{"id":85892,"date":"2023-01-09T23:10:37","date_gmt":"2023-01-09T20:10:37","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=85892"},"modified":"2023-01-09T23:24:29","modified_gmt":"2023-01-09T20:24:29","slug":"cabashada-puntland-ee-la-xidhiidha-awood-qaybsiga-dawladda-federalka-iyo-maamulkeeda","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2023\/01\/cabashada-puntland-ee-la-xidhiidha-awood-qaybsiga-dawladda-federalka-iyo-maamulkeeda\/","title":{"rendered":"Cabashada Puntland ee La Xidhiidha Awood Qaybsiga Dawladda Federalka iyo Maamulkeeda oo Qoraal Lagu Soo Saarey."},"content":{"rendered":"<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/logo-punland.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-85893\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/logo-punland-300x186.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"186\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/logo-punland-300x186.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/logo-punland-356x220.jpg 356w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/logo-punland.jpg 660w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>DAWLADDA PUNTLAND EE SOOMAALIYEED<br \/>\nPuntland Government of Somalia<br \/>\n09 &#8211; January-2023<br \/>\nGo&#8217;aanka Dowladda Puntland ee geeddi socodka dowlad dhiska<br \/>\nhannaanka Federaalka Soomaaliya.<\/p>\n<p>Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay boggaadineysaa dadaalka 18 sano jirsaday<br \/>\nee dowlad dhiska hannaanka federaalka Soomaaliya, kana soo bilowday heshiiskii ka<br \/>\nsoo baxay Shirweynihii Mbagathi Kenya ee sanadkii 2004, kaas oo lagu aasaasay<br \/>\nDowladda Federaalka ah iyo Dastuurka kumeel gaarka ah ee lagu unkay hannaanka<br \/>\nfederaalka ee Dalka.<\/p>\n<p>Dowladda Puntland iyo Shacabkeeduba waxay hormuud ka noqdeen geeddi socodka dib<br \/>\nloogu hirgeliyey dowladnimada Soomaaliya, gaar ahaan.<\/p>\n<p>1. Puntland waxay ciidan, dhaqaale iyo maskaxba ku bixisay in Dowladdii kumeel<br \/>\ngaarka ahayd ee Federaalka ay dib uga hawlgasho Caasimadda Soomaaliya 14<br \/>\nsano kadib markii Dowladdii dhexe meesha ka baxday 1990kii.<\/p>\n<p>2. Waxay qayb ka qaadatay in la gaaro heshiisyo lagu hubinayo in Dowladda<br \/>\nFederaalka Soomaaliya ay ka baxdo kumeel gaarnimada si dib u dhis loogu<br \/>\nsameeyo hay&#8217;adaha dowliga ah, loona hagaajiyo amniga iyo hannaanka<br \/>\nmaamulka, isla markaasna kor loo qaado dhaqaalaha Dalka.<\/p>\n<p>Tusaale; shirarkii<br \/>\ntaariikhiga ahaa ee Garowe &#8211; 1, Garowe &#8211; 2 iyo Gaalkacyo.<br \/>\n3. Dowladda Puntland waxay sidoo kale qayb ka qaadataa wada xaajoodyada looga<br \/>\narrinsanayo amniga guud ee Dalka, dhaqaalaha, horumarinta qawaaniinta ku<br \/>\ndhisan hannaanka federaalka ah ee Dalka sida dib u eegista Dastuurka kumeel<br \/>\ngaarka ah.<\/p>\n<p>4. Dowladda Puntland waxay si hagar la&#8217;aan ah u siisaa taageero dhinacyo badan<br \/>\nleh dhismaha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah iyo Dowladda<br \/>\nFederaalka ah.<\/p>\n<p>5. Puntland waxay qayb ka qaadataa doorashada hay&#8217;adaha Federaalka ah sida<br \/>\nAqalka Sare, Golaha Shacabka iyo doorashada Madaxweynimada intaba.<\/p>\n<p>lyadoo Dowladda iyo Shacabka Puntland ay sidaas mar walba diyaar ugu yihiin ka mid<br \/>\nahaanshaha dadaalka dowlad dhiska Soomaaliya heerarkeeda Dowladda Federaalka ah<br \/>\niyo Dowladaha Xubnaha ka ah, waxaa Dowladda iyo Shacabka Puntlandba u caddaatay<br \/>\nPage 1 of 3 Text in geeddi socodka dowlad dhiska Soomaaliya u baahan yahay in meesha laga saaro.<\/p>\n<p>hagar daamada fashilin karta geeddi socodka, lana ixtiraamo qawaaniinta lagu heshiiyey,<br \/>\ngaar ahaan Dastuurka kumeel gaarka ah ee Federaalka Soomaaliya.<\/p>\n<p>Si loo gaaro heshiisyo wadar oggol u ah arrimaha horutabinta u leh dhammeystirka<br \/>\ndhismaha hannaanka federaalka ah ee Dalka, Dowladda Puntland waxay u aragtaa in<br \/>\nahmiyad la siiyo dhammeystirka qodobada soo socda:<\/p>\n<p>1. In Dalka laga xoreeyo Argagixisada Al Shabaab iyo Daacish<br \/>\n2. In heshiis wadar oggol ah laga gaaro arrinta Somaliland<br \/>\na) Dowladda Federaalka ah iyo Somaliland<br \/>\nb) Dowladda Puntland iyo Somaliland<br \/>\n3. In heshiis siyaasadeed oo wadar oggol ah laga gaaro qorshaha dowlad dhiska<br \/>\n4. In heshiis loo dhan yahay laga gaaro Maqaamka Caasimadda Soomaaliya<br \/>\n5. In laga heshiiyo hab dhiska hannaanka federaalka ah si loo helo awood qaybsi ku<br \/>\ndhisan hab wadar oggol ah<br \/>\n6. Dhammeystirka Dastuurka kumeel gaarka ah, is waafajinta Dastuurka Federaalka<br \/>\nah iyo kan Puntland iyo in Afti dadweyne oo loo dhan yahay loo qaado Dastuurka<br \/>\nFederaalka.<\/p>\n<p>Haddaba, Dowladda Puntland, iyadoo illaalinaysa aayaha masiiriga ah ee Shacabka<br \/>\nPuntland, fulinaysana waajibaadkeeda dastuuriga ah, waxay ku wargelinaysaa<br \/>\ndhammaan Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Madaxda Dowlaha Xubnaha ka<br \/>\nah Dowladda Federaalka ah, Shacabka Soomaaliyeed, Beesha Caalamka iyo kuwa<br \/>\nGobolka qodobada soo socda:<\/p>\n<p>1. Inta laga dhammeystirayo qodobada horutabinta u leh dowlad dhiska Soomaaliya<br \/>\nee kor ku xusan, Dowladda iyo Shacabka Puntland waxay fursad buuxda<br \/>\nsiinayaan horumarinta danaha gudaha Puntland gaar ahaan xoojinta amniga,<br \/>\ndaadajinta hannaanka dimuqraadiga ah iyo dowlad wanaagga, horumarinta<br \/>\ndhaqaalaha iyo baahinta adeegyada aasaasiga ah si loo hubiyo in qofkasta oo<br \/>\nPuntland ku nool uu heli karo amni sugan iyo adeeg bulsho.<\/p>\n<p>2. Sida ku cad Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 4-aad, farqaddiisa 2-aad,<br \/>\nDowladda Puntland waxay Dowladda Federaalka ah kala xaajoonaysaa<br \/>\ndanaheeda inta laga gaarayo dhammeystirka hannaanka federaalka ee Dalka<br \/>\n&#8220;Awoodaha Dowladda Puntland ay ku wareejin doonto Dowladda<br \/>\nFederaallka ee Soomaaliya iyo xuquuqda ay yeelanayso Puntland waxay<br \/>\nay ku imaanaysaa wada xaajood iyo heshiis dhex mara Dowladda<br \/>\nFederaalka ah iyo Dowladda Puntland, taas oo lagu qeexi doono Dastuurka<br \/>\nFederaalka ah iyo kan Dowladda Puntland&#8221;.<\/p>\n<p>3. Sida ku cad Dastuurka kumeel gaarka ah ee Federaalka Soomaaliya qodobkiisa<br \/>\n142-aad, farqaddiisa 1-aad, Dowladda Puntland waxay xaq u leedahay in, iyadoo<br \/>\nqayb ka ah dowlad dhiska Dalka, ay u dhaqanto sidii dowlad u madax bannaan<br \/>\nfulinta dhammaan waajibaadyadeeda dowliga ah.<\/p>\n<p>&#8220;illaa inta laga gaarayo goorta dhammaan dastuurada dowladaha xubnaha<br \/>\nka ah Dowladda Federaalka la waafajinayo Dastuurka Dowladda<br \/>\nFederaalka, Maamulada jira ka hor inta aan la qaadan Dastuurkaan kumeel<br \/>\ngaarka ahi, waxay sii haysanayaan awoodaha dastuurkoodu siinayo&#8221;<\/p>\n<p>Qodobka 142-aad farqaddiisa 1-aad ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya<br \/>\nwuxuu waafaqsan yahay Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 4-aad,<br \/>\nfarqaddiisa 3-aad kaas oo Dowladda Puntland siinaya xuquuqda in ay u dhaqanto<br \/>\nsidii Dowlad madax bannaan inta (si Puntland qayb ka tahay) loo dhammeystirayo<br \/>\nDastuurka Federaalka ee kumeel gaarka ah.<\/p>\n<p>&#8220;inta laga dhammeystirayo Dastuurka Federaal ah oo Puntland wax ka<br \/>\nansixisay, kadibna afti dadweyne lagu meel mariyey, Puntland waxay<br \/>\nlahaanaysaa awood dowlad madax bannaan&#8221;<\/p>\n<p>Dowladda Puntland ee Soomaaliya, iyadoo illaalinaysa midnimada iyo Qaranimada<br \/>\nSoomaaliya, xoojinaysana doorkeeda dowlad dhiska hannaanka federaalka Soomaaliya,<br \/>\nkana duulaysa xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Dalka, waxay go&#8217;aan ku gaartay:<\/p>\n<p>1. Si waafaqsan Dastuurka Federaalka qodobadiisa 142-aad, farqaddiisa 1-aad,<br \/>\nqodobka 53-aad, farqadihiisa 1, 2, &amp; 3-aad iyo Dastuurka Dowladda Puntland<br \/>\nqodobka 4-aad, farqaddiisa 2-aad, Dowladda Puntland waxay diyaar u tahay<br \/>\nin ay si iyada gooni u ah Dowladda Federaalka Soomaaliya kala xaajooto<br \/>\nheshiisyada dowlad dhiska gaar ahaan tubta dhammeystirka Dastuurka<br \/>\nkumeel gaarka ah ee Federaalka, heshiisyada siyaasiga ah ee awood<br \/>\nqaybsiga, hab dhiska amniga, heshiisyada habka wadaagga khayraadka iyo<br \/>\ndeeqaha caalamiga ah.<\/p>\n<p>2. Inta laga dhammeystirayo wada xaajoodyada Dowladda Federaalka iyo<br \/>\nDowladda Puntland ee arrimaha kor kuxusan, Wasaaradaha iyo hay&#8217;adaha<br \/>\nkale ee Dowladda Puntland waxay dhiggooda Dowladda Federaalka ah kaliya<br \/>\nkala xaajoon karaan wada shaqeynta mashaariicda horumarineed iyo kuwa<br \/>\nbini&#8217;aadantinimo iyadoo la illaalinayo madax bannaanida awoodaha fulineed<br \/>\nee hay&#8217;adaha Dowladda Puntland si waafaqsan Dastuurkeeda qodobkiisa 4-<br \/>\naad, farqaddiisa 3-aad.<\/p>\n<p>3. Si waafaqsan Dastuurka kumeel gaarka Federaalka Soomaaliya, qodobkiisa<br \/>\n51-aad, farqaddiisa 2-aad, xarfihiisa a, b &amp; c, Dowladda Puntland waxay xiriir<br \/>\nwalaaltinimo, daris wanaag iyo wada shaqeyn la yeelan kartaa Dowlaha<br \/>\nXubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya si laysaga kaashado<br \/>\ndanaha ka dhexeeya.<\/p>\n<p>4. Dowladda Puntland waxay daneeyayaasha Beesha Caalamka iyo Dowladaha<br \/>\nGobolka uga mahad celinaysaa garab istaagga joogtada ah ee dhinacyada<br \/>\namniga, horumarinta dhaqaalaha, siyaasadda iyo la tacaalidda arrimaha<br \/>\nbini&#8217;aadantinimo.<br \/>\n-DHAMMAAD-<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-78721\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-300x300.jpeg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-300x300.jpeg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-150x150.jpeg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-420x420.jpeg 420w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco.jpeg 640w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"300\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-77094\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-300x256.jpeg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-300x256.jpeg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-768x654.jpeg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-696x593.jpeg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-493x420.jpeg 493w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug.jpeg 925w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"256\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>&nbsp; DAWLADDA PUNTLAND EE SOOMAALIYEED Puntland Government of Somalia 09 &#8211; January-2023 Go&#8217;aanka Dowladda Puntland ee geeddi socodka dowlad dhiska hannaanka Federaalka Soomaaliya. Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay boggaadineysaa dadaalka 18 sano jirsaday ee dowlad dhiska hannaanka federaalka Soomaaliya, kana soo bilowday heshiiskii ka soo baxay Shirweynihii Mbagathi Kenya ee sanadkii 2004, kaas oo lagu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":85894,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[37,44,45,46,3,36],"tags":[],"class_list":["post-85892","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-dhacdoyinka-caalamka","category-facebook-com","category-facebook-com-wararka-caalamka","category-twitter-com","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/85892","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=85892"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/85892\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":85899,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/85892\/revisions\/85899"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/85894"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=85892"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=85892"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=85892"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}