{"id":79501,"date":"2022-04-14T01:13:28","date_gmt":"2022-04-13T22:13:28","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=79501"},"modified":"2022-04-14T02:32:07","modified_gmt":"2022-04-13T23:32:07","slug":"r-wasaaraha-dalka-uk-bores-johnson-iyo-wasiirkiisa-maaliyadda-oo-markii-ugu-horeysay-abid-boolisku-ganaaxeen","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2022\/04\/r-wasaaraha-dalka-uk-bores-johnson-iyo-wasiirkiisa-maaliyadda-oo-markii-ugu-horeysay-abid-boolisku-ganaaxeen\/","title":{"rendered":"R\/wasaaraha Dalka UK Bores Johnson iyo Wasiirkiisa Maaliyadda oo Markii Ugu Horeysay Abid Boolisku Ganaaxeen."},"content":{"rendered":"<p align=\"justify\">Booliiska Ingriiska ee Metropolitan Police ayaa ganaaxay raysalwasaaraha UK Boris Johnson iyo wasiirkiisa maaliyadda Rishi Sunak kadib markii ay jabiyeen shuruucdii xanibaada ay isla dowladdiisa soo rogtay xanuunka COVID-19 awgiis. Xafladaha lagu eedeeyay inay ka qeybgaleen raysalwasaaraha iyo Wasiirkiisa maaliyadda ayaa la qabtay xilligii ay jirtay xayiraada COVID-19 kuwaas oo la sheegay inay ka dhaceen xarumaha looga arrimiyo dowladda UK ee loo yaqaano Number 10 Downing Street iyo Whitehall sannadihii 2020-kii iyo 2021.<\/p>\n<p>Intii ay jirtay xanibaada COVID-19, muwadiniinteeda UK looma ogoleyn inay ka baxaan guryahooda ama iney isbooqdaan, marka kale laga reebo iney soo dukaameysan karaan. Dad badan oo xanuunka COVID-19 isbitaal u galay ayaan loo ogolaanin inay eheladooda soo boqdaan, marka laga reebo inay isku arki kareen qaab fogaan arag ah.<\/p>\n<p align=\"justify\">Sida ay qortay warbaahinta UK, Boris Johnson ayaa noqonaya rasulwasaarihii ugu horeeyay UK oo isagoo wali xilka haya lagu helo xadgudub dhanka sharciga ah isla markaasna la ganaaxo. Ma jiro hogaamiye ka soo taliyey wadanka Ingiriiska oo taariikhda lagu helay inay jabiyeen isla sharcigii ay sameyeen.<\/p>\n<p align=\"justify\">Boris Johnson ayaa qirtay in uu &#8220;ku dhacay&#8221; fullinta shuruucdii uu isaga iyo dowladiisu ay ku amreen muwaadiniinta UK inay u hogaansamaan, isagoo caddeeyay inuu aqbalay go\u2019aanka booliiska ay ku ganaxeen isaga iyo tiro kale oo ka tirsan dowladiisa.<\/p>\n<p align=\"justify\">Raysalwasaaraha UK ayaa marar badan iska diiday inuu ka qeybgalay wax xafladdo ah xilligii ay ay jireen xayiraadda COVID-19. Waxaa suurtagal ah in ganaaxyo kale ay booliiska ku soo rogaan, madaama ay jiraan xafladdo kale oo ay suurtagal tahay inuu raysalwasaaruhu ka qeybgalay xilligii ay sharci darro ahayd in la qabto isku imaatin nuucaas oo kale ah ayay yiraahdeen siyasiinta UK oo dhacdadan ka hadlay. Dadka la ganaaxay waxaa sidoo kale ka mid ah xaaska raysalwasaraaha Ingiriiska Carrie Johnson.<\/p>\n<p align=\"justify\">Xisbiyada mucaaradka ayaa isla markiiba dareenkooda ka muujiyey ganaaxa ay booliiska UK ku rideen raysalwasaare Boris Johnson, iyagoo ku cambareeyay inuu marin habaabiyey shacabka oo uu ku soo rogay shuruuc aanay dowladiisa iyo isaguba ku dhaqmin.<\/p>\n<p align=\"justify\">Urur ay ku mideysanyihiin ehelada dadkii u geeriyooday cudurka COVID-19 ayaa sheegay in aysan jirin sabab uu raysalwasaaraha ama wasiirkiisa maaliyada ay shaqadooda ugu sii wadan karaan iyagoo ku tilmaamay ficilladooda &#8220;kuwo aan xishood lahayn&#8221;.<\/p>\n<p align=\"justify\">Xubnaha Barlamaanka UK oo hadda fasax ku maqan ayay xisbiyada mucaaradku ku baaqeen in si degdeg ah fasaxa uga soo noqdaan si ayay yiraahdeen xildhibaanadu su\u2019aalo u weydiiyaan raysalwasaare Boris Johnson, iyagoo ugu baaqeen inuu si degdeg ah isku casilo.<\/p>\n<p align=\"justify\">Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Shaqaalaha, Keir Starmer ayaa sidoo kale si adag ugu soo jeediyay xubnaha la ganaaxay ee raysalwasaaraha iyo wasiirka maaliyadu ka midyihiin inay xilka baneyaan.<\/p>\n<p align=\"justify\">Ma cada in ganaaxa la duldhigay raysalwasaaraha UK iyo qaar ka mid ah golihiisa wasiirada, gaar ahaan wasiirkiisa maaliyadda ay horseedi doonto inay iscasilaan iyo in kale, balse waxaa muuqata culeyska uu ganaaxa booliiska durbadiiba saaray mustaqbalkooda siyaasadeed.<\/p>\n<div align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-78721\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-300x300.jpeg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"300\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-300x300.jpeg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-150x150.jpeg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-420x420.jpeg 420w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco.jpeg 640w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-77094\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-300x256.jpeg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-300x256.jpeg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-768x654.jpeg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-696x593.jpeg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-493x420.jpeg 493w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug.jpeg 925w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"256\" \/><\/a><\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Booliiska Ingriiska ee Metropolitan Police ayaa ganaaxay raysalwasaaraha UK Boris Johnson iyo wasiirkiisa maaliyadda Rishi Sunak kadib markii ay jabiyeen shuruucdii xanibaada ay isla dowladdiisa soo rogtay xanuunka COVID-19 awgiis. Xafladaha lagu eedeeyay inay ka qeybgaleen raysalwasaaraha iyo Wasiirkiisa maaliyadda ayaa la qabtay xilligii ay jirtay xayiraada COVID-19 kuwaas oo la sheegay inay ka dhaceen [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":79502,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-79501","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/79501","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=79501"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/79501\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":79531,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/79501\/revisions\/79531"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/79502"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=79501"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=79501"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=79501"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}