{"id":79783,"date":"2022-04-23T00:12:18","date_gmt":"2022-04-22T21:12:18","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=79783"},"modified":"2022-04-23T00:15:40","modified_gmt":"2022-04-22T21:15:40","slug":"khasaaraha-ka-dhacey-weerarkii-caawa-ka-dhacey-hotel-ku-yaal-liido-oo-boolisku-ka-hadleen","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2022\/04\/khasaaraha-ka-dhacey-weerarkii-caawa-ka-dhacey-hotel-ku-yaal-liido-oo-boolisku-ka-hadleen\/","title":{"rendered":"Khasaaraha ka Dhacey Weerarkii Caawa Ka Dhacey Hotel ku Yaal LIIDO oo Boolisku Ka Hadleen."},"content":{"rendered":"<p>Waxaa caawa qarax ismiidaamin ah uu fuliyay ruux Qarax isku soo xiray lagu weeraray hotel cusub oo kuyaala xeebta Liido oo lagu magacaabo Pescatore sea Food , waxaana qaraxan\u00a0 ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.<\/p>\n<p>Hotelka qaraxa lagu weeraray ayaa la sheegay in ay ku sugnaayeen Xildhibaano katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka gaar ahaan kuwa kasoo jeeda gobolka Sool iyo sidoo kale saraakiil uu ku jiro taliyaha ciidanka booliiska Jeneraal Xijaar.<\/p>\n<p>Afhayeenka ciidanka booliiska oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu fuliyay qaraxii ka dhacay xeebta Liido, waxa uuna afhayeenka xusay in uusan jirin iska hor imaad hubeesan oo qaraxa kadib dhacay.<\/p>\n<p>Waxa uu sheegay afhayeenka in qaraxa ku dhinteen saddex qof ay ku jiraan askar sidoo kale ku dhaawacmeen dad gaaraya sideed qof oo ay ku jiraan shacab ka agdhawaa goobta qaraxa ismiidaaminta uu ka dhacay.<\/p>\n<p>Afhayeenka ayaa cadeeyay in aysan jirin wax khasaaro ah oo qaraxa kasoo gaaray masuuliyiintii ku sugnaa hotelka, waxa uuna xusay in ciidamada ammaanka ay badbaadiyeen shacabkii iyo dadkii kale ee halkaasi ku sugnaa.<\/p>\n<p>Dadka qaraxa ku dhintay waxaa ku jira sargaal xogheyn u ahaa taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliya Jeneraal Xijaar, waxaa sidoo kale wararku sheegayaan in qaraxa ku dhaawacmeen saraakiil uu ku jiro taliyaha saldhiga booliiska degmada Cabdicasiis.<\/p>\n<p>Qaraxan ayaa dhacay caawa xilli ammaanka magaalada Muqdisho oo maalmaha soo socda doorashooyin ka dhacayaan uu sii xumaanayo, waxaana isbuucan kaliya magaalada lagu dilay dad isugu jira shacab iyo dad dowladda u shaqeenayay.<\/p>\n<div align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-78721\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-300x300.jpeg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"300\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-300x300.jpeg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-150x150.jpeg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-420x420.jpeg 420w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco.jpeg 640w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-77094\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-300x256.jpeg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-300x256.jpeg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-768x654.jpeg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-696x593.jpeg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-493x420.jpeg 493w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug.jpeg 925w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"256\" \/><\/a><\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Waxaa caawa qarax ismiidaamin ah uu fuliyay ruux Qarax isku soo xiray lagu weeraray hotel cusub oo kuyaala xeebta Liido oo lagu magacaabo Pescatore sea Food , waxaana qaraxan\u00a0 ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Hotelka qaraxa lagu weeraray ayaa la sheegay in ay ku sugnaayeen Xildhibaano katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":79784,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-79783","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/79783","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=79783"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/79783\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":79787,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/79783\/revisions\/79787"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/79784"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=79783"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=79783"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=79783"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}