{"id":80140,"date":"2022-05-06T22:12:26","date_gmt":"2022-05-06T19:12:26","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=80140"},"modified":"2022-05-07T01:56:41","modified_gmt":"2022-05-06T22:56:41","slug":"c-qaadir-jaahweyn-wasiirkii-hore-ee-warfaafinta-oo-shaaciyey-murashaxnimadiisa-xilka-m-weynaha-jamhuuriyadda-fs","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2022\/05\/c-qaadir-jaahweyn-wasiirkii-hore-ee-warfaafinta-oo-shaaciyey-murashaxnimadiisa-xilka-m-weynaha-jamhuuriyadda-fs\/","title":{"rendered":"C\/qaadir Jaahweyn Wasiirkii Hore ee Warfaafinta oo Shaaciyey Murashaxnimadiisa Xilka M\/weynaha Jamhuuriyadda FS."},"content":{"rendered":"<p style=\"font-weight: 400;\">Wasiirkii hore ee Warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdukhaadir Xussen Maxamed Jaahweyn, ayaa xalay magaalada Muqdishu ku shaaciyay in uu yahay musharrax u taagan xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.<\/p>\n<p style=\"font-weight: 400;\">Musharraxa ayaa saddex arrimood kusoo koobay sababta uu isugu soo taagay xilka madaxtinimada dalka Soomaaliya, waxaana uu ugu horreysiiyay marxaladda sii xumaaneysa ee dalka uu ku sugan yahay, walaaca siyaasadeed ee joogtada ah iyo ballan fur uu sheegay in si joogta ah ay u sameeyaan hoggaamiyayaasha siyaasadda dalka.<\/p>\n<p style=\"font-weight: 400;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Mudane Cabdukhaadir Jaahweyn, ayaa hoosta ka xariiqay in arrimahaasi ay caddeyn u yihiin in Soomaaliya ay wajaheyso halis weyn oo ka duwan kuwii horay usoo maray.<\/span><\/p>\n<p style=\"font-weight: 400;\">\u201cHaddaba, anigoo kaashanaya waaya-aragnimadeyda shaqo, gudanaya waajibaadka iga saaran samatabixinta dalkeyga, isla markaana garabsanaya waxgaradka Soomaaliyeed ayaan go\u2019aansaday in aan u istaago in dalka laga badbaadiyo jahawareerka siyaasadeed, lana xaqiijiyo in ummadda Soomaaliyeed hesho Hogaan u qalma, firfircoon, kartina u leh hanashada dalka\u201d, ayuu yiri musharraxa.<\/p>\n<p style=\"font-weight: 400;\">Wax-qabadka ugu horeeya ee uu siin doono mudnaanta ayuu ku sheegay sugidda aminga iyo xasilinta dalka, xoojinta cadaaladda &amp; madax-banaanida garsoorka, horumarinta dhaqaalaha &amp; wax soo saarka, baahinta maamullada &amp; dawlad wanaagga, geedi-socodka siyaasadda iyo dib-u-heshiisiinta, kobcinta &amp; daryeelka dhalinyarada iyo xoojinta xiriirka caalamka.<\/p>\n<p>Murashax C\/qaadir Jaahweyn ayaa U muuqda Nin waxbadan Dadka u Sheegi kara Maadaama uu Wasiir Soo Noqdey Dalkana usoo Shaqeeyey Lagu yaqaan Furfurnaan iyo dabci Leh, Karti iyo Aqoon uu Dalka ugu Faa&#8217;iideyn karo Lagu tuhmayo, kuna Xiran Qeybo Badan oo bulshada kamid ah Sida Ganacsatada,dhalinyarada,Bulshada Rayidka iyo Axzaabta Siyaasadda,Sidoo kalena uu kasoo jeedo Gobolka banaadir aan Laheyn Dhaliil iyo Denbi uu ku Calaameysanyahey Mid Qaran iyo Mid Shaqsiba.<\/p>\n<p style=\"font-weight: 400;\">Guddiga isku-dhafka ee soo diyaarinta doorashada madaxweynaha dalka ayaa shalay shaaciyay in 15-ka bishan ay magaalada Muqdishu ka dhici doonto doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, taas oo soo afjari doonta hubanti la\u2019aantii doorashooyinka muddo dhaafka ee dalka Soomaaliya.<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-78721\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-300x300.jpeg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-300x300.jpeg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-150x150.jpeg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-420x420.jpeg 420w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco.jpeg 640w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"300\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-77094\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-300x256.jpeg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-300x256.jpeg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-768x654.jpeg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-696x593.jpeg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-493x420.jpeg 493w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug.jpeg 925w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"256\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wasiirkii hore ee Warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdukhaadir Xussen Maxamed Jaahweyn, ayaa xalay magaalada Muqdishu ku shaaciyay in uu yahay musharrax u taagan xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Musharraxa ayaa saddex arrimood kusoo koobay sababta uu isugu soo taagay xilka madaxtinimada dalka Soomaaliya, waxaana uu ugu horreysiiyay marxaladda sii xumaaneysa ee dalka uu ku [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":80141,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-80140","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/80140","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=80140"}],"version-history":[{"count":5,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/80140\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":80154,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/80140\/revisions\/80154"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/80141"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=80140"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=80140"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=80140"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}