{"id":83589,"date":"2022-10-08T01:49:11","date_gmt":"2022-10-07T22:49:11","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=83589"},"modified":"2022-10-08T04:26:21","modified_gmt":"2022-10-08T01:26:21","slug":"m-weynaha-maamul-goboleedka-hirshabeele-oo-qaraxyadii-iyo-isku-dhacyo-beeleed-u-jooga-b-weyne","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2022\/10\/m-weynaha-maamul-goboleedka-hirshabeele-oo-qaraxyadii-iyo-isku-dhacyo-beeleed-u-jooga-b-weyne\/","title":{"rendered":"M\/weynaha Maamul Goboleedka Hirshabeele oo Qaraxyadii iyo Isku Dhacyo Beeleed u Jooga B\/weyne."},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo ay wehlinayeen madaxweyne ku xigeenka maamulkiisa Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Hirshabeelle iyo saraakiisha Jabuuti ayaa Maanta kormeeray goobahii ku burburay qaraxyadii Isniintii lasoo dhaafay ka dhacay Baledweyne.<\/p>\n<p>Madaxweyne Cali Guudlaawe oo warbaahinta kula hadlay aqalka Madaxtooyada Hirshabeelle ee magaalada Baledweyne oo burbur weyn uu ka muuqday ayaa sheegay in dhibaato aad u baaxad weyn ay geysteen qaraxyadii Ismiidaaminta ahaa ee Baledweyne ka dhacay, isagoo sheegay in Al-Shabaab aysan umadda Soomaaliyeed u tureyn, islamarkaana ay bur buriyeen hanti badan oo ay lahaayeen Shacab Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>&#8220;Qaraxyadii Shabaab Baledweyne ka geysteen waxay muujineysa ineysan u tureyn shacabka Soomaaliyeed oo waxay ku burburiyeen dad danyar ahaa hantidoda, Shabaab rafashadii u dambeysay ayay ku jiraan oo waa lagu jebiyay dagaalada waxaana ku baaqaya in loo midoobo dagaalada lagula jiro si loo ciribtiro&#8221; ayuu yiri madaxweyne Guudlaawe.<\/p>\n<p>Sadaxdii bishaan ayay aheyd markii ilaa sadax qarax oo dhamaantood ahaa Ismiidaamin loo adeegsaday baabuur ay Al-shabaab ku weerareen xerada Lamagalaay oo ku taala bartamaha Baledweyne, waxaana qaraxyadaasi mid ka mid ah uu ahaa kii ugu wayna inta la ogyahay kaasoo loo adeegaaday gaari Xamuul ah oo ahaa nooca loo yaqaano Waaraadka, waxaana ku dhintay dad gaaraya 30 ruux oo isugu jiray masuuliyiin iyo shacab, halka dhaawacana uu ka badan yahay 60 ruux.<\/p>\n<p>&#8220;Runtii dhibaatada Baledweyne ka dhacday waxaan dhihi karnaa waa dhibaato qaran oo ka weyn gacanta maamulka Hirshabeelle, dhibaatada dhacday waa in heer qaran ahaan loogu soo gurmado dadka ku hanti beelay, dhamaan Xafiisyada Hirshabeelle waa burbureen\u201d ayuu yiri Madaxweyne Guudlaawe.<\/p>\n<p>Baledweyne wali waxaa ka muuqda saameynta qaraxyadii dhacay sadaxdii bishaan oo burburiyay guryo farabadan oo xata ay qeyb ka yihiin kuwa si aad ah uga fogaa goobta qaraxyada ka dhaceen, iyadoo dadka ku dhaqan magaaladaasi ilaa hada ay la fajacsan yihiin saameynta uu reebay qaraxyadaasi oo ahaa kuwii ugu darnaa ee Baledweyne ka dhaca.<\/p>\n<p class=\"td-modal-image\"><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-78721\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-300x300.jpeg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-300x300.jpeg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-150x150.jpeg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-420x420.jpeg 420w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco.jpeg 640w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"300\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-77094\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-300x256.jpeg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-300x256.jpeg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-768x654.jpeg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-696x593.jpeg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-493x420.jpeg 493w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug.jpeg 925w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"256\" \/><\/a><\/p>\n<div id=\"taboola-below-article\" class=\" trc_related_container trc_spotlight_widget tbl-feed-container tbl-feed-frame-DIVIDER render-late-effect\" data-feed-container-num=\"1\" data-feed-main-container-id=\"taboola-below-article\" data-parent-placement-name=\"below-article\" data-pub-lang=\"so\">\n<div class=\" tbl-feed-header tbl-logo-right-position\">\n<div class=\"tbl-feed-header-logo\"><\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo ay wehlinayeen madaxweyne ku xigeenka maamulkiisa Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Hirshabeelle iyo saraakiisha Jabuuti ayaa Maanta kormeeray goobahii ku burburay qaraxyadii Isniintii lasoo dhaafay ka dhacay Baledweyne. Madaxweyne Cali Guudlaawe oo warbaahinta kula hadlay aqalka Madaxtooyada [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":83593,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[37,45,46,3,36],"tags":[],"class_list":["post-83589","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-dhacdoyinka-caalamka","category-facebook-com-wararka-caalamka","category-twitter-com","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/83589","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=83589"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/83589\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":83607,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/83589\/revisions\/83607"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/83593"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=83589"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=83589"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=83589"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}