{"id":80451,"date":"2022-05-27T20:01:51","date_gmt":"2022-05-27T17:01:51","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=80451"},"modified":"2022-05-27T20:07:12","modified_gmt":"2022-05-27T17:07:12","slug":"m-weynihii-hore-ee-dalka-mareykanka-iyo-caruur-uu-dhaley-oo-maxkamadi-amartey-in-ay-hor-yimaadaan-xeer-ilaalinta-kana-jaaabaan-suaalo-la-weydiin-doono","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2022\/05\/m-weynihii-hore-ee-dalka-mareykanka-iyo-caruur-uu-dhaley-oo-maxkamadi-amartey-in-ay-hor-yimaadaan-xeer-ilaalinta-kana-jaaabaan-suaalo-la-weydiin-doono\/","title":{"rendered":"M\/weynihii Hore ee Dalka Mareykanka iyo Caruur uu Dhaley oo Maxkamadi Amartey in ay Hor Yimaadaan Xeer Ilaalinta Kana Jaaabaan Su&#8217;aalo La Weydiin Doono."},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump waa in isaga oo dhaaranaya ka jawaabaa su\u2019aalaha xeer-ilaaliyaha guud ee New York oo baaritaan ku haysa hab dhaqankiisa ganacsi, waxaa sidaas Khamiistii xukuntay maxkamadda racfaanka New York.<\/p>\n<p>Guddi garsooreyaal ah oo ka kooban afar, ayaa ayiday go\u2019aan ay bishii Febraayo ridday maxkamad hoose oo dhaqan-gelinaya amar loogu yeeray Trump iyo wilka iyo gabadha ugu weyn ilmihiisa, Donald Trump Jr. iyo Ivanka Trump, si ay u bixiyaan caddeymo ku aadan baaritaanka ay waddo xeer-ilaaliyo Letitia James.<\/p>\n<p>\u201cMar kale, waxay maxkamadaha xukumeen in Donald Trump uu u hoggaansamo baaritaankeena sharciga ah ee ku aadan heshiisyadiisa maaliyadeed,\u201d ayey James ku tiri war-saxaafadeed ay soo saartay.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan sii wadi doonnaa inaan daba-galno xaqiiqooyinka kiiska si aan u xaqiijino in qofne aanu ka dhuuman karin sharciga.\u201d<\/p>\n<p>Alan Futerfas oo ah qareenka Trump ayaan ka jawaabin codsi falcelin oo loo diray.<\/p>\n<p>Bishii Janaayo, James ayaa sheegtay in baaritaan socday ku dhowaad saddex sano oo ka dhan ah shirkadda Trump Organization uu shaaca ka qaaday caddeymo la taaban karo oo muujinaya suurta-galnimada khiyaanooyin.<\/p>\n<p>Waxa ay qeexday wax ay ugu yeertay xisaab xiro marin-haabin ah oo ku saabsan qiimaha ganacsiga Trump iyo lix hanti dhul ah, ayada oo sheegtay in shirkadda laga yaabo inay sare u qaaday qiimahooda si ay deyn uga hesho banki, kadibna yareysay si ay hoos ugu dhigto canshuurta.<\/p>\n<p>Trump ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray horaantii sanadkan waxa uu eedeymahan ugu yeeray been abuur, isaga oo ku eedeeyey James inay leedahay ajende siyaasadeed oo ay ku beegsaneyso isaga iyo qoyskiisa.<\/p>\n<p>Trump iyo caruurtiisa ayaa sheegay in marag fur ay sameeyaan ay xadgudub ku tahay xuquuqdooda dastuuriga ah, sababtoo ah hadalladooda waxaa loo adeegsan karaa kiis dambiyeed kan la xiriira oo uu wado xeer-ilaaliyaha degmada Manhattan Alvin Bragg, oo James ay ku biirtay bishii May 2021.<\/p>\n<p>Trump oo ka tirsan xasbiga Jamhuuriga ayaa sidoo kale ku eedeeyey James inay dacwad kusoo oogtay sababtoo ah waa inuu yahay cadow siyaasadeed. James iyo Bragg ayaa ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga.<\/p>\n<p>Maxkamadda racfaanka ayaa diiday dooddaas, waxayna sheegtay in James \u201cay dib u eegtay caddeymo la taaban karo oo badan,\u201d ka hor inta aanay soo saarin amarka hor-imaansho.<\/p>\n<p>Xigasho-Voa.<\/p>\n<div align=\"justify\">\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-78721\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-300x300.jpeg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-300x300.jpeg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-150x150.jpeg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-420x420.jpeg 420w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco.jpeg 640w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"300\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-77094\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-300x256.jpeg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-300x256.jpeg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-768x654.jpeg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-696x593.jpeg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-493x420.jpeg 493w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug.jpeg 925w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"256\" \/><\/a><\/p>\n<\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump waa in isaga oo dhaaranaya ka jawaabaa su\u2019aalaha xeer-ilaaliyaha guud ee New York oo baaritaan ku haysa hab dhaqankiisa ganacsi, waxaa sidaas Khamiistii xukuntay maxkamadda racfaanka New York. Guddi garsooreyaal ah oo ka kooban afar, ayaa ayiday go\u2019aan ay bishii Febraayo ridday maxkamad hoose oo dhaqan-gelinaya amar loogu yeeray [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":80452,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-80451","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/80451","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=80451"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/80451\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":80456,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/80451\/revisions\/80456"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/80452"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=80451"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=80451"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=80451"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}