{"id":8386,"date":"2012-07-30T13:33:51","date_gmt":"2012-07-30T13:33:51","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=8386"},"modified":"2012-07-30T13:33:51","modified_gmt":"2012-07-30T13:33:51","slug":"raiisul-wasaaraha-dowladda-tfg-da-oo-tilmaamay-inay-muuqaneyso-saansaantii-ugu-wanaagsaneed-ee-ku-aadan-ansixinta-dastuurka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2012\/07\/raiisul-wasaaraha-dowladda-tfg-da-oo-tilmaamay-inay-muuqaneyso-saansaantii-ugu-wanaagsaneed-ee-ku-aadan-ansixinta-dastuurka\/","title":{"rendered":"Ra&#8217;iisul wasaaraha Dowladda TFG-da Oo Tilmaamay Inay Muuqaneyso Saansaantii Ugu Wanaagsaneed Ee Ku Aadan Ansixinta Dastuurka."},"content":{"rendered":"<p><strong>\u00a0<\/strong><strong>(Wararka Soomaaliya Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)<\/strong><\/p>\n<p><strong><br \/>\n<\/strong>\u00a0Ra&#8217;iisul wasaaraha dowladda KMG ah ee Soomaaliya, C\/weli Maxamed Cali oo kormeer ku tahay Axaddii shalay xarunta uu ka socdo shirka ansixinta dastuurka ayaa sheegay inuu rajo weyn ka qabo in muddadii horay loogu qabtay lagu ansixiyo dastuurka qaybyada ah.<\/p>\n<p>Wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil oo ka mid ahaa xubnihii la socday ra&#8217;iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ka warbixiyay sida ay howsha u socoto isagoo tilmaamay in kulammadu ay si wanaagsan u socdaan isagoo sheegay in ergada iyo guddiga farsamo ay si wadajir ah u wada shaqeynayaan.<\/p>\n<p>\u201cRa\u2019iisul wasaare howshu waxay u socotaa si wanaagasan waxaana la gudo galay dooddii ku saabsanayd dastuurka&#8230; waxaa laga dooday xeer hoosaadkii waana la ansixiyay, dastuurkana waa loo wada aqriyay ergada, waxaana howsha si hufan u wada ergada ansixinta dastuurka iyo guddiga farsamada,\u201d ayuu yiri Xoosh oo ka warbixinayay sida uu kulanku u socdo.<\/p>\n<p>Wasiirka ganacsigga iyo warashadaha, Cabdiwahaab Ugaas Xuseen ayaa aad uga mahad-celiyay howsha ay ergada ansixinta dastuurka hayaan, wuxuuna wax lagu farxo ku tilmaamay sidii wanaagsanayd oo ay u ansixiyeen ergada iyo guddiga farsamada xeer hoosaadka dastuurka Soomaaliya.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul wasaaraha Soomaaliya oo ugu dambeyn hadlay ayaa kula dardaarmay ergada u fadhida ansixinta dastuurka inay howsha dedejiyaan maadama uu waqtigu ciriiri yahay.<\/p>\n<p>&#8220;Waa inaad dadaal muujisaan waana ku faraxsanahay sida aad howsha u qaybiseen; waxaana rajeynayaa inta dhimana inay si wanaagsan u dhameystirmi doonoo hadduu Alle yiraahdo,&#8221; ayuu yiri ra&#8217;iisul wasaaraha Soomaaliya la hadlayay ergada ansixinta dastuurka.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, ra&#8217;iisul wasaaruhu wuxuu sheegay inay rajo aad u wanaagsan ka qabaan in la ansixiyo dastuurka, iyadoo hadalkiisa uu imaanayo xilli ay mas&#8217;uuliyiinta hay&#8217;adda culummada Soomaaliyeed sheegeen in qodobbo dastuurka ku jira ay ka horimaanayaan diinta Islaamka.<strong><\/strong><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><strong>\u00a0<\/strong><strong>(Wararka Soomaaliya Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>\u00a0(Wararka Soomaaliya Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com) \u00a0Ra&#8217;iisul wasaaraha dowladda KMG ah ee Soomaaliya, C\/weli Maxamed Cali oo kormeer ku tahay Axaddii shalay xarunta uu ka socdo shirka ansixinta dastuurka ayaa sheegay inuu rajo weyn ka qabo in muddadii horay loogu qabtay lagu ansixiyo dastuurka qaybyada ah. Wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Xoosh [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[49],"class_list":["post-8386","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka","tag-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/8386","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=8386"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/8386\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":8388,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/8386\/revisions\/8388"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=8386"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=8386"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=8386"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}