{"id":85511,"date":"2022-12-29T19:39:06","date_gmt":"2022-12-29T16:39:06","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=85511"},"modified":"2022-12-29T21:34:53","modified_gmt":"2022-12-29T18:34:53","slug":"khudbad-xasaasi-ah-oo-uu-golalayaasha-barlamaanka-federalka-ka-horjeediyey-m-weynaha-dalka-jabuuti-ismaaciil-cumar-geelle","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2022\/12\/khudbad-xasaasi-ah-oo-uu-golalayaasha-barlamaanka-federalka-ka-horjeediyey-m-weynaha-dalka-jabuuti-ismaaciil-cumar-geelle\/","title":{"rendered":"Khudbad Xasaasi ah oo uu Golalayaasha Barlamaanka Federalka Ka Horjeediyey M\/weynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle."},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Maanta khudbad xasaasi ah ka horjeediyay Xildhibaanadda labada Aqal ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya, isagoona ku dheeraaday ka hadalka dhanka amniga iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.<\/p>\n<p>Madaxweyne Geelle ayaa mudanayaasha labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ugu horeyn kula dardaarmay in dalka iyo dadka Soomaaliyeed si daacad ah ugu shaqeeyaan oo ay gacmaha is qabsdaan.<\/p>\n<p>\u201cMaanta waxaa si gaar ah loogu baahan yahay in gacmaha la\u2019is qabsado dalka dhibaato ayuu ku jiraa hiil ayuuna ubaahan yahay iyo dad isku hibeeya dantiisa&#8221; ayuu yiri madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.<\/p>\n<p>Wuxuu sidoo kale ka hadlay madaxweyne Geelle dagaalada ka dhanka ah Ururka Al-shabaab ee haatan ka socda qaar ka mid ah gobolada dalka oo uu sheegay inuu ku faraxsan yahay kacdoonka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay isaga dul qaadayaam kooxda Shabaab.<\/p>\n<p>\u201cShacabku wuu kacay idinkuna waxaa tihiin dadkii horkacayey oo hormuudka u ahaa, waxaana rajeynayaa inaan aragno wadanka oo xor ah oo sidaan maanta ka duwan kulankan kulanka xigo\u201d ayuu yiri madaxweyne Geelle.<\/p>\n<p>Madaxweynaha dowladda Jabuuti ayaa sidoo kale Baarlamaanka labada Aqal ee Soomaaliya ka hor sheegay in maalin walba ay xeebaha dalka kasoo galaan khuburo la shaqeysa kooxda Al-shabaab oo dalalkoodu laga soo ceyriyay.<\/p>\n<p>\u201cXeebaha waxaa kasoo dago dad waayo dadkaas, waa khubaro yey khubaro u yihiin? Khawaarijbey u yihiin khuburo inay qaraxa hagaajintiisa ku camal falkiisa intaba ayey la qabtaan, waa kuwa ku noolan waayay dalalkoodi oo halkan u yimid burburinta iyo dhibaateyta dalka, iyagoo gabaad ka dhiganaya\u201d ayuu yiri madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaciil Cumar Geelle.<\/p>\n<p>Gabagabadii madaxweyne Geelle ayaa sheegay in dowladiisa ay garab taagan tahay dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay kala shaqeyneyso sidii looga adkaan lahaa Ururka Al-shabaab ee mudada dheer ka dhex dagaalamaya gudaha Soomaaliya.<\/p>\n<p>Madaxweyne Geelle ayaa maalintii labaad ku sugan magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, iyadoona loo xiray dhamaan wadooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho, waxaana Maanta isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ay si wadajir ah xariga uga jareen xarunta Akadamiyad Goboleedka Afka Soomaaliga ee (AGA) oo laga hirgaliyay magaalada Muqdisho.<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-78721\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-300x300.jpeg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-300x300.jpeg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-150x150.jpeg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-420x420.jpeg 420w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco.jpeg 640w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"300\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-77094\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-300x256.jpeg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-300x256.jpeg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-768x654.jpeg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-696x593.jpeg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-493x420.jpeg 493w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug.jpeg 925w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"256\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Maanta khudbad xasaasi ah ka horjeediyay Xildhibaanadda labada Aqal ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya, isagoona ku dheeraaday ka hadalka dhanka amniga iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Madaxweyne Geelle ayaa mudanayaasha labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ugu horeyn kula dardaarmay in dalka iyo dadka Soomaaliyeed si daacad ah [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":85512,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[37,44,45,46,3,36],"tags":[],"class_list":["post-85511","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-dhacdoyinka-caalamka","category-facebook-com","category-facebook-com-wararka-caalamka","category-twitter-com","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/85511","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=85511"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/85511\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":85526,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/85511\/revisions\/85526"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/85512"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=85511"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=85511"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=85511"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}