{"id":81661,"date":"2022-07-22T18:11:07","date_gmt":"2022-07-22T15:11:07","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=81661"},"modified":"2022-07-22T21:30:33","modified_gmt":"2022-07-22T18:30:33","slug":"maqaal-uu-qorey-m-weyne-xasan-shiikh-oo-uu-codsanayo-in-lagu-taageero-ladagaalanka-kooxaha-daacish-iyo-al-shabaab","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2022\/07\/maqaal-uu-qorey-m-weyne-xasan-shiikh-oo-uu-codsanayo-in-lagu-taageero-ladagaalanka-kooxaha-daacish-iyo-al-shabaab\/","title":{"rendered":"Maqaal uu Qorey M\/weyne Xasan Shiikh oo uu Codsanayo in Lagu Taageero La&#8217;dagaalanka Kooxaha Daacish iyo Al-shabaab."},"content":{"rendered":"<p>Madaxweyaha Soomaaliya oo doonaya in lagu taageero ladagaallanka ururrada argagixisada<br \/>\ncaalamiga ah !!<\/p>\n<p>Waxaan dareemayaa in aan si gooni ah ugu qalmo ka-hadalka argagixisada caalamiga ah,<br \/>\nmaxaa yeelay waxaan ka badbaaday ugu yaraan saddex iskuday oo la igu khaarijin lahaa.<br \/>\nWaxa ay ahayd muddo-xileedkaygii hore ee madaxweynenimo oo ka soo bilowday<br \/>\nSeptember 2012 illaa Febraury 2017.<\/p>\n<p>Iskudaygii koowaad waxa uu ahaa maalinkii iigu horreeyay xafiiska (Madaxtooyada),<br \/>\niskudaygii labaad wuxuu ahaa mar aan u socday masaajidka ku dhex yaalla madaxtooyada si<br \/>\naan ugu soo tukado, markii saddexaadna waxa aan safar u ahaa Marka, magaaladaas oo aan<br \/>\noo ka xoraynay Alshabaab, oo ah urur ku xiran Al-Qaacida oo jihaadi ah oo ka howlgala<br \/>\nSoomaaliya.<br \/>\nArgagixisadu wali waxa ay dhibaato weyn ku haysaa Afrika, Aasiya, Bariga Dhexe iyo<br \/>\nBariga Aasiya, iyo adduunka badankiis, oo ay ku jiraan Yurub iyo Maraykan, kuwaas oo<br \/>\ndigtooni wayn qaba, sida ku xusan [warbixinta] sanadkaan 2022 ee Global Terrorism Index<br \/>\n(gti) oo uu soo saaray Institute for Economics and Peace oo fadhigiisu yahay Ustureelliya. In<br \/>\nkasta oo warbixintu ay sheegtay in dhimashada argagixisadu sababto ee caalamka si guud<br \/>\nhoos u dhacday, waxa ay hoosta ka xarriiqday in Afrika ay ka tahay 48% [dhimashadaas]<br \/>\nsanadkii 2021.<br \/>\nSoomaaliya kaligeed waxa ay ka tahay 8% dhimashadii [argagixisadu sababtay] oo dhan,<br \/>\nwaxaana la mid ah Mali iyo Niger. Kali ah waxaa ka badan Afgaanistaan (oo 20%<br \/>\ndhimashadu ka dhacday) iyo Burkiina Faaso (10%). Iyada oo ururrada ugu caansan<br \/>\nargagixisada caalamiga ahi leeyihiin bartilmaameedyo iyo xiriirro ballaaran, isla markaana ku<br \/>\nhowlgalaan tiknoolajiyad casri ah, ma jiro qof ku qanci kara qiimaynta hoos-u-dhaca ee GTI<br \/>\n[lagu xusay]. Waxaa lagu doodi karaa in aysan argagixisinimadu wiiqmin, balse ay<br \/>\nargagixisadu dib u habaynayaan howlahooda oo ay saldhiganayaan. Waa in aan sidaas oo<br \/>\nkale samaynnaa.<br \/>\nDhanka Soomaaliya, waxaan dagaal kula jirnay argagixisada ku dhawaad labaatameeyo sano,<br \/>\nqalalaasahaasina dadkeena aad ayuu u xanuujiyay. Waxaan markhaatiga koowaad ka ahay<br \/>\nsida argagixisadu u curyaamiso horumar taabbogal ah. Waxa ay hor istaagtaa koboca<br \/>\ndhaqaalaha oo abuuri kara fursado wanaagsan oo wakhti dheer leh \u2013taas oo ah farsamo<br \/>\nmuhiim ah oo lagu ciribtiri karo qaar ka mid ah sababaha asalka argagixisada. Sidoo kale<br \/>\nwaxa ay dhibaateeyeen [dalalka] dariskeenna. Dowladdayda cusub waxaa ka go\u2019an in ay<br \/>\nkeento xal nabadeed iyada oo loo marayo istiraatiijiyado amni oo kala duwan iyo<br \/>\nwadahadallo adag oo Alshabaab la la galo.<\/p>\n<p>Guulaha Dowladda Soomaaliya ay ka gaartay Alshabaab waa kuwo cadcad, balse kuwii<br \/>\ndegdegga ahaa ee aan sameeyay muddo-xileedkaygii hore waxa ay si khatar leh hoos ugu<br \/>\ndhaceen xilligii madaxweynihii iga danbeeyay. Siyaasadda madhalayska ah ee Soomaaliya<br \/>\nwaxa ay Alshabaab u sahashay in ay siyaalo kala duduwan u cabsi galiyaan, u baadaan oo u<br \/>\ndilaan shacabka Soomaaliyeed. Waxaan ka xorayn doonnaa dhammaan dhulalka ay haystaan,<br \/>\nha yaraadaan ama ha fogaadaan, si ay dadkeennu ugu noolaadaan nabad. Laakiin ururku wuu sii jiri doonaa haddii uu wali awoodo in uu isku-xirnaado oo xudduudaha ka gudbo, in uu askar ka qorto dalka iyo dibadahaba isaga oo adeegsanaya baraha bulshada, iyo in uu cabsi galiyo shacabka ku nool aaggaga uu maamulo. Wadahadal ma la galaysaan argagixisada?<\/p>\n<p>Way fududdahay in su\u2019aasha loo qaato mid falsafadeed kolka aadan ahayn dhibbane<br \/>\n[argagixiso] ama qof halis ugu jira maalin walba.<\/p>\n<p>Laakiin dhab ahaantii waa su\u2019aal xanuun badan. Taariikhdu waxa ay muujinaysaa in<br \/>\nwadahadalladu ay guulaystaan marka dhinacyadu ay diyaar u noqdaan in ay ka tanaasulaan aydhiyoolajiyadahooda gacan-ka-hadalka ah.<\/p>\n<p>Annaga oo Soomaaliya ah waxa aan taagannahay furin, sida wadammo badan oo kale Afrikaan ahi yihiin, oo ay ku jiraan kuwa gobolka Saaxil, waana in aan run isu sheegnaa ku saabsan sidii aan u keeni lahayn xasillooniiyo nabadgalyo waara.<\/p>\n<p>Dhab ahaan waa khatar in lagu dheggenaado uun aragtida ah in guul milateri ay kaligeed si<br \/>\nmucjiso ah u keeni karto nabadgalyo degdeg ah. Wadahadallo waa loo baahan yahay, sidoo<br \/>\nkale. Khibradda Soomaaliya iyo cilmibaarisyada caalamiga ahiba waxa ay si cad u<br \/>\nmuujinayaan in argagaxinimada ay dhaliyaan fakhriga, kala qoqobka bulshada,<br \/>\ncaddaaladxumada iyo maqnaanshiyaha fursadaha [ay helaan] muwaadiniinta, gaar ahaan<br \/>\ndhallinyarada.<\/p>\n<p>(Dabcan, sidoo kale waxaa jira dad wax bartay oo hodan ah oo go\u2019aansada in ay noqdaan<br \/>\nargagixiso. Usaame Bin Laadin waa tusaale caan ah). Waxaan garowsannahay in ay khasab<br \/>\ntahay in aynu durba u dhaqaaqno ajandayaasheena qaran-dhiska. Si aan u helno bulsho<br \/>\nwanaagsan waxaan u baahannahay maamul-wanaag, fursado dhaqaale, sharciga oo sarreeya iyo siyaasad loo dhan yahay.<\/p>\n<p>Siyaasadaha xunxun ee ku salaysan is-kooxaysiga aan dhammaanayn iyo qalalaasaha<br \/>\njoogtada ah, oo ay tusaale u tahay doorashooyinkii dhawaa ee Soomaaliya ee daahay, kali ah waxa ay wiiqayaan dalalka nugul sida Soomaaliya, sidoo kale waxa ay nasiino iyo<br \/>\ndhiirrigalin u yihiin argagixisada. Ugu danbaynta Soomaalida ayay u taallaa in ay aayahooda ka difaacdaan Alshabaab.<\/p>\n<p>Sidaas oo ay tahay, abaal baannu ka haynaa taageerada ay Soomaaliya siiyaan<br \/>\nsaaxiibbadeena caalamka ee qiimaha badan, ee ku aaddan ladagaallanka argagixisada<br \/>\ncaalamiga ah. Iskaashigaasi waa lamahuraan, waayo, iyada oo Alshabaab iyo Daacish dhibka ugu weyn u gaystaan shacabka hoos jooga, haddana ma qarsadaan ahdaaftooda caalamiga ah.<\/p>\n<p>Hore ayay u muujiyeen in ay isu diyaariyeen in ay falalkooda qalalaasaha ah ay gaarsiinayaan degaanno [iyo dalal] cusub.<br \/>\nTaasi waxa ay xoojinaysaa sida loogu baahan yahay in la labanlaabo dadaallada caalamiga ah<br \/>\nee iskaashiga amniga iyo kaalmooyinka horumarka ee waxgalka ah. Waxaan kale oo ka wada<br \/>\nshaqayn karnaa si aan uga hortagno argagixisinimada, in aan ganafka ku dhufanno beena haku hoos duugan. Maanta waxa loogu yeero \u201cJihaadka Caalamiga ah\u201d waa isburin casri ah.<\/p>\n<p>Macquul ma aha in tacaaliimta nabadeed iyo mabaadii\u2019da islaamka lagu caddeeyo oo ay<br \/>\nhirgaliyaan argagixiso doonaysa in ay burburiso binii\u2019aadannimada danahooda [gaarka ah]<br \/>\nawgood, iyaga oo aan Ilaahay iyo khilaafad toona matalin. \u201cJihaadka Caalamiga ah\u201d waa in<br \/>\nlagu sheegaa dhab ahaan waxa uu yahay [oo ah]: argagixisanimo caalami ah.<\/p>\n<p>Qodobkaani waa asaasi, waayo, waa waran abbaaraya wadnaha aydhiyoolajiyadda<br \/>\nargagixisada ee lunsan. Si guud, muddo dheer ka hor ayay ururrada argagixisada ahi marinhabaabiyeen oo dibindaabiyeen aragtida jihaadka iyo Islaamka. Run ahaantii, wax kale maaha ee waa danaystayaal xagjir ah.<\/p>\n<p>Waa in sidaa loogu caddeeyaa. Ka hortagga argagixisada caalamiga ah waa masuuliyad loo<br \/>\ndhan yahay ee uma taallo kali ah siyaasad-dajiyayaasha dowladda uun. Bulshada rayidka ah,<\/p>\n<p>wakaaladaha gaarka loo leeyahay iyo hoggaanka dadweynaha maxaliga ahiba waa in ay qayb<br \/>\nka yihiin marka aan ka tashanayno xalalka.<\/p>\n<p>Si aad ah ayaana loogu baahan yahay xalal. Siyaasadihii caalami ahaa ee muddada dheer<br \/>\njiitamayay ee cabburinta iyo awood-dhimidda Alshabaab iyo argagixsada kale nagu ma filna.<\/p>\n<p>Si aan dhammaanteen u nabadgalno, argagixisadaas waa in aan milateri ahaan iyo<br \/>\naydhiyoolajiyad ahaanba uga adkaannaa.<\/p>\n<p>W\/Q: Xasan Sh. Maxamuud (Madaxweynaha Soomaaliya)<br \/>\nW\/T: Madasha Hoobaan Maqaalka<br \/>\nwaxaa lagu baahiyay: economist.com<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-78721\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-300x300.jpeg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-300x300.jpeg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-150x150.jpeg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-420x420.jpeg 420w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco.jpeg 640w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"300\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-77094\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-300x256.jpeg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-300x256.jpeg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-768x654.jpeg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-696x593.jpeg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-493x420.jpeg 493w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug.jpeg 925w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"256\" \/><\/a><\/p>\n<div id=\"taboola-below-article\" class=\" trc_related_container trc_spotlight_widget tbl-feed-container tbl-feed-frame-DIVIDER render-late-effect\" data-feed-container-num=\"1\" data-feed-main-container-id=\"taboola-below-article\" data-parent-placement-name=\"below-article\" data-pub-lang=\"so\">\n<div class=\" tbl-feed-header tbl-logo-right-position\">\n<div class=\"tbl-feed-header-logo\"><\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweyaha Soomaaliya oo doonaya in lagu taageero ladagaallanka ururrada argagixisada caalamiga ah !! Waxaan dareemayaa in aan si gooni ah ugu qalmo ka-hadalka argagixisada caalamiga ah, maxaa yeelay waxaan ka badbaaday ugu yaraan saddex iskuday oo la igu khaarijin lahaa. Waxa ay ahayd muddo-xileedkaygii hore ee madaxweynenimo oo ka soo bilowday September 2012 illaa Febraury [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":81645,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-81661","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/81661","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=81661"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/81661\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":81690,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/81661\/revisions\/81690"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/81645"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=81661"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=81661"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=81661"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}