{"id":84129,"date":"2022-10-31T22:58:48","date_gmt":"2022-10-31T19:58:48","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=84129"},"modified":"2022-11-01T02:14:46","modified_gmt":"2022-10-31T23:14:46","slug":"xukuumadda-soomaaliya-oo-qaraxyadii-zoope-dadkii-ku-waxyeeloobey-ugu-deeqday-lacag-dhan-hal-million-dollar","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2022\/10\/xukuumadda-soomaaliya-oo-qaraxyadii-zoope-dadkii-ku-waxyeeloobey-ugu-deeqday-lacag-dhan-hal-million-dollar\/","title":{"rendered":"Xukuumadda Soomaaliya oo Qaraxyadii Zoope Dadkii ku Waxyeeloobey ugu Deeqday Lacag dhan hal Million Dollar."},"content":{"rendered":"<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ku dhawaaqay inay dowladdu lacag dhan hal million oo dollar ugu deeqday sanduuqa gurmadka wax loogu qabanayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii Soobbe.<\/p>\n<p>Hadalkan ayuu raysal wasaaruhu ka shaaciyay kulan degdeg ah oo ay golaha Wasiirraddu isugu yimaadeen oo looga hadlayey gurmadka dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii Soobbe, kuwaas oo ay naftooda ku waayeen dad ka badan boqol qof, halka boqolaal kalena ay ku dhaawacmeen, hanti bandanna ay ku burburtay.<\/p>\n<p>Golaha wasiiraddu waxay sheegeen inay kafaala qaadeyso daweynta iyo daryeelka dadka ku dhaawacmey qaraxyadii KM5, iyo waxbarashada iyo daryeelka ubadkii ay ka tageen dadkii ku shahiiday qaraxyadaas.<\/p>\n<p><b>Halkaan hoose ka eeg qodobadii kasoo baxay shirka.<\/b><\/p>\n<p>1. Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay lacag dhan hal million oo dollar ku deeqday sanduuqa gurmadka wax loogu qabanayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxyada waxashnimada ah ee argagixisada khawaarijtu ku beegsadeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.<\/p>\n<p>2. Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay kafaala qaadeysaa daweynta iyo daryeelka dadka ku dhaawacmey qaraxyadii shaley ee KM5.<\/p>\n<p>3. Waxaa kale oo Goluhu isku raacay in la kafaala qaado waxabarashada carruurta ay ka tageen shuhaddadii ku nafweysay qaraxyadii shaley, iyadoo laga ambaqaadayo balanqaadkii uu jeediyay Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud markii uu booqday goobta uu qaraxa ka dhacay.<\/p>\n<p>4. Waxaa xukuumadda ay fareysaa Wasaaradda Waxbarashada iyo Hiddaha in muddo saddex maalmood ah la fasaxo goobaha waxbarashada si ay waqti ugu helaan ardeyda sii wadista hawlaha gurmadka socda ee loogu gargaarayo dhibbaneyaasha weeraradii dhacay.<\/p>\n<p>5. Waxaa dhammaan Wasaaradaha iyo hay\u2019adaha kale ee dowladda la farayaa inay si buuxda uga qeyb qaataan gurmadka socda.<\/p>\n<p>6. Waxaa Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay ku dhawaaqeysaa qaadista talaabooyin cad cad oo amniga lagu sugayo, lana sameynayo isbeddelo degdeg ah oo la jaanqaadaya xaaladda dalka ka jirta.<\/p>\n<p>7. Waxaa uu Golaha Wasiirrada si xushmada leh uu shacabka Soomaaliyeed uga codsanayaa inay yeeshaan feejignaan dheeri ah, samir, dulqaad iyo adkeysi inta lagu guda jiro hawlgalka lagu ciribtirayo cadowga khawaarijta oo dhammaan goobihii ay isku fara saareen Ciidammadda Qaranka iyo shacabka taageeraya looga adkaadey, sidaa darteedna ay iyagoo naf la caari ah isku dayayaan inay beegsadaan shacabka masaakiinta ah.<\/p>\n<p>8. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale balanqaadeysaa in Khawaarijta dalka laga cirib tirayo, isla markaana ay Ciidammada Qalabka Sida sii wadi doonaan gulufka guulaha badan laga gaarey, kaas oo khawaarijta lagu gaarsiiyay khasaare ballaaran.<\/p>\n<p>9. Waxaa kale oo uu Golaha Wasiirrada isku afgartey in In dib loo yagleelo Bankiga Kaydka Dhiigga ee heer qaran si sare loogu qaado adeegga caafimaadka ee shacabka Soomaaliyeed.<\/p>\n<p class=\"td-modal-image\"><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-78721\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-300x300.jpeg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-300x300.jpeg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-150x150.jpeg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-420x420.jpeg 420w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco.jpeg 640w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"300\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-77094\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-300x256.jpeg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-300x256.jpeg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-768x654.jpeg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-696x593.jpeg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-493x420.jpeg 493w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug.jpeg 925w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"256\" \/><\/a><\/p>\n<div id=\"taboola-below-article\" class=\" trc_related_container trc_spotlight_widget tbl-feed-container tbl-feed-frame-DIVIDER render-late-effect\" data-feed-container-num=\"1\" data-feed-main-container-id=\"taboola-below-article\" data-parent-placement-name=\"below-article\" data-pub-lang=\"so\">\n<div class=\" tbl-feed-header tbl-logo-right-position\">\n<div class=\"tbl-feed-header-logo\"><\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ku dhawaaqay inay dowladdu lacag dhan hal million oo dollar ugu deeqday sanduuqa gurmadka wax loogu qabanayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii Soobbe. Hadalkan ayuu raysal wasaaruhu ka shaaciyay kulan degdeg ah oo ay golaha Wasiirraddu isugu yimaadeen oo looga hadlayey gurmadka dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii Soobbe, kuwaas [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":84130,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[37,44,45,46,3,36],"tags":[],"class_list":["post-84129","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-dhacdoyinka-caalamka","category-facebook-com","category-facebook-com-wararka-caalamka","category-twitter-com","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/84129","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=84129"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/84129\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":84148,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/84129\/revisions\/84148"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/84130"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=84129"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=84129"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=84129"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}