{"id":85480,"date":"2022-12-28T20:55:13","date_gmt":"2022-12-28T17:55:13","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=85480"},"modified":"2022-12-28T21:25:08","modified_gmt":"2022-12-28T18:25:08","slug":"golayaasha-barlamaanka-federalka-oo-si-wadajir-ah-u-ansixiyey-miizaaniyadda-sanadka-2023da","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2022\/12\/golayaasha-barlamaanka-federalka-oo-si-wadajir-ah-u-ansixiyey-miizaaniyadda-sanadka-2023da\/","title":{"rendered":"Golayaasha Barlamaanka Federalka oo Si Wadajir ah u Ansixiyey Miizaaniyadda Sanadka 2023da."},"content":{"rendered":"<p>Xildhibaanadda labada Aqal ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa Maanta si wadajir ah u ansixiyay Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2023-ka, taasoo ay mudanayaasha Baarlamaanka ka doodayeen kulamadii ugu dambeeyay.<\/p>\n<p>Kulankaan oo ay goobjoog ka ahayeen guddoonadda iyo ku xigeenada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka dhacay xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa, waxaana Xildhibaanada laba Aqalka dood dheer kadib Miisaaniyada dowladda ee sanadka 2023 meel mariyay oo ogol ug codeysay 172 mudane, waxaana ka aamusay hal mudane.<\/p>\n<p>Wadarta guud ee Miisaaniyadda sanadkan ayaa gaartay $973,985,805, iyadoo Miisaaniyadda sanadkan loo kordhiyay xarumaha danta guud sida xarumaha Caafimaadka dowladda, Waxbarashada iyo hay\u2019adaha amniga ee dalka.<\/p>\n<p>Maalin ka hor ayay aheyd markii Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cilmi Maxamed Nuur uu hortgay kulanka labada Aqal, kaasoo mudanayaasha ay wax ka weydiiyeen su&#8217;aalo la xariira Miisaaniyadda dowladda ee 2023 oo ay kasoo shaqeyeen guddiga maaliyadda ee labada Gole.<\/p>\n<p>15-kii bishi lasoo dhaafay ee Novembar ayay aheyd markii shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya oo uu shir guddoomiyay Raysal wasaaraha Xukuumadda Xamse Cabdi Barre ay ku meel mariyeen Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2023, taasoo ka kooban dakhli gudaha ah iyo deeq oo gaareysa $967.7 Milyan oo Dollar.<\/p>\n<p>Miisaaniyadda 2023 ayaa xoogga lagu saarayaa sare u qaadidda dakhliga gudaha oo hadda la rajeynayo inuu ka sare maro sanadihii la soo dhaafay, iyadoo la rajeynayo inuu gaaro $283.3 Milyan oo dollar, halka sanadka dhamaadka ah uu ahaa $247 milyan oo doolar.<\/p>\n<p>Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cilmi Maxamuud Nuur ayaa dhankiisa\u00a0 Xildhibaannadda labada aqal ee Baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya uga mahadceliyay ansixinta Miisaaniyadda sanadka 2023-ka.<\/p>\n<p>Gabagabadii guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ku dhawaaqay in Miisaaniyadda sanadka ay ansax tahay, isagoona guddoonka iyo xildhibaannada labada aqal, guddiyadda Maaliyadda ee Baarlamaanka uga mahadceliyay dadaalkii dheeraa islamarkaana ay ku bixiyeen juhdi iyo wakhti badan si dadka iyo dalka loogu adeego.<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-78721\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-300x300.jpeg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-300x300.jpeg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-150x150.jpeg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-420x420.jpeg 420w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco.jpeg 640w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"300\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-77094\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-300x256.jpeg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-300x256.jpeg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-768x654.jpeg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-696x593.jpeg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-493x420.jpeg 493w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug.jpeg 925w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"256\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xildhibaanadda labada Aqal ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa Maanta si wadajir ah u ansixiyay Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2023-ka, taasoo ay mudanayaasha Baarlamaanka ka doodayeen kulamadii ugu dambeeyay. Kulankaan oo ay goobjoog ka ahayeen guddoonadda iyo ku xigeenada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka dhacay xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa, waxaana Xildhibaanada laba [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":85481,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[37,44,45,46,3,36],"tags":[],"class_list":["post-85480","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-dhacdoyinka-caalamka","category-facebook-com","category-facebook-com-wararka-caalamka","category-twitter-com","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/85480","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=85480"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/85480\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":85487,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/85480\/revisions\/85487"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/85481"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=85480"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=85480"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=85480"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}