{"id":85568,"date":"2022-12-31T21:05:31","date_gmt":"2022-12-31T18:05:31","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=85568"},"modified":"2022-12-31T21:49:59","modified_gmt":"2022-12-31T18:49:59","slug":"dad-shacab-ah-iyo-gaadiidkii-ay-saarnaayeen-oo-al-shabaab-ka-afduubteen-gobolka-heeraan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2022\/12\/dad-shacab-ah-iyo-gaadiidkii-ay-saarnaayeen-oo-al-shabaab-ka-afduubteen-gobolka-heeraan\/","title":{"rendered":"Dad Shacab ah iyo Gaadiidkii ay Saarnaayeen oo Al-shabaab ka Afduubteen Gobolka Heeraan."},"content":{"rendered":"<p>Wararka ka imaanaya deegaanka Dheenweyne oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Halgan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xubno ka tirsan dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab in fiidnimadii Xalay halkaasi ka afduubeen dad shacab ah ku safraayay wadada.<\/p>\n<p>Al-shabaab ayaa la sheegay in laba gaari oo kala ah nooca Soomaalida u taqaan Homey iyo Noha oo ay saarnayeen dadka shacabka ah iney wadada u galeen oo ay rasaas ku rideen dadka gaadiidkaasi saarna, islamarkaana dadkii qaar ay baxsadeen halka intii aanan baxsan iyo gaadiidkiiba ay la aadeen dhanka jiinka wabiga Shabeelle.<\/p>\n<p>Qof ka mid ah dadka deegaanka Dheenweyne oo la hadlay Shabakadda HOL oo naga codsaday inaan magaciisa adeegsan sababo la xariira amaankiisa ayaa inoo sheegay in kooxda Shabaab ay wadada u galeen laba gaari oo shacab ah oo ka yimid dhanka degmada Halgan, islamarkana kusii jeeday deegaanadooda.<\/p>\n<p>&#8220;Xalay Salaadii Maqrib iyo Cishaha inta u dhaxeysa ayay Shabaab wadada u galeen dad masafur ahaa oo ka yimid degmada Halgan oo maalinta jimcaha ah looga ganacsi yimaado deegaanada kale ee gobolka labada baabur oo Noha iyo Homey kala aha waxaa saarna dad gaaraya 20 ruux, Shabaab ayaa rasaas ku furay waxaana suurtagashay in dadka qaar ay gadiidka ka boodaan oo ay cararaan, balse waxay afduubteen dadkii gadiidka ku haray ee carari waayay oo u badan dad waayeelo ah&#8221; ayuu yiri qof ka mid ah dadka deegaanka Dheenweyne.<\/p>\n<p>Wararka waxay intaasi ku darayaan in Ururka Al-shabaab ay gaadiidkii iyo dadkii ay soo afduubteen ay la aadeen dhanka jiinka Wabiga Shabeelle oo ah halka ay dhanka Bari uga soo gudbaan kooxda Al-shabaab, waxaana la xaqiijiyay in ilaa 9 ruux ay kooxda ka gudbisteen wabiga Shabeelle una gudbiyeen dhanka Galbeedka gobolka Hiiraan oo wali Shabaab ku leeyihiin fariisimo waa weyn.<\/p>\n<p>Al-shabaab ayaa bartamahii sanadkaan waxay deegaanka Afar irdood ee gobolka Hiiraan ugu dileen dad gaaraya 21 ruux oo dhamaantood ahaa dad shacab ahaa oo ku safraayay wadada, iyagoona sidoo kale gubay gaadiidkii ay saarnayeen dadkaasi waxaana waxii xiligaasi ka dambeeyay kooxda Shabaab ay wajaheen kacdoon xoogan oo kaga yimid Beelweynta Xawaadle oo sababay in Shabaab looga saaro dhamaan deegaanada ku yaala Bariga gobolka Hiiraan.<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-78721\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-300x300.jpeg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-300x300.jpeg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-150x150.jpeg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-420x420.jpeg 420w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco.jpeg 640w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"300\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-77094\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-300x256.jpeg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-300x256.jpeg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-768x654.jpeg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-696x593.jpeg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-493x420.jpeg 493w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug.jpeg 925w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"256\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wararka ka imaanaya deegaanka Dheenweyne oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Halgan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xubno ka tirsan dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab in fiidnimadii Xalay halkaasi ka afduubeen dad shacab ah ku safraayay wadada. Al-shabaab ayaa la sheegay in laba gaari oo kala ah nooca Soomaalida u taqaan Homey iyo Noha oo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":85569,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[37,44,45,46,3,36],"tags":[],"class_list":["post-85568","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-dhacdoyinka-caalamka","category-facebook-com","category-facebook-com-wararka-caalamka","category-twitter-com","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/85568","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=85568"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/85568\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":85585,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/85568\/revisions\/85585"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/85569"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=85568"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=85568"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=85568"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}