{"id":79133,"date":"2022-04-01T00:10:14","date_gmt":"2022-03-31T21:10:14","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=79133"},"modified":"2022-04-01T00:55:17","modified_gmt":"2022-03-31T21:55:17","slug":"wax-loogu-yeeray-xarunta-ciidanka-booliska-ilaalada-xeebaha-oo-xarigga-laga-jarey-iyo-waxa-looga-jeedo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2022\/04\/wax-loogu-yeeray-xarunta-ciidanka-booliska-ilaalada-xeebaha-oo-xarigga-laga-jarey-iyo-waxa-looga-jeedo\/","title":{"rendered":"Wax Loogu Yeeray Xarunta Ciidanka Booliska Ilaalada Xeebaha oo Xarigga Laga Jarey iyo Waxa Looga Jeedo."},"content":{"rendered":"<p>Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa xarigga ka jaray xarun cusub oo loo dhisay Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Booliska Soomaaliyeed, taasoo laga hirgeliyey gudaha Dekedda magaalada Muqdisho.<\/p>\n<p>Arinkan ayaa waxaa Loo Arkaa in uu Yahey Mid Hoos u Dhigeysa kor u Qaadida Ciidamada Badda oo iyagu u Xilsaaran Ilaalinta Badda iyo Xeebaha Soomaaliya.<\/p>\n<p>Xaruntan cusub ayaa ah mid muhiim u ah Ciidanka Booliska iyo ilaalinta amniga xeebaha Soomaaliya, waxaana la tilmaamay iney qayb ka tahay dadaallada lagu tayaynayo Ciidanka Booliska, islamarkaana ay ku xaqiijinayaan nabad gelyada xeebaha dalka. Waxaana dhismaha xaruntan cusub gacan ka gaystay Midowga Yurub.<\/p>\n<p>Munaasabadda xariga looga jarayay xaruntan cusub waxaa ka qayb galay, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha Farxaan Cali Axmed, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Mahad Maxamed Xasan, iyo ku xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey, Danjiraha Midowga Yurub, iyo Masuuliyiin kale.<\/p>\n<p>Dhismaha Mashruucan ayaa la sheegay iney ku baxaydey lacag dhan 3 milyan oo dollar, waxaa fulintiisa iska kaashaday hay\u2019adaha Qaramada Midoobay u qaabilsan mashaariicda (UNOPS) iyo xafiiska u qaabilsan la dagaalanka dambiyada iyo daroogada (UNODC).<\/p>\n<p>Waxay noqoneysa xaruntan saldhig howl-gal oo ay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ka hawlgali karaan agagaarka Dekedda Muqdisho iyo xeebaha Soomaaliya, iyo sidoo kale iney gacan ka geystaan horumarinta awoodda ciidamada ilaalada badda.<\/p>\n<p>Xaruntu waxay ka kooban tahay dhisme goglan oo leh qalabka teknooloojiyada, goob lagu hayo, diyaarad sabbaynaysa, gacan doomeed, iyo qayb hoy ah. Sidoo kale, xaruntan waxaa lagu qalabeeyay qalab isgaarsiineed oo dhanka badda ah si ay ugu suurtagasho diyaar garow shaqo, waxaana 60 sarkaal oo ka tirsan ciidamada ilaalada badda la siiyay tababbaro iyo aqoon isweydaarsiyo ku saabsan ilaalinta sharciga badda, injineernimada badda iyo isgaarsiinta badda.<\/p>\n<p>\u201cCutubka ilaalada badda ee ciidanka booliska Soomaaliyeed waxay yeelan doontaa awood aad iyo aad waxtar u leh oo ay kaga hawl-gali karto iyo is-dhexgalka xeebaha iyo xeebaha Soomaaliya, si loo hubiyo in dambiyada badda la yareeyo, si wax ku ool ahna looga shaqeeyo arrintaas,\u201d ayuu yiri Agaasimaha Xafiiska UNOPS ee Soomaaliya, Tim Lardner, oo ka hadlayay xafladda xarig jarka.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Bariga Afrika ee UNODC Neil J. Walsh, ayaa tilmaamay doorka muhiimka ah iyo mid iskaashi ee ay xaruntan leedahay, taasoo ka qeyb qaadan doonta dadaallada lagu taageerayo dagaalka Soomaaliya ay kula jirto dambiyada abaabulan ee ka gudba badaha.<\/p>\n<p>&#8220;Waxaan awoodnaa inaan ka caawino booliiska iyo baarayaasha inay booqdaan, raacaan, baaraan oo ay qabtaan si loo ilaaliyo amniga badda inta ugu badan ee suurtogalka ah. Haddii aan arrintaas si wadajir ah u fulino, ma jiro saaxiib\u00a0 muhim ah oo aan ka ahayn Dowladda Federaalka Soomaaliya, lana shaqeeya hay\u2019adaha Qaramada Midoobey ee aan wada shaqeyno iyo guud ahaan Midowga Yurub, waxaan sameyn karnaa isbeddel dhab ah oo dhanka nolosha ah, isbeddel dhab ah ee awoodda ilaalada badda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya,\u201d ayuu yiri Mr. Walsh.<\/p>\n<p>Dhismaha xaruntan cusub ee xariga laga jaray ayaa soo bilaawday sanadkii 2018-kii, waxaana xarig jarka xaruntaan ay kusoo beegmaya xili Xeebaha Soomaaliya ay mudooyinkii dambe ay ahayeen kuwa dayacan marka loo eego dhan walba, waxaana mararka qaar xeebaha Soomaaliya lagu arkaa haaman ay ka buuxaan sun kiimikeysan oo ay iska soo fogeeyaan dalal shisheeye, waxaana sidoo kale jirta in Xeebaha Soomaaliya ay si sharci darro ah uga kaluumeystaan maraakiib shisheeye.<\/p>\n<div align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-78721\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-300x300.jpeg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"300\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-300x300.jpeg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-150x150.jpeg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-420x420.jpeg 420w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco.jpeg 640w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-77094\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-300x256.jpeg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-300x256.jpeg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-768x654.jpeg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-696x593.jpeg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-493x420.jpeg 493w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug.jpeg 925w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"256\" \/><\/a><\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa xarigga ka jaray xarun cusub oo loo dhisay Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Booliska Soomaaliyeed, taasoo laga hirgeliyey gudaha Dekedda magaalada Muqdisho. Arinkan ayaa waxaa Loo Arkaa in uu Yahey Mid Hoos u Dhigeysa kor u Qaadida Ciidamada Badda oo iyagu u Xilsaaran Ilaalinta Badda iyo Xeebaha [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":79134,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-79133","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/79133","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=79133"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/79133\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":79150,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/79133\/revisions\/79150"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/79134"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=79133"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=79133"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=79133"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}