{"id":80236,"date":"2022-05-17T21:42:01","date_gmt":"2022-05-17T18:42:01","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=80236"},"modified":"2022-05-17T23:34:59","modified_gmt":"2022-05-17T20:34:59","slug":"guul-daradii-deni-iyo-kheyre-oo-faalo-dheer-laga-qorey-sababta-ka-danbeysay-ee-akhriso-si-aad-wax-uga-ogaato","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2022\/05\/guul-daradii-deni-iyo-kheyre-oo-faalo-dheer-laga-qorey-sababta-ka-danbeysay-ee-akhriso-si-aad-wax-uga-ogaato\/","title":{"rendered":"Guul daradii Deni iyo Kheyre oo Faalo Dheer Laga Qorey Sababta ka Danbeysay ee Akhriso Si aad wax uga ogaato."},"content":{"rendered":"<p id=\"geom_inter_1652810614992_1_13\">Madaxweynaha Puntland\u00a0 Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo isu taagey tartanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedeaalka ayaa guul-darro kala kulmey kadib markii uu ku harey wareega labaad, isaga oo hoggaamiyey wareegii u horeyey ee doorashada,\u00a0 su\u2019aasha dad badan is weydiinayaan ayaa ah maxaa sababey guul-darrada Siciid Deni? Sidee ku dhacdey isaga oo hoggaamiyey wareegii kowaad in uu ku haro kan labaad?.<\/p>\n<p id=\"geom_inter_1652810621394_64_17\">Siciid Cabdullaahi Deni ayaa damaca Madaxweynaha Soomaaliya galey wax yar kadib doorashadii Puntland 2019, waxaana si weyn loo dareemay in uu yahay Musharax dhab ah sanadkii 2020, haddaba si uu u gaaro hadafkiisa waxa uu\u00a0 samaystey Istraatiijiyad isaga u gaar ah iyo farsamooyin,<\/p>\n<ul>\n<li id=\"geom_inter_1652811417164_14_38\">Wuxuu saameyn weyn ku yeeshay shirarkii doorashooyinka,<\/li>\n<li id=\"geom_inter_1652810850125_65_18\">Wuxuu dagaal adag la galay Villa Somalia,<\/li>\n<li id=\"geom_inter_1652811417166_11_39\">Wuxuu soo diyaariyey dhabbaha loo maraayo doorashada,<\/li>\n<li id=\"geom_inter_1652810850128_79_19\">Waxa uu ku guuleystey in ugu yaraan uu helo hal Dowlad goboleed (Jubaland) oo isaga u shaqeysa.<\/li>\n<li id=\"geom_inter_1652810850130_52_20\">Wuxuu urursadey dhaqaale ku filan oo lagu qiyaaso 20 milyan oo dollar.<\/li>\n<\/ul>\n<p id=\"geom_inter_1652810850133_55_22\">Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni doorashada waxa uu la yimid ku dhawaad 100 Xildhibaan oo ka kala yimid laba Dowlad goboleed oo inta badan gacantiisa ku soo qortey, taas oo u noqotey saldhig iyo gundhigga doorashadiisa, haddaba xagee wax iska beddeleen?<\/p>\n<h4 id=\"geom_inter_1652810921303_73_23\">SAAXIIBADII IS DOOXAY<\/h4>\n<p>Saaxiibada ugu dhawaa Madaxweyne Deni, ee ay hoggaaminayeen Xil. Cali Xoosh iyo Faroolayaal ayaa la dhihi karaa dhabarka ayey ka toogteen, waxay ahaayeen kuwo si weyn u haya xogtiisa, mid dhaqaale iyo mid istraatiijiyadba, waxay doonayeen in ay dhistaan Xassan Cali Kheyre si ay u helaan Raysalwasaare, qorshaha Raysalwasaaraha ayaa soo bilowdey sanadkii hore, waxaana ay ku guulesyteen in Xildhibaano gaaraya 13 ay u codeeyaan Xassan Cali Kheyre.<\/p>\n<p id=\"geom_inter_1652810921312_17_24\">Saaxiibadda ka shaqeeyey guul-darrada Siciid Deni ayaa qorshohooda ugu weyn ahaa in ay muujiyaan awoodda ay ku leeyihiin Soomaaliya, sida in ay horey Puntland ugu guulsyteen in ay dhisaan Siciid Deni, haddana ay ku guuleystaan Soomaaliya in ay dhisaan Xassan Cali Kheyre si ay u helaan Raysalwasaaraha, taas oo u fududeyneysa in ay Puntland maamulaan 10-ka sano ee soo socota, damacaas waalan waa midka keenay in ay dhabarka ka toogtaan Siciid Cabdullaahi Deni oo ay dhex-galaan Xildhibaanadii uu soo xushay oo la aaminsan yahay in 13 kamid ah ay u codeeyeen Xassan Cali Kheyre, halka qaar kale oo badan ay u kale codeeyeen Xassan Sheekh Maxamuud.<\/p>\n<p id=\"geom_inter_1652811040374_98_25\">Sida xogo lagu kalsoon yahay sheegayaan waxaa Madaxweyne Deni\u00a0 qayb ka ahaa guul-daradiisa Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo isbeddel ku yimid,\u00a0 qaybna ka noqdey baadi-goobka Raysalwasaaraha, tiro aad u yar ayaa Xildhibaanada Jubaland u codeysey Siciid Deni.<\/p>\n<h4 id=\"geom_inter_1652811040377_31_26\">MAQNAANSHAHA XULAFO SIYAASADEED<\/h4>\n<p id=\"geom_inter_1652811040379_72_27\">Wareegii hore ee doorashada waxaa si weyn ugu codeeyey Siciid Deni Xildhibaano badan oo uu dhaqaale siiyey, oo ka kala yimid qaybaha kala duwan ee Soomaaliya kuwaas oo aaminsanaa in tirada ugu badan isagu helaayo oo uu yahay madaxweynaha cusub, waxaase muuqdey in aanu garab iyo gaashaan ka haysan mucaaradkii ay mudada dheer soo wada shaqeeyeen oo\u00a0 iyagu isugu shubey, waxaana taasi keentey in uu ku haro wareega labaad kadib markii saddex cod oo keliya ay u kordheen.<\/p>\n<h4 id=\"geom_inter_1652811114971_97_28\">DAGAALKII DOORASHADA USOO GALAY.<\/h4>\n<p id=\"geom_inter_1652811114974_27_29\">Siciid Cabdullaahi Deni oo ay indhihiisu hayeen keliya kursiga Villa Somalia waxa uu doorashada u soo galey dagaal siyaasadeed iyo mid hubeysan,\u00a0 waxay doorashada isku seegeen Isimada dhaqanka Puntland kuwoodi ugu miisaanka weyn, siyaasiyiin, waxgaradka iyo labeentii reer Puntland, saaxiibo isaga muddo bersadiisa fadhiyey iyo dad kale oo badan, kuwaas oo uga daba tegay Muqdisho, Siciid Deni waxaa loo arkey in uu yahay nin aan cusbeyn, waxaana luquntiisa surnaa malaf aad u weyn oo saddexdii sano ee Puntland maamulaayey ah.<\/p>\n<h4 id=\"geom_inter_1652811114992_77_30\">CIYAARTA NABAD &amp; NOLOL<\/h4>\n<p id=\"geom_inter_1652811114995_23_31\">Istraatiijiyadda Nabad iyo Nolol ay doorashada ku soo galeen ayey diiradda ku saareen laba musharax oo keliya, in wareega kowaad lagu reebo Shariif Sheekh Axmed oo ay aaminsanaayeen in uu\u00a0 khatar ku yahay iyo in lala dego Siciid Cabdullaahi Deni oo ay dhici karto in Madaxweyne Farmaajo ay isku meel ka kaluumeysanayaan oo ay isku saldhig yihiin, taasna waa hirgashey. In Madaxweyne Farmaajo la yimaado geesinimo uu ku sii socon karo, wareega labaad isaga oo laga horeeyey wareega kowaad, isla markaana natiijo fiican ka keenay wareega labaad, ayaa keentey in ay albaabada ka xirto Deni iyo Kheyre, waxaana la dhihi karaa tanaasul la\u2019aanta Farmaajo waxay ahayd guul-darrooyinkii Siciid Deni.<\/p>\n<h4 id=\"geom_inter_1652811256243_4_32\">HAWIYISIM<\/h4>\n<p id=\"geom_inter_1652811256245_88_33\">Siyaasaddii isku sidkaneyd ee Puntland iyo Jubaland ayaa keentey in mid la mid ah loo isticmaalo hoolka doorashada, iyada oo horey loogu guuelsytey in shaki la kala dhex dhigo, Pun-Jub taas oo bilaamatey doorashadii shir guddoonka\u00a0 labada Aqal, markii Deni ku guuleysan waayey in uu xakeemeeyo Xildhibaanadii uu soo xushay, dhanka kale qaar kamid ah Musharixiinta beelaha Haweiye ayaa ka xumaa in Axmed Madoobe\u00a0 uu shaqo ka dhigto dhisitaanka Siciid Deni oo kaliya iyaga oo sheeganaya in ay abaal kuwada lahaayeen, taasna loo arkey siyaasad qabiileysan, waana midda keentey in hoolka doorashada laga arko wareega labaad in lagu dhiso Xassan Sheekh Maxamuud oo aan loo kala harin.<\/p>\n<h4 id=\"geom_inter_1652811256253_8_34\">GEBAGEBO<\/h4>\n<p id=\"geom_inter_1652811256256_66_35\">Ma jirin fursad ka wanaagsan oo soo martey Siciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha Puntland uu ku noqon karey madaxweynaha Soomaaliya, waxa uu haystey dhamaan fursadaha suurta gelin kara in uu guuleysto, laakiin hab-dhaqankiisi ahayd in aanu waxba xeerin, Puntland dagaal kala soo tago waxay dhaxalsiisey guul-darro aad u weyn oo dhankasta ah,\u00a0 waxaana fursaddii ka faa\u2019ideystey Mucaaradkii kale ee aysan jirin shaqo badan oo ay geliyeen Xildhibaanada, haddaba\u00a0 doorashadii waa dhamaatey, waxaase yaala dhaxalkeedi, waxaana la is weydiin sida Siciid Deni u dhaqmo doorashada kadib (Aftermath).<\/p>\n<div align=\"justify\">\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-78721\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-300x300.jpeg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-300x300.jpeg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-150x150.jpeg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-420x420.jpeg 420w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco.jpeg 640w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"300\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-77094\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-300x256.jpeg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-300x256.jpeg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-768x654.jpeg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-696x593.jpeg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-493x420.jpeg 493w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug.jpeg 925w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"256\" \/><\/a><\/p>\n<\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Puntland\u00a0 Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo isu taagey tartanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedeaalka ayaa guul-darro kala kulmey kadib markii uu ku harey wareega labaad, isaga oo hoggaamiyey wareegii u horeyey ee doorashada,\u00a0 su\u2019aasha dad badan is weydiinayaan ayaa ah maxaa sababey guul-darrada Siciid Deni? Sidee ku dhacdey isaga oo hoggaamiyey wareegii kowaad in uu ku [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":80237,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-80236","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/80236","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=80236"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/80236\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":80258,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/80236\/revisions\/80258"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/80237"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=80236"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=80236"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=80236"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}