{"id":80081,"date":"2022-05-05T00:39:27","date_gmt":"2022-05-04T21:39:27","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=80081"},"modified":"2022-05-05T02:16:09","modified_gmt":"2022-05-04T23:16:09","slug":"soomaaliya-iyo-midawga-africa-oo-si-wada-jir-ah-u-cambaareeyey-weerarkii-ceel-baraf-ee-al-shabaab-sheegteen","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2022\/05\/soomaaliya-iyo-midawga-africa-oo-si-wada-jir-ah-u-cambaareeyey-weerarkii-ceel-baraf-ee-al-shabaab-sheegteen\/","title":{"rendered":"Soomaaliya iyo Midawga Africa oo Si Wada Jir ah U Cambaareeyey Weerarkii Ceel baraf ee Al-shabaab Sheegteen."},"content":{"rendered":"<div align=\"justify\">\n<p>\u00a0Dowladda Soomaaliya ayaa war saxafadeed ay soo saartay waxay ku cambaareysay weerarkii Al-shabaab ay Shalay ku qaadeen Sadhiga ciidamada Burundi ay ku leeyihiin deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Sh\/dhexe, kaasoo geystay khasaare badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray askar ka tirsan ciidanka Burundi.<\/p>\n<div class=\"inline-ad\">\n<div>Qoraalka kasoo baxay wasaaradda arrimaha Dibadda dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay si weyn ugu xun tahay weerarkii shalay ka dhacay Ceelbaraf, islamarkaana ay uga tacsiyadeyneyso shacabka iyo dowladda Burundi waxyeeladii kasoo gaartay ciidankooda weerarka cuslaa ee Shalay subaxnimadii hore ka dhacay Saldhiga deegaan Ceelbaraf.<\/div>\n<div><\/div>\n<\/div>\n<p>Warsaxafadeedka kasoo baxay wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale waxay beesha Caalamka kaga dalbatay inay kordhiyaan taageerada ay siiyaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.<\/p>\n<\/div>\n<div align=\"justify\">\n<p>Dhanka kale guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa dhankiisa war uu soo saaray waxa uu ku cambaareeyay weerarkii Al-shabaab ku qaadeen Saldhiga ciidanka Burundi ee deegaanka Ceelbaraf oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Sh\/dhexe.Guddoomiye Moussa Faki ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu si adag u cambaareynayo weerarka ka dhacay Ceelbaraf oo uu tilmaamay ineysan marnaba hoos u dhigi doonin dagaalka ciidamada ATMIS ay kula jiraan Al-shabaab.<\/p>\n<p>Cambaareynta dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika ee weerarkii Ceelbaraf ayaa imaaneysa xili Al-shabaab ay si rasmi ah u sheegatay iney saacado badan gacanta ku hayeen Saldhigii Ciidanka Burundi ee deegaanka Ceelbaraf, islamarkaana ay ku dileen 173 askari oo ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS, gaar ahaan kuwa dalka Burundi.<\/p>\n<p>Weerarkii Shalay Al-shabaab ku qaadeen deegaanka Ceelbaraf oo ay sheegteen iney ku dileen 173 askari oo Burundeys ah ayaa noqonaya weerarkii labaad ee ugu khasaaraha badnaa ee soo gaara ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ku sugan, waxaana weerarkii koowaad uu ahaa kii ka dhacay deegaanka Ceelcadde sanadkii 2016-kii oo ay Al-shabaab ku dileen 190 askari oo ka tirsana ciidamada dowladda Kenya, islamarkaana ay nolosha ku qabteen 11 askari oo Kenyaan ahaa.<\/p>\n<\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\">\n<div align=\"justify\"><img decoding=\"async\" id=\"imageuploader1_Image1\" src=\"https:\/\/www.hiiraan.com\/2022\/images\/May\/202254637872305612430598.jpg\" \/><\/div>\n<\/div>\n<div align=\"justify\"><img decoding=\"async\" id=\"imageuploader1_Image1\" src=\"https:\/\/www.hiiraan.com\/2022\/images\/May\/202254637872306476471319.jpg\" \/><\/div>\n<div align=\"justify\"><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-78721\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-300x300.jpeg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-300x300.jpeg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-150x150.jpeg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-420x420.jpeg 420w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco.jpeg 640w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"300\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-77094\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-300x256.jpeg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-300x256.jpeg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-768x654.jpeg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-696x593.jpeg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-493x420.jpeg 493w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug.jpeg 925w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"256\" \/><\/a><\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>\u00a0Dowladda Soomaaliya ayaa war saxafadeed ay soo saartay waxay ku cambaareysay weerarkii Al-shabaab ay Shalay ku qaadeen Sadhiga ciidamada Burundi ay ku leeyihiin deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Sh\/dhexe, kaasoo geystay khasaare badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray askar ka tirsan ciidanka Burundi. Qoraalka kasoo baxay wasaaradda arrimaha Dibadda dowladda Soomaaliya ayaa lagu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":80082,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-80081","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/80081","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=80081"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/80081\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":80102,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/80081\/revisions\/80102"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/80082"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=80081"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=80081"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=80081"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}