{"id":84102,"date":"2022-10-30T00:13:01","date_gmt":"2022-10-29T21:13:01","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=84102"},"modified":"2022-10-30T03:43:32","modified_gmt":"2022-10-30T00:43:32","slug":"warar-kasoo-baxaya-gudaha-al-shabaab-oo-sheegaya-in-ay-ka-dhex-jirto-kala-qeybsanaan-baahsan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2022\/10\/warar-kasoo-baxaya-gudaha-al-shabaab-oo-sheegaya-in-ay-ka-dhex-jirto-kala-qeybsanaan-baahsan\/","title":{"rendered":"Warar kasoo Baxaya Gudaha Al-shabaab oo Sheegaya in ay ka Dhex jirto Kala Qeybsanaan Baahsan."},"content":{"rendered":"<p>Xaalad kala qeybsanaaneed ayaa soo wajahday ururka Al Shabaab, gaar ahaan hogaamiyaha Ururkaasi Axmed Diiriye Cali. (Abuu Cubeyda), iyo garabka uu hogaamiyo Mahad Karatee, madaxa amniyaatka oo ah hay&#8217;adda nabad sugidda iyo sirdoonka ururka Alshabaaab<\/p>\n<p>Warbixin lagu daabacay bogga akhbaralaan ayaa lagu sheegay, in Mahad Karatee uu marba marka ka dambaysa xoojinayo hammigiisa ah inuu qabto kursiga hoggaaminta, waxaanay arrintan si weyn u soo shaac baxday ka dib markii Alshabaab ay ku fashilmeen duullaankii bariga Itoobiya bishii July ee la soo dhaafay, halkaas oo Shaabaab looga dilay boqolaal dagaalyahanno ah.<\/p>\n<p>Warbixintu waxay sheegaysaa in weerarkaas kadib uu soo shaac baxay daciifnimada awoodda kooxda Alshabaab, taasoo ka dhigaysa inay u muuqato inay u baahan tahay isbedel dhinaca hoggaan ah.<\/p>\n<p>Iyadoo xaalada caafimaad ee hogaamiyaha kooxda Axmed Deri ay sii xumaaneyso, waxaa sare u kacday fursada uu Karatee u leeyahay inuu qabto hoggaanka Alshabab gaar ahaan wixii ka dambeeyay dilkii Cabdallaahi Nadiir ee horaantii bishii October lagu dilay duqeymo dhanka cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada Mareykanka.<\/p>\n<p>Sarkaalkan ayaa ka mid ahaa ragga ugu cad cad ee xilka kala wareegi lahaa Axmed Diiriye, Sababtoo ah waxa uu ahaa isku duwaha dhammaan howlaha kooxda Alshabaab, isla markaana u qaabilsanaa dhanka dagaalka, sida uu sheegay Wasiirka Gaashaandhigga, C\/qaadir Maxamed Nuur.<\/p>\n<p>Warbixin dhawaan la soo saaray ayaa lagu sheegay in Al-Shabaab ay ururiyaan lacag ka badan inta ay qaado dowladda Soomaaliya.<\/p>\n<p>Warbixin ay daabacday Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in miisaaniyad sanadeedka kooxdan ay ku dhowdahay 100 milyan oo dollar, taasoo inta badan lagu bixiyo si qasab ah. Waxaana qiyaastii rubuc ka mid ah lacagtan loo qoondeeyay in lagu iibsado hub casri ah.<\/p>\n<p>Waxaa la og yahay in Mahad Karati uu u dhaqmo qaab lagu tilmaamay inuu ka madax bannaan yahay hoggaanka kooxda, waxaana sababtaas awgeed looga xayuubiyay xilal kala duwan oo uu horay u hayay, balse wuxuu awood u yeeshay inuu sii xooggeysto oo uu caddeeyo inuu saameyntiisa ku leeyahay Alshabaab dhexdeeda. waxa uu aad ugu dhow yahay jagada hoggaanka, maadaama uu hoggaamiyo garabka Alshabaab u qaabilsan sirdoonka iyo amniga, iyo sidoo kale maaliyadda.<\/p>\n<p>Karatee, oo magaciisu yahay Abdiraxmaan Maxamed Warsame, ayaa ku jiray liiska argagixisada Mareykanka tan iyo 10-kii Abriil, 2015, iyo barnaamijka abaalmarinta caddaaladda ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka oo abaalmarin lacageed oo dhan 5 milyan oo dollar ku bixinaysa ciddii keenta xog isaga ku saabsan.<\/p>\n<p>Waxa uu door muhiim ah ka qaatay weeraro ismiidaamin ah iyo dilal qorsheysan oo ka dhacay Soomaaliya, Kenya iyo dalal kale oo gobolka ah, waxaana sidoo kale magaciisa lagu daray liiska cunaqabateynta ee golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 26-kii February, 2021, isagoo lagu eedeeyay ka qayb qaadashada falalka khatarta ku ah nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.<\/p>\n<p class=\"td-modal-image\"><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-78721\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-300x300.jpeg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-300x300.jpeg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-150x150.jpeg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-420x420.jpeg 420w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco.jpeg 640w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"300\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-77094\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-300x256.jpeg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-300x256.jpeg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-768x654.jpeg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-696x593.jpeg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-493x420.jpeg 493w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug.jpeg 925w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"256\" \/><\/a><\/p>\n<div id=\"taboola-below-article\" class=\" trc_related_container trc_spotlight_widget tbl-feed-container tbl-feed-frame-DIVIDER render-late-effect\" data-feed-container-num=\"1\" data-feed-main-container-id=\"taboola-below-article\" data-parent-placement-name=\"below-article\" data-pub-lang=\"so\">\n<div class=\" tbl-feed-header tbl-logo-right-position\">\n<div class=\"tbl-feed-header-logo\"><\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xaalad kala qeybsanaaneed ayaa soo wajahday ururka Al Shabaab, gaar ahaan hogaamiyaha Ururkaasi Axmed Diiriye Cali. (Abuu Cubeyda), iyo garabka uu hogaamiyo Mahad Karatee, madaxa amniyaatka oo ah hay&#8217;adda nabad sugidda iyo sirdoonka ururka Alshabaaab Warbixin lagu daabacay bogga akhbaralaan ayaa lagu sheegay, in Mahad Karatee uu marba marka ka dambaysa xoojinayo hammigiisa ah inuu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":84122,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[37,44,45,46,3,36],"tags":[],"class_list":["post-84102","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-dhacdoyinka-caalamka","category-facebook-com","category-facebook-com-wararka-caalamka","category-twitter-com","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/84102","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=84102"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/84102\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":84123,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/84102\/revisions\/84123"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/84122"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=84102"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=84102"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=84102"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}