{"id":84610,"date":"2022-11-19T20:37:26","date_gmt":"2022-11-19T17:37:26","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=84610"},"modified":"2022-11-19T20:42:36","modified_gmt":"2022-11-19T17:42:36","slug":"m-weyne-xasan-sheekh-oo-sheegay-in-inta-uu-m-weynaha-yahey-al-shabaab-laga-ciribtirayo-soomaaliya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2022\/11\/m-weyne-xasan-sheekh-oo-sheegay-in-inta-uu-m-weynaha-yahey-al-shabaab-laga-ciribtirayo-soomaaliya\/","title":{"rendered":"M\/weyne Xasan Sheekh oo Sheegay in Inta uu M\/weynaha Yahey Al-shabaab Laga Ciribtirayo Soomaaliya."},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa Maanta gaaray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan halkaasoo siweyn loogu soo\u00a0 dhaweeyay.<\/p>\n<p>Wafdiga madaxweynaha Soomaaliya waxaa degmada Maxaas kusoo dhaweeyay madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle, guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Xildhibaano, masuuliyiin kale iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada Maxaas.<\/p>\n<p>Ujeedka safarka madaxweyne Xasan ee uu Maanta ku gaaray degmada Maxaas ayaa la sheegay iney tahay u kuurgalida xaaladaha ka jira furimaha dagaalka lagula jiro Shabaab, maadaama Maxaas halbowle ay u tahay howlgalada lagula dagaalamayo Shabaabka ku sugan gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.<\/p>\n<p>Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay shacabka ku nool degmada Maxaas iyo ciidamada xoogga dalka ayaa ku amaanay guulaha ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab, isagoo sheegay in dowladda taageero la garab taagan tahay dadka deegaanka ee go\u2019aansaday inay iska xoreeyaan Al-shabaab.<\/p>\n<p>\u201cInta aan Madaxweynaha ahay dowlada Soomaaliya waxaa ka go\u2019an in dalka Shabaab laga ciribtiro, la waayo wax argagixso ah. Ceelbuur, Xaradheere, Aadan Yabaal iyo deegaanada kale waa xoroobayaan Alle idim kii\u201d ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.<\/p>\n<p>Madaxweyne Xasan oo dhageystay warbixin la xiriirtay baahiyaha adeegga dowladnimada ah oo ay qabaan dadka ku nool degmada Maxaas iyo deegaanada hoos yimaada ayaa u balan qaaday in dowladda Sooomaaliya ay soo gaarsiin doonto degmada Maxaas iyo deegaanada kale ee laga saaray kooxda Al-shabaab adeega dowladnimada.<\/p>\n<p>Socdaalkan uu Maanta ku tagay madaxweynaha Soomaaliya degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa qeyb ka ah safaro kala duwan uu madaxweynaha ku tagi doono deegaano kala duwan oo laga saaray dagaalamayaasha Shabaab oo ku kala yaala gobolada Hiiraan, Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe.<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-78721\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-300x300.jpeg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-300x300.jpeg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-150x150.jpeg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-420x420.jpeg 420w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco.jpeg 640w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"300\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-77094\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-300x256.jpeg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-300x256.jpeg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-768x654.jpeg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-696x593.jpeg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-493x420.jpeg 493w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug.jpeg 925w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"256\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa Maanta gaaray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan halkaasoo siweyn loogu soo\u00a0 dhaweeyay. Wafdiga madaxweynaha Soomaaliya waxaa degmada Maxaas kusoo dhaweeyay madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle, guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Xildhibaano, masuuliyiin kale iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada Maxaas. Ujeedka safarka madaxweyne [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":84611,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[37,44,45,46,36],"tags":[],"class_list":["post-84610","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-dhacdoyinka-caalamka","category-facebook-com","category-facebook-com-wararka-caalamka","category-twitter-com","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/84610","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=84610"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/84610\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":84615,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/84610\/revisions\/84615"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/84611"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=84610"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=84610"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=84610"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}