 22 maalmood. Wali waxaa socota diiwangelintii Ururaduna ma yaqaanaan goob\/seejo kasta tirada codbixiyayaasha iska diiwaangelisay, kaliya waxaana la ogaan karaa tirada dhabta ah marka diiwaangelintu dhamaato, Guddigu soo bandhigo liiska hordhaca ah, waqti 7 maalmood oo cabasho qabasho ah la galo, cabashooyinka la xalliyo, markaas ka dib lasoo saaro liiska kamadambaysta ah. Hadaba Ururo aan aqoon dadka iska diiwaangeliyay goob walba sidee kusoo diyaarin karaan liiska musharaxiinta uga tartamaya degmooyinka?<\/p>\n<p>4. Sida ku cad Xeerka Doorashada Golayaasha Deegaanka qodobadiisa 21aad iyo 22aad waxay sheegayaan in TPEC baahiso liiska musharaxiinta golayaasha deegaanka 26 bari ka hor doorashada marka ay hubiso oo ay xaqiijiso iyo in Ururadu ay helaan 24 bari oo olole ay ku sameeyaan. Iyadoo diiwaangelintii wali socoto, liiskii dadka isdiiwaangeliyay aan la aqoon, Ururadu aysan liiska diyaarin karin ka hor inta aysan ogaan liiska kama dambaysta ah ee dadka isdiiwaangeliyay, sidee olole ay usamayn karaan?<\/p>\n<p>Shaqooyinka harsan oo aad u badan waxaa ka mid ah: (1) Dhamaystirka diiwaangelinta; (2) Soosaarista liiska horudhaca ah ee codbixiyayaasha; (3) Samaynta Guddiga xallinta cabashada liiska hordhaca ah; (4) Soosaarista liiska kama dambaysta ah ee codbixiyayaasha; (5) Kaarar daabicista; (6) Kaarar qaybinta; (7) Diyaarinta liiska musharaxiinta golayaasha deegaanka; (8) Hubinta iyo ansixinta liiska musharaxiinta; (9) Diyaarinta agabka doorashada; (10) Diyaarinta iyo tababarka shaqaalaha doorashada; (11) Diyaarinta iyo tababarka wakiilada Ururada iyo korjoogtada ka socda warbaahinta iyo bulshada rayidka ah; (12) Wacyigelinta dadka codaynaya; (13) Ololaha Ururada siyaasadda; intaas oo shaqo oo intooda badan muddo ay sharciyadu sheegayaan ku xiran ma waxaa lagu qabanayaa 70 ka maalmood ee xiiliga Madaxweynuhu shaaciyay ka harsan? Mise wuxuu u haystaa Madaxweynuhu doorasho dadweyne inay la mid tahay tii uu xeryaha ciidanka ku qabanayay ee uu digreetada ku maamulayay?<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><\/div>\n<p>Dhaqanka Madaxweyne Deni waxaan ka baranay inuusan sharci xurmayn, waxa kali ah ee uu ka shaqeeyaana ay tahay damaciisa xukundoon ka ah iyo u adeegsiga awoodaha iyo dhaqaalaha Puntland si aan waafaqsanayn xeerarka Puntland u dagsan. Ummaduhu waxay xeerarka u samaystaan waxaa ka mid ah in lagu xakameeyo damacyada noocaan oo kale. Waxaa hubaal ah in Madaxweyne Deni si walba ugu tumanayo xeerarkii dagsanaa haddana uu rabo in uu xukun boob sharci darro ah sameeyo.<\/p>\n<p>Markii uu Madaxweynuhu boobayay kuraastii Baarlamaanka Federaalka waxaan sheegay inuu kasoo qaadidoono hungo iyo qoomamo, maanta oo uu markale usoo tafaxaytay boob kale wuxuu ku dambayndoonaa markale hungo iyo qoomamo kale oo ay usii dheertahay fursad uu wax ku saxo oo aan u harsanayn.<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a>\u00a0<a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-86614\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg\" alt=\"\" width=\"279\" height=\"300\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg 279w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-954x1024.jpg 954w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-768x824.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-696x747.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-391x420.jpg 391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-782x840.jpg 782w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg 1006w\" sizes=\"auto, (max-width: 279px) 100vw, 279px\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-77094\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-300x256.jpeg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-300x256.jpeg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-768x654.jpeg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-696x593.jpeg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-493x420.jpeg 493w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug.jpeg 925w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"256\" \/><\/a><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Guddoomiyihii hore ee Doorashooyinka Puntland, Guuleed Saalax oo ka sharci-darro ku tilmaamay asteynta maalinta doorashada qof iyo cod eemadaxweyne Deni: &nbsp; Deni markii uu boobayay kuraastii Baarlamaanka Federaalka waxaan sheegay inuu kasoo qaadidoono hungo iyo qoomamo, maanta oo uu markale u soo tafaxaytay boob kale wuxuu ku dambayndoonaa markale hungo iyo qoomamo kale oo ay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":87745,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[37,44,34,46,3,36],"tags":[],"class_list":["post-87744","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-dhacdoyinka-caalamka","category-facebook-com","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-twitter-com","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/87744","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=87744"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/87744\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":87746,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/87744\/revisions\/87746"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/87745"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=87744"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=87744"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=87744"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}