{"id":8355,"date":"2012-07-27T11:51:20","date_gmt":"2012-07-27T11:51:20","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=8355"},"modified":"2012-07-27T11:51:20","modified_gmt":"2012-07-27T11:51:20","slug":"afhayeenka-amisom-oo-sheegay-inay-soo-gaba-gabeeyeen-wajigii-koowaad-ee-howlgalkii-ciidan-ey-ka-wadeen-magaalada-muqdisho-iyo-hareeraheeda","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2012\/07\/afhayeenka-amisom-oo-sheegay-inay-soo-gaba-gabeeyeen-wajigii-koowaad-ee-howlgalkii-ciidan-ey-ka-wadeen-magaalada-muqdisho-iyo-hareeraheeda\/","title":{"rendered":"Afhayeenka AMISOM Oo Sheegay Inay Soo Gaba-Gabeeyeen Wajigii Koowaad Ee Howlgalkii Ciidan Ey Ka Wadeen Magaalada Muqdisho Iyo Hareeraheeda."},"content":{"rendered":"<p><strong>(Wararka Soomaaliya Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom.com)<\/strong><\/p>\n<p>Afhayeenku wuxuu intaas ku daray inay qorsheynayaan inay\u00a0 gaaraan gobollada kale ee dalka oo ay gacanta ku hayaan Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.<\/p>\n<p>&#8220;Howgalkeenna wajigiisii koowaad waan soo gabgabeynay, waxaana kaga saarnay Al-shabaab degmooyinka Afgooye iyo Balcad oo ka tirsan Shabeellooyinka; waxaan dhawaan billaabi doonnaa howgallada wajigoodii labaad,&#8221; ayuu yiri Col. Xaamud.<\/p>\n<p>Ciidamada AMISOM ayaa waxay tan iyo billowgii sannadkii hore kula dagaalamayeen Muqdisho xoogagga Al-shabaab, taasoo keentay in Al-shabaab ay bishii Ogoosto ee sannadkii hore ku dhawaaqeen inay isaga baxeen degmooyin dhowr ah oo Muqdisho ay kaga sugnaayeen sababo ay ku sheegeen xeelad dagaal.<\/p>\n<p>Taasi waxay sahashay in ciidamada DF iyo kuwa AMISOM ay la wareegaan gacan ku haynta magaalada Muqdisho oo dhan ayna u gudbaan degmooyinka ku dhow, waxaana howgalladaas dhulka looga qabsaday Al-shabaab dhiirri-geliyeen beesha caalamka oo muddo dheer ku taamaysay in Muqdisho ay gacanta dowladda KMG ah gasho.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, afhayeenka AMISOM ayaan sheegin xiliga ay wajiga labaad ee howl-galladoodu billaaban doonaan iyo deegaannada ay sida rasmiga ah u doonayaan inay kala wareegaan Al-shabaab, iyadoo Al-shabaab ay tan iyo sannadkii hore ka baxayeen deegaanno ay awood badan ku lahaayeen.<\/p>\n<p><strong>\u00a0<\/strong><\/p>\n<p><strong>(Wararka Soomaaliya Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom.com)<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>(Wararka Soomaaliya Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom.com) Afhayeenku wuxuu intaas ku daray inay qorsheynayaan inay\u00a0 gaaraan gobollada kale ee dalka oo ay gacanta ku hayaan Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM. &#8220;Howgalkeenna wajigiisii koowaad waan soo gabgabeynay, waxaana kaga saarnay Al-shabaab degmooyinka Afgooye iyo Balcad oo ka tirsan Shabeellooyinka; waxaan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[49],"class_list":["post-8355","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka","tag-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/8355","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=8355"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/8355\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":8356,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/8355\/revisions\/8356"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=8355"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=8355"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=8355"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}