{"id":82797,"date":"2022-09-05T22:17:28","date_gmt":"2022-09-05T19:17:28","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=82797"},"modified":"2022-09-05T22:31:43","modified_gmt":"2022-09-05T19:31:43","slug":"macawisleey-abaabulan-iyo-al-shabaab-oo-dagaal-waqti-dheer-qaatey-ku-dhexmarey-g-hiiraan-deegaano-ka-tirsan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2022\/09\/macawisleey-abaabulan-iyo-al-shabaab-oo-dagaal-waqti-dheer-qaatey-ku-dhexmarey-g-hiiraan-deegaano-ka-tirsan\/","title":{"rendered":"Macawisleey Abaabulan iyo Al-shabaab oo Dagaal waqti Dheer Qaatey ku Dhexmarey G\/hiiraan Deegaano Ka Tirsan."},"content":{"rendered":"<p>Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo culus oo u dhaxeeyo ciidamada deegaanka ee loo yaqaano macawiisleey iyo kuwa Al-shabaab oo ka dhacay deegaanka Ceeleey oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.<\/p>\n<p>Dagaalka ka dhacay deegaanka Ceeleey oo qiyaas ahaan Maxaas u jira ilaa 30KM ayaa lasoo warinayaa inuu ahaa mid faraha looga gubtay, kaasoo bilaawday Xalay Maqribkii soona gaaray ilaa subaxnimadii hore ee saakay.<\/p>\n<p>Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-shabaab ay isku dayeen iney dad iyo xoolo ka wataan deegaanka, taasi oo keentay in dadka deegaanka ay dagaal kala hortagaan Al-shabaab, waxaana lasoo warinaya in dagaalkaasi uu sababay khasaare badan oo dhimasho iyo dhaawacba leh oo kala gaaray labada dhinac.<\/p>\n<p>Wararka madaxa banaan ee Shakabadda WARSOM ay ka heshay khasaraaha dagaalka Xalay ee ilaa saakay soo gaaray ayaa sheegaya in ku dhawaad 15 qof ay ku dhimatay dagaalka oo labada dhinaca ah, islamarkaana in ka badan 20 ruux ay ku dhaawacmeen.<\/p>\n<p>Dadka ku dhaawacmay dagaalka ka dhacay deegaanka Ceeleey ayaa la geeyay Isbitaalka guud ee degmada Maxaas oo isna xiligaan laga soo sheegayo in Isbitaalka ay ka jirto xaalad daawo la&#8217;aan ah maadama wadooyinka gala degmadaasi inta badan yihiin kuwa Al-shabaab ay galiyeen miinoyin.<\/p>\n<p>Dhinaca kale ciidamo uu hoggaaminaayo guddomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo isugu jira kuwa dowladda Soomaaliya iyo Macawiisleey ayaa dhaqdhaqaaqyadii ugu dambeeyay kawada deegaanada u dhaxeeya magaalooyinka Baledweyne iyo Buulaburte.<\/p>\n<p>Guddoomiye Jeyte ayaa dhawaan wacad ku maray in Al-shabaab ay ciidankiisa ugu tagi doonaan deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka si uu ugu aargudo dadkii shacabka ahaa ee dhawaan ku laayeen Al-shabaab deegaanka Afar irdood ee gobolka Hiiraan.<\/p>\n<p class=\"td-modal-image\"><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-78721\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-300x300.jpeg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-300x300.jpeg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-150x150.jpeg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-420x420.jpeg 420w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco.jpeg 640w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"300\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-77094\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-300x256.jpeg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-300x256.jpeg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-768x654.jpeg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-696x593.jpeg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-493x420.jpeg 493w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug.jpeg 925w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"256\" \/><\/a><\/p>\n<div id=\"taboola-below-article\" class=\" trc_related_container trc_spotlight_widget tbl-feed-container tbl-feed-frame-DIVIDER render-late-effect\" data-feed-container-num=\"1\" data-feed-main-container-id=\"taboola-below-article\" data-parent-placement-name=\"below-article\" data-pub-lang=\"so\">\n<div class=\" tbl-feed-header tbl-logo-right-position\">\n<div class=\"tbl-feed-header-logo\"><\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo culus oo u dhaxeeyo ciidamada deegaanka ee loo yaqaano macawiisleey iyo kuwa Al-shabaab oo ka dhacay deegaanka Ceeleey oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Dagaalka ka dhacay deegaanka Ceeleey oo qiyaas ahaan Maxaas u jira ilaa 30KM ayaa lasoo warinayaa inuu ahaa mid [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":82798,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-82797","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/82797","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=82797"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/82797\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":82805,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/82797\/revisions\/82805"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/82798"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=82797"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=82797"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=82797"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}