{"id":84588,"date":"2022-11-18T22:10:00","date_gmt":"2022-11-18T19:10:00","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=84588"},"modified":"2022-11-19T20:47:55","modified_gmt":"2022-11-19T17:47:55","slug":"wasaaradda-kalluumeysiga-soomaaliya-oo-sheegtay-in-dawladda-masar-ka-taageereyso-xagga-kalluumeysiga","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2022\/11\/wasaaradda-kalluumeysiga-soomaaliya-oo-sheegtay-in-dawladda-masar-ka-taageereyso-xagga-kalluumeysiga\/","title":{"rendered":"Wasaaradda Kalluumeysiga Soomaaliya oo Sheegtay in Dawladda Masar ka Taageereyso Xagga Kalluumeysiga."},"content":{"rendered":"<p>Wasiirka Wasaaradda Kallumeysiga iyo Kheyraadka Badda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Xassan Aadan ayaa magaalada Qaahira ee Caasimadda dalka Masar kula kulmay Sayed Alqasiir oo ah wasiirka Beeraha, Xanaanada Xoolaha iyo Kallumaysiga Dowladda Masar.<\/p>\n<p>Kulanka dhexmaray laba wasiir ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal, islamarkaana ay isaga kaashan lahayeen dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, waxaana wasiir Sayed Alqasiir uu sheegay in Masar ay ku deeqayso Soomaaliya deeqo waxbarasho iyo tababaro u gaar ah cilmiga badaha iyo kallumeysiga, tababaro badmaaxiin ah.<\/p>\n<p>Wasiir Sayed Alqasiir ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay leedahay xeebta ugu dheer Qaarada Afrika, Masarna ay diyaar u tahay inay xoojiso xiriirka labada dal oo ay qayb weyn ka qaadato dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, si ay uga faa&#8217;ideystaan shacabka iyo dowladda Soomaaliya.<\/p>\n<p>Wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Xassan Aaden dhankiisa uga mahadceliyay dhiggiisa dalka Masar soo dhoweynta wanaagsan ee uu u sameeyay, isagoona ka sheekeeyey cilaaqaadka taariikhiga ah ee ka dhaxeeyay labada dal inuu yahay mid soo jireen ah, islamarkaana ay muhiim tahay in wadajir looga shaqeeyo sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga labada dal, wuxuuna dhigiisa Masar ka dalbaday iney kala shaqayso dowladda Soomaaliya sidii loo horumarin lahaa Kallumaysiga dalka oo loo heli lahaa Maraakiib Kallumaysi, tababaro kor loogu qaadayo tayada kalluumeysatada, iyo meelaha kalluunka lagu diyaariyo si logo iib geeyo Masar Iyo dunida inteeda kale.<\/p>\n<p>Labada wasiir waxay sidoo kale ka wada hadleen sidii loo samayn lahaa shirkad wadaag kalluumeysi (joint ventor) iyagoo ku heshiiyay in sida ugu dhakhsiyaha badan loo sameeyo guddi farsamo oo labada dal ah, si ay u soo diyaariyaan dhinacyada la iska kaashan doono, waxaana kulankaan goobjoog ka ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaarada beeraha Masar Iyo Danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Masar.<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-78721\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-300x300.jpeg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-300x300.jpeg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-150x150.jpeg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-420x420.jpeg 420w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco.jpeg 640w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"300\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-77094\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-300x256.jpeg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-300x256.jpeg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-768x654.jpeg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-696x593.jpeg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-493x420.jpeg 493w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug.jpeg 925w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"256\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wasiirka Wasaaradda Kallumeysiga iyo Kheyraadka Badda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Xassan Aadan ayaa magaalada Qaahira ee Caasimadda dalka Masar kula kulmay Sayed Alqasiir oo ah wasiirka Beeraha, Xanaanada Xoolaha iyo Kallumaysiga Dowladda Masar. Kulanka dhexmaray laba wasiir ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal, islamarkaana ay isaga kaashan lahayeen dib u [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":84589,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[37,44,45,46,3,36],"tags":[],"class_list":["post-84588","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-dhacdoyinka-caalamka","category-facebook-com","category-facebook-com-wararka-caalamka","category-twitter-com","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/84588","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=84588"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/84588\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":84621,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/84588\/revisions\/84621"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/84589"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=84588"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=84588"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=84588"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}