{"id":84758,"date":"2022-11-27T19:17:08","date_gmt":"2022-11-27T16:17:08","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=84758"},"modified":"2022-11-27T19:17:45","modified_gmt":"2022-11-27T16:17:45","slug":"maxaa-ka-jira-in-somaliland-lagu-faafiyo-diimo-shisheeye-sheekh-adan-sunne-oo-arrintaas-ka-hadley","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2022\/11\/maxaa-ka-jira-in-somaliland-lagu-faafiyo-diimo-shisheeye-sheekh-adan-sunne-oo-arrintaas-ka-hadley\/","title":{"rendered":"Maxaa ka Jira In Somaliland Lagu Faafiyo Diimo Shisheeye Sheekh Adan Sunne oo Arrintaas Ka Hadley."},"content":{"rendered":"<p>Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Aadan Sunne), ayaa ku andacooday in hay&#8217;addo shisheeye ay Somaliland ku faafinayaan diinta Masiixiga.<\/p>\n<p>Waxa uu sheegay in waxyaabihii ay xukuumada Somaliland isku qaniineen ay kamid ahayd, la dagaalanka laba hay&#8217;addood oo reer galbeed ah kuwaasi oo daganaa Hargaysa iyo agagaar keeda, isla markaana diimo baadila faafinayay.<\/p>\n<p>&#8220;Laba sannadood ayaanu dacwad ku jirnay, waxaanu soo bandhignay dhukumantiyadii iyo baybaladii ay faafinayeen, iyo dadkii ay la kulmeen oo markhaati ah, anagu waanu u dhib mudanay&#8230; markii maxkamada la i keenay waxa la yidhi wadaadkan waxa laga kari laayahay hay&#8217;addaha waddanka u jooga safamalka &#8221; ayuu yidhi Aadan Sunne.<\/p>\n<p>Waxa uu ku andacooday in hay&#8217;addaha faafiya diimaha shisheeye, ay gacanta ku dhigeen nidaamka tacliinta Somaliland, oo ay qorshaynayaan in degmo kasta iyo gobolkasta oo Somaliland kamid ah ay ku lug yeeshaan.<\/p>\n<p>Aadan Sunne oo ka qaybgalay shir ay lahaayeen culimada ugu waa wayn kooxda Al-Shabaab, ayaa sheegay in laga tashanayay gaalo uu sheegay in ay Soomaaliya Masiixiyad ku faafinayaan, iyo Soomaali soo dhawaysay oo iyaguna la xukun ah sida uu sheegay.<\/p>\n<p>Sheekh Aadan Sunne oo hore uga mid ahaa culimada Somaliland, ayaa bishii 3aad ee sannadkan si dhuumasho ah Somaliland uga baxay, kadibna sheegay in uu ku biiray kooxda Alshabaab.<\/p>\n<p>Aadan Sunne ayaa intii uu Somaliland joogay soo maray xabsiyo kala duwan iyadoo xukuumadu ku eedaysay in uu faafiyo fikiro argagixisonimo.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Aadan Sunne), ayaa ku andacooday in hay&#8217;addo shisheeye ay Somaliland ku faafinayaan diinta Masiixiga. Waxa uu sheegay in waxyaabihii ay xukuumada Somaliland isku qaniineen ay kamid ahayd, la dagaalanka laba hay&#8217;addood oo reer galbeed ah kuwaasi oo daganaa Hargaysa iyo agagaar keeda, isla markaana diimo baadila faafinayay. &#8220;Laba sannadood ayaanu dacwad [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":84759,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[37,44,45,46,3,36],"tags":[],"class_list":["post-84758","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-dhacdoyinka-caalamka","category-facebook-com","category-facebook-com-wararka-caalamka","category-twitter-com","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/84758","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=84758"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/84758\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":84760,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/84758\/revisions\/84760"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/84759"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=84758"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=84758"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=84758"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}